|
Maqaal:
SPEAKER IYO AFHAYEEN MAXAY KALA YIHIIN?
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Waxaa qoray
Maxamed Cusman Cumar
*********
In muddo ah ba waxaan la rafanaayay in aan kala saaro labada magac oo Af-Ingiriiska lagu kala yiraahdo:
-
Speaker
-
Spokesman
Dastuurka cusub khodobkiisa 66d sida ku qoran, waxuu ku saabsanyahay doorashada “Afhayeenka iyo Ku-xigeenada Golaha Shacabka.”
Sida aan u malaynaayo, hadalkaas in laga soo tarjumay “Speaker” oo dalalka qaarkood, sida kuwa Ingiriiska iyo India, u istimaalaan halkii Guddoomiyaha Baarlamaanka. Haddii ay sidaas tahay, waxay ila tahay in si qaldan loo fahmay micnaha.
Sida aan weligey ku maqli jiray, hase yeeshee, aan shaki ku jirin in weli ay jiraan wax ii dhiman, “Afhayeen” waxaan ku ogaay in uu yahay qof u hadlaayo qof kale ama qof u hadlaayo xafiiska uu ka tirsan yahay. Si aan ugu qanco waxaan qaamuuska Colliins English Dictionary ka raadiyay waxa uu ku fisiray “Speaker”. Waakan midka ku aaday:
Speaker – The official chairman of a law-making body.
Waxaa kale oo aan fiiriyay fisiraadda
“Spokesman” – A person chosen to speak on behalf of another person or group.
Marka “Af-hayeen” oo khodobka 66d ee Dastuurka lagu sheegay in laga wado madaxa baarlamaanka, waxaan qabaa in fiiro dambe loo yeesho micnahiisa.
Sida saxa ah ee loo isticmaalo derejada (Title) “Afhayeen” waa sida hoos ku qoran oo aan tusaale ahaan u soo qaatay:
“Afhayeenka dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng: Yariisow) ayaa Saxaafadda u sheegay in Xukuumadda ay ka xuntahay ...”
Haddii sida ku qoran Dastuurka “Afhayeen” laga wado “Madaxa Baarlamaanka”, Eng. Yariisow, maxuu noqonaayaa? Waa su’aal. Jawaabta waxay tahay in uu noqonaayo “Madaxa Dawladda”
Waxay ila tahay in darajada Madaxda Baarlamaanka laga dhigo “Guddoomiye” iyo “Guddoomiye ku-xigeenada” laguna beddelo waxa hadda khododbka 66d ku qoran.
Waxaa kale oo iyadana markasta saxaafadda isku qaldaan “Jamhuuriyadda” iyo “Dawladda”. Jamhuuriyadda waxaa madax u ah “Madaxweynaha”, Dawladda waxaa madax u ah “Raa’iisul wasaaraha.
Madaxweynaha waxuu matilaayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Marka la sheegaayo waa in la yiraahdaa, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya”. Marar badan saxaafadda waxaay qortaa ama idaacadaha ka sheegaan marka ay madaxweynaha soo qaadaayaan “Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya”.
Matalan Kuwait iyo Falastiin title-kooda ma aha “Jamhuuriyad” ee “States”. Sidaas darteeda madaxdooda waxay kala yihiin Amir Dawlat Kuwait iyo Ra’iis dawlat al Falastiin. Soomaaliya “Dawladda” waxaa madax u ah Ra’iisul Wasaare oo Gole Wasiirro leh. Marka la leeyahay Madaxa Dawladda waxaa loola jeeda Ra’iisul Wasaaraha.
Marka waxaa ila fiican in marka madaxweynaha lasoo qaadaayo la yiraahdo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda” oo aan la dhihin madaxweynaha Dawladda ...
Soomaaliya ma aha sida dalka Maraykanka oo madaxweynaha isla asiga dawladana madax ka yahay.
Wa billaahi at Towfiiq.
MAXAMED CUSMAN CUMAR.
-----------------------------------------------------------------------------------------------------
Maxamed Cusman Cumar waa Danjire (hawlgab). Waxuu qoray dhowr book oo ay ka mid yihiin, The Road to Zero – Somalia’s Self Destruction – iyo Thge Scramb le in the Horn of Africa)
Email: mohd.osman75@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|