|
Aragti:
Baroordiiqda Faroole & Baqtiga Zanawi

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Baroordiiqda Faroole & Baqtiga Zanawi
Waxaan leeyahay Alow Naarta ku fogee Zanawi iyo cid-walba oo qeeyb ka aheeyd duulaankii Ethiopia ku soo qaaday dalka somali iyo wax-magardii somali ee la socday Zanawi,aad iyo aad ayeey ugu farxeen Somalida iyo muslimiinta geeska Afrika geerida Zanawi inkastoo shaashadaha Tv-yada laga arkaayay in Zanawi baqtigiisa weli laga cabsanayo loona baroordiiqayo Puntland waxaa ka dhacay wax aanan hore ugu dhicin, Faroole iyo kooxda uu xukumo waxaa aay ku ooyeen qunsulkii Ethiopia ee Garowe waxaana aay muujiyeen kuna dhawaaqeen in Zanawi uu ka dhintay Somali, Zenawi kaliya Ethiopia kama dhiman, wuxuu ka dhintay guud ahaan dhucuubta Afrika iyo Soomaalida, anagana waa naga dhintay” ayuu yiri Faroole.
Waxaan leenahay Zanawi waxuu ka dhintay caalamka gaalada ah qaas ahaan gaalada Ethiopia ee Tigreega ah,waxaanse aad ugu farxay sida Farax Macalin u wajahay geerida Zanawi iyo sida uu runta ugu sheegay waxaa uu dhahay.“Horay iyo dib dhibaatada ka jirta Soomaaliya waxaa mas’uul ka ahaa Melles Zenawi, waxaana uu isku diri jiray dhinacyadii Soomaaliya isagoo ka faa’iideysanaayay burburka ku dhacay Soomaaliya,waxaa uu walwel ka qabay in Soomaalia aay ka dhalato dowlad xoog leh, taasi waxaa xaqiijiyay kuwii uu ku shaqeysan jiray oo qaarkood ay ii sheegeen inuusan wax rajo ah ka laheyn Soomaaliya, kuwaas oo uu marba mid saaxiib gaar ah la noqonayey, raggaasi waxay markii dambe ku qoomameeyeen inay u fiicneyd inay mar hore ka haraan” ayuu yiri Faarax Macalin oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya. Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa sheegay in Ra'isul wasaarihii geeriyooday ee dalka Itoobiya Melles Zenawi uu mas'uul ka ahaa dhibaatada ka taagan geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, isla markaasna ay ciidamadiisu xasuuq ka geysteen dalka Soomaaliya.
Madaxweynihii hore C/laahi Yusuf . 23.07.2011 wuxuu barnaamijka VOA uga hadlayay soo gelistii ciidamada Ethiopia ee Somalia waxaana uu sheegay ”inuu raali ka ahaa imaanshahoodii kana mid ahaa dadkii u yeeray, iyadoo ujeeddadii faragelinta ciidamada Ethiopia ay ahayd mid lagu doonayay in Somalia hubka looga dhigo oo ay xasisho, balse haddii ay taasi isku beddeshay in dalka ay xukumaan uu isagu arrintaasi ka soo horjeestay diidayna inuu noqdo dabadhilif.
Faroole waa in laga xoreeyaa Puntland shacabka degan ee uu xooga ku haysto waxaa xaqiiq ah in reer Puntland ayan la qabin baroordiiqa raalina aayan ka aheeyn in Zanawi loogu baroordiiqo Puntland balse Garowe oo ah xarunta jufada Faroole oo kaliya looga baroordiiqay baqtigii gaalkii madoobaa ee Zanawi.
Faroole waxaa uu noqoday Garaadka Dhulbahante waxaana uu soo xulay Saado Cali halka garaad Jaamaca uu u sheegay caalamka in Sado ayan aheeyn xubin dhulbahante aay soo xuleen, waxaa socda fashilinta dhagarta Faroole marba haddii Cali Khaliif isku soo taagay gudoomiyaha baarlamaanka.Jurila oo dhawaan booqday Puntland waxaa uu Faroole ku heshiiyeen in uu isku taago gudoomiye baarlamaan asaga oo ka soo qaatay 2 milyan doller si aayaha danbe dastuurka Puntland iyo midka Federaalka leeysku waafajiyo iyada oo aanan wax laga bedelin dastuurka Puntland oo qoraya in Puntland ay tahay dowlad madaxbanaan,dhanka kale C/weli waxuu siiyay C/aahi Goodax Bare lacag dhan 1 malyan oo dollar si uu isku soo sharxo gudoomiyaha baarlamaanka si inta madaxweeyne ee Hawiye isku taagtay musharaxnimada madaxweeyne uu daadka ugu daro,xaqiiqdii waa dhagarqabe weeyn oo xiligaan isku soo taagay xilka gudoomiyaha baarlamaanka.
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|