Somali News
    Hees  

Aragti: Mas'uul Maqal Dadkaada.  


Inta aan maqaalkayga aan gudo galin aan idiin sheego in aan waligay qalinkayga aan u isticmaalin in aan ku duro shaqsi inta badana waxaan xooga saaraa xog u baahan in la soo bandhigo taa oo ka qarsoon bulshadaan ay daashadeen dagaaladaan wajiyada badan waxaana u soo gudbiyaa  hab madadaalo,hadabo maqaalkaan shaqsiyan kuuma quseeya.

Mas’uulow waxaad tahay xil raadis codna waad  rabtaa ma ka fikirtay in aad xilka u hayso ama aad u qabaneyso shacab marti u noqday colaado,abaaro, laga dhaxlay macluul,caafimaad daro, misana u ooman nidaam,kala dambeyn buuxda &cadaaladd.

Mas’uul arintaan maanka ma ku haysaa mise wax kale ayaad maankaada ka guuxaaya oo jeeb weyn ayaa kuu tolan, mas’uul inta aadan dhagaysan laabtaada waxa ku jira maqal dadkaada oo u dhago nuglow baahida shacabkaada haddii kale godkaada ayey biyo kuugu soo gali doonaan dib u eeg waxa ka dhacay dunida carabta maxaa nin door meel cidla ah la soo taagay oo qaar ayaga ka mid ah ayaa ciida laga hoos mariyey  halka kuwo kalena xabsi daa’ in lagu xukumay halka kuwo kale loo biro
tumanaaya, maskaxdaada gali in aad waxbo kaga duwaneyn kuwaa ayaga ah si kasta oo aad iskaga dhago tirto shacabkaada&si kasto oo aad ugu tomato maalin yey meertadu kuugu imaan doontaa weelkana haddii uu buuxsamo waa uu daataa hungurina waxii ka weyn waa dalaacshaa,mas’uulow haddii aadan si miir leh aadan marinka siyaasada u marin ogow  miisaankaada in uu hoos u dhacaayo mar haddii miisaankaada hoos u dhaco waxaa muuqaalkaada laga waayi doonaa
warbaahinta sida kuwii kaa horeyey magacaadana waxaa loo aqrin doonaa gadaal gadaal kadib maxaad sugaysaa taariikhda ayaad baal madow ka galaysaa.

Mas’uul is xisaabi inta aan lagu xisaabin hanti haddii aad leedahay u sheeg shacabkaada xataa miisaankaada u sheeg  inta uu la eg yahay haddii kale toorabiin ayey kugu eegaayaan inkstoo aan laga eed beelayn soomaalida tusaale haddii aad ka cayisho intii hore ama aad ka caatowdo waxaa lagu oranaayaa waxa sidaan u galay waa hantidii dadka ogose waa wax loo qaateen ah waayo dadka aad xukumayso ama aad xukumi doonto waxaa ku jiro dad maata ah& carruur agooma ah waana sun ee
ogow.

Mas’uulow aan su’aal  ku weydiiyee maxaad u jeceshahay in lagu doorto xigmada ku jirtase maxay tahay? Ma waxaad dooneysaa in aad  hanti  ka abuurtid oo sumacad madoobaatay midigta aad suratid mise waxaad dooneysaa in aad magac ka tagto oo taalooyin  laguu gu  xasuusto laguu dhiso? aMa waxaa  maankaada ka guuxaaya in aad sama tabixisaa dadkaan&dalkaan muuqaalkii lagu yaqaaney isbadalka ku yimid, qodobadaan aan soo sheegay keebaad ku si fowday ama aad dooneysaa in aad ku si fowdo tankale sidee ayey kuugu dhadhamaysaa in aad dhagaysato shacabkaada? Ma ku raaxaysaneysaa dhaliilaha wax dhisaaya oo ay kugu tusaayaan waxa jira mise dhaliil dhag jalaq uma siineysid oo waxaad la soo baxaysaa awood aadan la hayn markii aad lahayd hala I doorto ?

Mas’uul adkaysi intee la eg ayaad u leedahay hadalda  kaaga imaanaaya siyaasiinta u haqal taagaysa in ay kaala wareegaan kursiga ama kuwa doonaaya in ay kaaga hor maraan kursigaan madow ee lawada caashaqsan yahay sidoo kale xushmad ma u haysaa musharaxiinta kula midka ah xariir intee la eg ayaa kaala dhaxaysa mise  ma arki kartid oo cadow ayaad ka dhigatay ….

Mas’uulow cadaawad ha abuuran maxaa wacay barito ayaad helaysaa fursad waayo waxii ALLE kuu qorey ma seegaysid madaxtinimaduna waa meerto taa maanka ku haay bulshadana sumacad ka dhexsameyso tiirka ugu weyna waa taa waana  midka aad biri ku istaagi doonto laakiin kasbasho bulsho uma sahlana madaxda soomaalida sababtaasna waxaa ugu wacan  kali
talisnimo ayey ku fogaadeen hada ayaad mooda in ay soo yara hagaagayso qaab siyaasadeedka siyaasiinta manta u xusul duubaaya kursiga looga taliyo dalka laakiin figrad ayaa oraneysa uma bislaan madaxda soomaalida in ay ku dhaqmaan siyaasad furfuran oo hormar u horseedo dalka wayse matalaayaan maxaa yeelay qurba jog yey u badan yihiin oo waxbay soo arkeen,waxaase aan la dafiri Karin madaxdu in ay iskugu jiraan kuwo beesha caalamka ay wataan&kuwa ay ragaadiyeen beesha caalamka oo doonaaya in ay wax u yeeriyaan taana waxaa kulumaaya rabitaankii dadka hormarkiina habacsanaan ayaa ku imaanaaya sidaa darteed maxaa diidaaya in ay arintu noqoto  ”kud ka guur oo qabjo u guur”.

Mas’uul waa iga su’aale maxaa idin ka halaabaaya  haddii aad diidaan waxa la idiin yeerinaayo oo ugu jawaabtaan beesha caalamka arintaan uma cuntanto bulshadayda waayo tani waxay xagal daacineysaa hormarka dalkayga&dadkayga sumacadaydana waan ilaashanaayaa,in aad xilka waysaan kabadan miyaad la kulmaysaan jawaabta aan meel dhaw ka soo
qabtee waa maya, haddii aad waydo xilkaas si kastaba aad ku weydide ma waxaad wayday sumacadii aad ku dhax lahayd bulshadaada? Ma is tiri marka uu mas’uulka kursiga salka lahelo in uu is ku wareejiyo ina adeer & reer tolkiis soomaalidii kalena albaabka ka xirto oo uu shalay codka ka raadinaayey hadabo sow sumacadaadii sakiin kumaadan sar sarin Alleylahe waad ku sartay kursiga aad ku fadhidana waxaa hoos ka cunaaya bulaan bulyo deetana garbahaa lagaa qaban doonaa

Mas’uul shaqsiyan meeqaa sano ayaad jeclaan lahayd in aad talada dalka hayso? Aan ka war sugno tirada musharaxiinta ah ee u xusul duubaaya in ay qabtaan madaxweynanimada dalka wax yaabaha ay ku si foobaan.

Mas’uul yaad is leedahay waa uu kugu cariirin karaa xilka aad  u haqal taagayso?mas’uulow ogow jidkaan aad ku socoto  tiitiin&kaxar badan ayaa daadsan,  markaas oo kale waxay u baahan tahay xeeladaysi tan kale qalinkaada Hormar ha qoro haddii kale waa uu kaa istaagi doonaa.

W/Q.Suleymaan Sh Ismaaciil(Paracetamol)
E-Mail paracatamol5@gmail.com

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)