|
Maqaal:
ISBEDELKII LAGA SUGAYEY XUKUUMADA KULMIYE HALKUU MARAYAA
Waxaanu wada xasuusanahay 26/06/2010.doorashooyinkii sida weyn ee bulshada s/land u dooratay madaxweyne axmed maxamed siiraanyo.iyaga oo quudaraynaya in isbadalka uu,
Xisbiga kulmiye balan qaaday, uu wax weyn ka badali doono, xaalada adag e e dalku wakhtigaa ku sugnaa.
Waxay ahayd mucjiso weyn oo dadku ku goaansadeen in isbedel dhab ah la helo.
Madaxweyne siilaanyo waxa uu xafiiska madaxtooyada la wareegay, 27/07/2010.
Isbedelkii ugu horeeyey ee uu madaxweynuhu sameeyey, waxa uu ahaa in uu magacaabay,
Wasiiro cusub oo u badan qurbe joog, marka laga reebe dhawr wasiir.
Waxay arrintaasi ku noqotay amakaag ku noqotay ragii dalka joogay ee Xisbiga Kulmiye ee sida wen ugu soo halgamay inay gudoomiyooha kursiga madaxweynaha saaraan shacbiga reer Somaliland xulistii golaha wasiirada kamay boodin oo waxay islahaayeen malaha qurbajooga
Ayaa isbedel keeni. Waxa iyagana la xaaqay khuburadii agaasimayaasha ahaa, ee in ka badan shan iyo toban sanadood waayo araga u ahaa.
Buuqii xisbiga kulmiye wuu sii batay,waxaa wasaaradii ku kulmay, wasiir iyo agaasime guud oo qurba jooga oo midna aanu hayn xog fiican oo wasaaradaas ka hayn .
Asxaabtii mucaaradka ahayd waxaa ay go aansadeen in laga dhur sugo, isbedelkaa, loo hanweyna.
Waxaa ay umada Somali land aad ugu faraxday, maxamed xaashi cilmi.oo loo magacaabay wasiirka maaliyada,maadaamaa ay umudu yaqaaneen amaanadiisa.
Waxaa waajib inagu ah qof kasta oo wax ka qoraya dalkiisa in uu sheego wixii la qabtay, isla markaana uu sheego dhaliilaha xukuumada. inaga oo ku salaynayna dhacdooyin dhaba oo jira idinkuna aad iiga markhaati kici doontaan,
Maxaa la qabtay?
Balanqaadkii buuga kulmiye ku qoraa waxaa la fuliyey.
1>wasiirka maaliyada, maxamed xaashi cilmi runtii wuu dadaalay,wuxuu markiiba kor u qaaday miisaniyadii dalka, waxaa uu u kordhiyey mushaharooyinkii ciidamadii qaranka, iyo shaqaalihii. boqolkiiba boqol.
2>iskuladii dawliga ee Hoose Dhexe waxa laga dhigay lacag la aan.
3>biriijkii hargaysa o dayacnaa lacag ayaa lagu daray waana la dhamays tiray.
4> gidaaradii madaxtooyada iyo wasaaradihiiba waa la dhisay iyadoo dhagax cas oo astaanta s/land ku xardhantahay lagu dhisay.
Ururadii siyaasada oo la furay.
Maxaa dhaliilo ah?
1>sanadkii ugu horeeyey nabad gelyadu faraha ayay ka bixi gaadhay,waxaa la wada ogaa in OLF ay lughaya ciidan kala soo dagtay, taasoo khatar inagu ahayd inaga iyo etoobiyaba.
dagaalkii saameel iyo dagaalkii ceelbardaale
Xukuumadu waxay xooga saartay oo maal lagu bixiyey dagaaladii ceelbardaale,iyada oo ay tahay wax aad looga xumaado dadaaladii loo galay deegaanadaa saameel,ee ay aadka uga shaqeeyeen labadii badhasaab ee gabilay iyo awdal iyo Odayaashhii Dila Iyo Gabiley
Xukuumadu waxa ay si badheedh ah iskaga indha tirtay dadaaladii iyo daacadnimadii ragaasi oo halkii shahaado sharaf laga siin lahaa ku mutaystay in ay xilkii ku waayaan
2>balanqaadkii ugu weynaa ee xukuumada oo ahaa in shaqo loo abuuro dhalinyarada jaamacadaha ka baxaya oo lagu hungoobay waxaana sii batay tahriibkii iyo niyad jabkii.
3>ictiraafkii oo aad loogu hanweynaa in xukuumadu soo hesho, oo dib ugu noqday halkii aynu maraynay labaatan sano ka hor,oo awal waxaynu ku adkayn gooni isu taageenee,maanta wadahadalada lala galay somaaliya aad moodo majara habow,shaki weyn galiyey dadweynaheena somaali landka ah.
Dawladaha ka dhasha koonfura ay leeyihiin midnimadu waa muqadas,iyagoo dastuurkoodana ku darsaday somaali land waa gobol ka mida soomaaliya.Inaguna waxaan qabnaa in Somali land muqadas tahay sida ku qoran Distoorkeena Ummaddu u coday say.
Waa laba shay oon waligood kulmi Karin,waxay ahayd in markii ay xukuumadu aragtay ay joojiyaan wada hadaladaa, oo ay u maraan dariiq lagaga xod xodanayo wadamada reer galbeedka ingiriisku ha u horeeyee.
Maadaama aanu nidhi wadahadal ayaanu galaynaa aduunku waxaa ay sugi doonaan, wixii ka soo baxa wadahadaladaa suurto gala maaha in madaxda soomaaliya ay yidhaahdaan waanu idin aqoonsanaynaa.
Madaxdeenuna gooni isu taaga ma jabin karaan, markaa miyaanay daal uun ahayn ama ijiid aan ku jiidee.waxaan soo jeeden lahaa in halkaa lagu joojiyo, oo dhan kale looga wareego sida in golayaasha qaranka aqoonyahanka jaaliyadaha dibadaha arimaha dibadu ay si buuxda uga wada hawl galaan.
4>waxaa isku milmay labadii gole ee fulinta iyo sharci dajinta,golihii dhamaa ee sharciga ilaalin lahaa fulinta ilaalin lahaa ayaa ku milmay xukuumadii.halkaana waxaa ku lumay dantii shacabka.
Waxaa aynu wada ognahay ina ay waa hore inoogu danbaysay, golihii sharci dajinta waa baarlamaankeenee oo ka doodaya wax lagu saxayo xukuumada .,
Waxaan la arag golaha wakiilada oon toosin ku samayn xukuumadii,iyo urur siyaasadeed dhaliil u jeedinaya xukuumada.
5>waxaa soo kordhay dhaqan xumo oo waxaa soo laabtay, qabyaaladi,oo waxaa liicday isku duubnidii.
Waxaa aad suuqyada iyo meelahaa markaad marayso dhegaha kaaga soo dhacaya, reer hebel iyo reer hebel,umadani waxaa ay madaxweyne u dooratay axmed siiraanyo, isagaana ka masuula wixii maamul xumo ah ee ka yimaada maamaulkiisa.
Qofka dhagahaagu had iyo jeer ku soo dhacayaa waa xirsi, maaha siilaanyo,
Horta yaa xirsi keenay, dabcan waa madaxweynaha, dadku waxay ku odhanayaan, xirsi baa eryey, maaha baan idin leeyey, ka eryay waa siilaanyo, .
Mar mar waxaan is idhaa xirsi madaxweynuhu faaiido ayuu ka helay.oo eedii oo dhan ayuu iskaga dhigay.
Waxaan leeyahay umudu xirsi ha iska dayso oo ha la xisaabtanto madaxweynahay doorteen.
Oo ha yidhaahdaan waxaasaad xumaysee hagaaji.
6> xisbiga kulmiyeSaxaafadu waxay ula shaqaysay si hagar la aan ah,waxaan qabaa in ay yihiin kuwa ugu horeeya ee kursiga saaray,waxaa balan qaadyadoodii safka hore ay ku qadimi jireen in aan marna la cabudhin Karin saxaafada madaxa banana.
Oo aan marnaba xadhig iyo tacadiyo lagula kici Karin. Hadaba markaanu dib u eegno mudadii xukuumada talinaysay in ay kor u dhaaftay xadhig iyo tacadi iyo cabudhin tii ka horaysay ee ay eedayn jirtay, waxaa la gaadhsiiyey xukuumadii riyaale ul ayaanu kaaga soo saari madaxtooyada.
Waxaa kale oo la xidh xidhay dad rayid ah oo fakirkooda lagu xidhay, waxaan aaminsanahay in ay xukuumada manta jirtaa ay tahay tii ugu dhaliisha necbayd abid ilaa ka soo bilow xukuumadii Somaliland ee cabdi raxmaan axmed cali, tii ina xaaj8i ibraahin cigaal.
Ilaahay labadaba ha u naxariistee.
Madaxweyne dhaliishu ogow waa saxaaga, u dulqaado, ha cabudhin, waxaa hore loo yidhi nin durmaan qaatay ilaaq dalbay.
7waxaad moodaa in siilaanyo u hayo colaad gaara gobolada waqooyi iyo galbeedka s/land,illaa gabiilay, iyada oo aanu wada og nahay in goboladii ugu taageerista badnaa ay ahaayeen ee soo saaray madaxnimada siilaanyo.
Hadaba halkee la iska jiidhay, maxamaed xaashi waa la eryey, maxamed xaashi odey waa la eryey, gobolka gabilay sadex badhasaab ayaa la eryey, laba janan ayaa la eryey,waxa u danbeeyey boobe yuusuf ducaale.
Iskeerse waynu wada ogayn badhasaabkii waa xidhan yahay,waxaa manta la yidhaa ninka la magacaabo ee reer gabiilay ah, waxaa uu noolaadaa inta diirta oo kale<45>cisho
Waa yaabe ma kuwa galbeedka oo kaliya ayaa la eryaa oon shaqadooda ka soo bixin, kuwa kaleba ma badalee, waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan madaxweyne dadka la tasho .
Waxaa qoray. Muuse xaaji maxamed guuleed (Muuse inji)
mahamad mussa inji
mahamad95@hotmail.com
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|