|
Aragti : “Xil-doon Mise xoolo-doon, Xurma-doon Mise Xal-doon
Xil-doon Mise xoolo-doon, Xurma-doon Mise Xal-doon
بسم الله الرحمن الرحيم
الســـلام عليكم ورحـمة الـله وبــركـــاتــــه. وبعد
Qowleeysatadii cadaanka Qarnigeey Qotamiyeen Qarankusheega Qurmoon Qaali buu nala ahaa, ee Rag baa Qeeydka u xeeytay oo in eey Qiraan Qeeylo dhaan Qabiil ugu yeertay Iyadoo laga xaalmarin reer xamar xasuuqii xamar weeyne iyo xoolihii laga boobay xal noo noqan meeyso dalka waa nabadeeysmay haddii xaqa laga rooro oo xaaraanta loo xusul duubto xaasidiinta xijkooda xaaraan qadcan waaye.
Siyaasada dal-walba uu leeyahay waxaa hormuud ka noqda siyaasi leh hami iyo argati dheer oo ku qotonta dhulka,dadka iyo diinta dalkaasi leeyahay,waxaad moodaa in eeyan weli helin somalida nin siyaasi ah oo leh hadaf iyo ujeedo cad oo lagu badbaadinayo dalka,dadka iyo diinta,qormadaan waxaan jeclahay in aan siyaasiga Somali u kala saaro : a) xil-doon b) xal-doon c) xurmadoon iyo d) xoola-doon,iyo e ) xaq-doon.
Haddii aan ku hormarno xil-doon waa qofka damacsiisa yahay maruun xilka ii dhiiba iyada oo la ogyahay in aqoonta siyaasadeed iyo mida dhaqandhaqaale ee uu Somali u leeyahay aay tahay mid aad u yar basle indhahiisa aay qabtaan oo kaliya xilka ugu sareeya oo kaliya waa maruun madaxweeyne i dhaha,ma laha Aqoon,karti ,hufnaan iyo daacadnimo,dhaqankoodada waxaaa luuqada qalaad lagu dhahaa”nepotism”favouring of a certain community for giving senior positions in the government,without considering national unity waa waxa Shariif manta haysta C/weli iyo C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii dastuurka ayaa la soo baxay dastuur cusub halka Shariif iyo iyo golaha madaxabanaan ee dastuurka ayaa iyagana la soo naxay nuqul dastuurka la rabo in la ansixiyo,kuwani waxaa aay umada ka dhaxlaysaa oo kali ah kala fogansho iyo cadownimo iyo isaaminid xumo. Baadida nin baa kula daydayi daalna kaa badane oon doonahayn inaad hesho daa'in abidkaaye aduunkana moodayaan duul wada dhashoon wax u dahsooneyne.
Xal-doon waa qofka si fudud u arka xalka meesha ugu sahlan ee laga raadin karo,waxaa uu u baahan yahay qofkaasi rag asaga oo kale ah oo leh xirfad aqooneed ujeedada iyo ka gun-gaarida goolka xalka siyaasada dhaqan dhaqaale ee dalka ku sugan yahay,runtii xal-doon waxaa lagu qeexaa dhalinta baratay cilmiga siyaasada,xeerarka caalamka iyo mida dalalka aduunka aay ku badbaadeen wallow aayan aqoon u laheeyn shareecada hadana aragtida iyo ujeedka dib u unkida nabada iyo wadanoolaanshaha calmaaniyada waa mid u muuqda xirfadihii laga rabay xal-doonimada kuwa lehne,dalkeena aad ayuu ugu yar yahay qof ah xal-doon lehna cilmiga siyaasada calmaaniga sabbabta oo ah waxa xiligaan lagu rafanayo waa soo celintii calmaaniyada sida hada ka muuqata siyaasada la rabo in lagu badbaadiyo Somalia.
6 da Nin ee loo bixiyay saxiixayaasha midna ma soo baran cilmiga siyaasada (Political science ) balse ninwalbaa waxaa damac kaga jiraa hogaanka dal burburay dadkiisana dagaal sokeeye la dhex-dhigay koox walbana hogaanka ka dhigatay Ethiopia iyada oo aanan weli aanan la helin dariiqii nabada iyo wadanoolaanshaha intaba waxaa aay isgu jiran xoolo-doon iyo xil-doon.
Xurma-doom waa qof daacad ah,leh awood heybad hogaamin,aragtidiisa aay tahay nabada iyo wada noolaansho dhab ah,qofkaasi xilka waxaa uu u qabanayaa maaha in uu xoolo yeesho ama uu ku faano xilka uu umada u hayo balse ahmiyadiisa waa mid uu kaga doonaayo shacabka uu xilka u hayo xurmo iyo sharaf, ujeedkiisana uu yahay in uu kor u qaado qiimaha iyo sharafka umada abaalkiisana uu noqdo in umada uu xilka u qabtay aay u muujiyaan qadarin iyo qiimo aad u weeyn,somalida waxaa soo maray dad faro ku tiris ah welina xurmo iyo sharaf loo hayo taariikhdana ka galay baal dahab ah.
Xoolo doon waa qof aanan laheeyn aragti dheer ujeedadiisana aay tahy boobka hantida qaranka iyo shacabka waa waxa somalida aay xiligaan ku jiraan,xoolo-doon aad ayuu ugu badan yahay inta Somali xilka u soo qabatay , Siyaasiyiin qurbaha ku daalay ayaa xiligaan ka mid ah kuwa xoola- doonka ayaga oo la ogyahay in aay wataan Baasaboora Yurub iyo USA ,xaqiiqdii waa caqabad weeyn maxaa yeelay danaha shaqsiyadood waxaa ka weeyn midka aay ugu adeegayaan dalalkii aay u haajireen welina caruurtooda degen tahay,dib u fiiri inta dalka xilka u soo qabatay ama weli haya ee ka yimid dalalka dibada watana jinsiyado shisheeye ?? ogow qaarbaa wata jinsiyada Ethiopian, xildhibaano jinsiyado kala duwan haysta ayaa dalka xildhibaan u ahaa weliba xilka ugu sareeysa dalka hayo welina soo qabtay sida r/wasaare wasiirka difaaca iyo midka dhaqaalaha iwm.
Xeel dheerayaasha aduunkaa xoolo raac ku tilmaamay xildhibaan isku sheega Qurmoon Xaqi Soomaali xabaalay in eey xukumaan kuwii eey xaqireen Xasuuqeeen oo eey xasideen weliba xeer hoosad u sameeystay, Xarbi yaa kugu beegan xildhibaan isku sheega Qurmonow ee Xamar xanuun uma baahn.
Xaq-doon oo ah xiligaan koox faro badan xaq-doonka waxaa uu jecelyahay in xaqa wax lagu qeeybsado,waxaa u badan culumada iyo dadka aaminsan xisaabta danbe oo ah mid aanan laga carari karin .xaq-doonta Somali waa ku badan yahay balse awood ma haystaan waana looma ooye looma aare,haddii uu awooda helana waxaa uusan ka baxsaneeyn caalamaka oo aanan ogoleeyn in Somali si siman wax u qeeybsato iyo in umadaa muslimka ahi isku dhaqaan shareecada.
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|