|
Maqaal:
Maxaa astaan la’aan wada dhigay?!
Maxaa astaan la’aan wada dhigay?!
Maamul aan hoggaan qabin
Majarahii hagaayiyo
Marjicuu u laabtaa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!
“Ratiga dambe Ratiga hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay!” murti baa tiraa, Xulashadii Maxamed Cusman “Jawaari” loo igmaday Guddoomiyaha Baarlamaanka ka dib, ayaa waxaa is qabsaday hambalyada iyo tahniyadaha ku aaddan wax lagu sheegay ISBADAL dhacay, waxayba ka sii dartay markii mudane Xasan Sheekhna loogu shubay inuu noqdo Madaxweyne, lana yiri maanta ayaan haynnaa dad u qalma hoggaanka dalka, oo aqoon iyo khibradba leh.
Anigu maalintii la doortay Mudane Maxmed Cusman Jawaari, waxaan qoray qormadii ahayd: “Aragti gaaban iyo alalaas gundhigay!” oo aan ku iri war yaan la degdegin, anoo tusaale u soo qaatay ninkii waalnaa ee markii loo mashxaraday yiri: “Maxaa la iiga mashaxaradayaa, haddaan mar kale dhumayaaye!” sidoo kale, maalintii Mudane Xasan Sheekh Madaxweyne ku soo baxay ayaan qoray qormo kale, oo cinwaankeedu ahaa: “Maxaa dhacay?!” oo u badnaa weydiimo ku aaddan meesha uu naga soo galay, cidda maalgalisay, anoo tusaale u soo qaatay Maaniyihii yiri: “Hasho Maankayga qaaddaye, ma Masaar bay liqday?!”.
Haddaad dib u sii qooraansato sooyaalka, waxaa kuu muuqan dhacdooyin la jaad ah, bal adba xasuuso Shirkii Jabuuti iyo Shariif, Shirkii Kenya iyo C/laahi Yuusuf, shirkii Carta iyo C/qaasim Salaad Xasan, maalinba si baa loo farxayey, Suugaan la tiryey heesana la qaaday, balse, marna lama oran, maxay soo kordhin karaan? Maxay qorshe wadaan? Maxay ….?.
Haddaad ku nasato inta Wasiir koowaad la sii magacaabayna kaba daran, Cali Khaliif Gallayr, Maxamed Cabdi Yuusuf, Cali Mamaxaed Geeddi, Nuurcadde, C/rashiid Cali Sharmarke, Maxamed C/laahi Formaajo, Cabdiwali Gaas, maanta ay wareegtadu joogto Saacid, dhammaan waxaa loo wada sameeyey xaflado iyo isu soo bax, aan marna la isku weydiin maxay waxa jira ka badali karaan? Aan ka ahayn in beel loogu taageero, qof daallan oo iska calool hadlay iyo mid xil doonaya xawaarihiis.
Waxba yaanan sooyaalka dhex jibaaxine, aan u soo laabto midda maanta taagan iyo madhooyinka qoramaya, waayuhu nooma roonaan, waxgarad naga samata bixiyana ma helin, waab adagna horey uma lahayn, isu gayn waa aafo umad ku dhacday iyo aayo mudgi ku jiro, hubaal inay si fiican maanta uga sii muuqal badan tahay maalin walba oo ka horreesay.
Haddii C/qaasim Salaad Xasan ka gaabsaday inuu gacan galiyo oo shanta Farood iyo Calalacal u salaamo Siyaasi dal kale ka socday oo waliba ka qaybgalayey xafladdii loogu Caleemasaarayey Madaxweyne Jamhuuriyadd, aanna wax colaad ah Soomaali kala dhaxayn, duullaan ku soo ahayn, dagaalna kula jirin muuqda, haddii C/laahi Yuusuf Xabashi soo kaxaystay, ee ku burburiyey hanti, kuna xasuuqay dad, dalna ku baylihiyey, haddii Shariif kuwuu shalay Gaalada ku sheegayey mar kale u habarwacday, ee Kenyana ku sii daray, haddii, wixii dhici lahaa dheceen, haddii aan dhibaatu yaraan, walina ay sii qoyan tahay maxaa xigay?.
Murrufmaaruf socod jaban
Maqalxumo shirqool iyo
Marti sharaf ku dheeshiyo
Magac laalan oon harin
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!
Jawaari iyo Dhaarta Dastuuriga ah
Dadku waxay dhahaan Mudane Jawawri Waa Prof iyo Qareen Sharci yaqaan ah, anigu wixii loogu deeqay ama uu darajo gaaray kuma haysto, balse, waxaan doonayaa inaan qalad foolxun oo uu ku kacay aan sheego, aqriste, adna markaa ka dib aragti ka yeelo, hadduu u qalmo in la yiraa waa Qareen ama Prof, haddii uun darajo qura looga jeedo waa gaarkeed, oo anigu kuma darin.
Sida xeerarka dunida ay qabaan, siyaasadduna ku qotonto, Madaxda ugu sarraysa ee Dawladi leedahay haddii xil loo doortay waxay leedahay hannaan loo maro, bal aan Tusaale u soo qaato hannaanka Baalmaanka ku dhisan ee Dawladdeenu tahay, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynaha jamhuuriyadda iyo Wariirka Koowaadba waxaa dhaarintooda u xil saran Guddoomiyaha Mxlamadda sare ee Qaranka.
Haddaba, maalintii Mudane Jawaari codka loogu Shubay ilaa maanta ma aragteen meel uu ku dhaartay, gaar ahaan meel uu ku dheershay Guddoomiyaha Maxkamadda sare? Waliba waxaa jiray in Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avvocato Caydiid Ilka Xanaf ka cawday arrintaas, wuxuuna yiri: “Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba ku Xigeennadiisa ayaga ayaanba ahayn Sharci! Sababtoo ah ma dhaarin, sidaa darted, waxay ku joogaan Sharci daro!”.
balse, cidna dhag jalaq uma siin! Xasuuso dhaartu waa astaan qaran, oo qof aan marin oo xilkaa oo kale haya waa dhib, mise waa Qareen Qareen ma dhaarso, haddaa Qaswadayaasha ha loo geeyo!
Waxaa xusid mudan, in Madaxweyne Xasan uu dhaarshay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waliba uusan waxa uu rabo iska dhihin sidii C/yaahi Yuusuf ku hadaaqay 2004-tii, bal liilkan hoose ka sii eeg dhaarinta madaxweynaha:
http://idalenews.com/?p=1780
Haddaba, haddii mudane jwaari oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanku uusan hortagin Guddoomiyaha Maxkamadda sare si uu u dhaarsho, kana booday Sharcigii u dagsanaa dunida iyo midkii Jamhuuriyadda u yaallay, marka laga soo tago inuu Prof ama Qareen yahay, xilka sida uu ku haayo maxay tahay? Midda kale, qof Dhaar Dastuuri ah looga baahan yahay, haddana aan la marin hawl qaran ma fulin karaa? Midda kale, Profnimadiisii iyo Qareennimadiisii maxay nagu tartay, hadduu garan waayey xilka ha laguu dhaarsho?! Kaba sii darane, waa hadduu kas uga tagee, maxaa laga filan karaa? Bal adba.
Af xiran iyo Astaan xadfan
Dhanka kale, maalintii Madaxweyne Xasan Sheekh loogu shubay ka dib, wuxuu fursad u helay inuu ka qaybgalo shirka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaan darrase waa ka baaqday, oo wuxuu u wakiishay Mudane Gaas, adoo maanta xilka laguu igmaday, fursadna u haysta inaad u khudbayso in badan maxadda 190 dawladeed, si aad ugu sharraxdo qorshahaaga ku aaddan:
-
Nabadsugidda iyo ammaanka
-
Dib u heshiisiinta iyo daminta colaadaha
-
Dib u dhiska iyo dib u dejinta
-
Garsoorka iyo sinnaanta
-
La dagaallana Argagixisada (sida Dunidu rabto!)
-
La dagaallanka Burcadbadeedda (sida Dunidu rabto!)
-
La dagaallanka Musuqmaasuqa
-
Sii wadidda wadahallada Koofurta iyo Waqooyiga
-
Dhammaystirka qaab dhismeedka dawladeed IWM
Adoo heli kara inaad intaa oo qodob iyo ka badan bandhigto, sidee looga baaqdaa kulan caynkaa oo kale ah? Haddana, kaba baaqo ma xumee, mudane Dunidu ku eedaysay Musuqmaasuq, Soomaaliduna Qabyaalad ku summadday, ma u dirsan lahayd inuu ku matalo? Aqriste, ma aqbali lahayd inuu ninkaa oo kale ku metelo, marka laga soo tago inaadba fursad qaali ah luminayso? Maxaa u diiday inuu dirsado mudane Jawaari oo ay isla wada cusub yihiin, oo aan tuhun dhaqaale lunsi laga qabin?!
Intaa kuma ekaysan, Madaxweyne Xasan, waxaa dhacay Xasuuqii Janaay Cabdalla, falkan waxaa si wada jir ah u cambaareeyey IGad iyo Amisom, halka Kenya oo ciidamadedu xasuuqa gaysteen ay tiri baritaan baan ku samaynaynnaa, Madaxweyne Xasanna xitaa Tacsi Qaramadeed uma dirin dadkaa waxyeelladu soo gaartay, iska daa inuu Cambaareeyee ama uu magacaabo Guddi baaritaan ku sameeyo falkaa waxashnimo ee dhacaye, haddana, Kismaayo ayaa Alshabaab isaga baxday, ayna gudaha u galeen Kenya, Amisom, Ciidan ka socda Dawladda iyo Malleeshiyaad ay kala hoggaanshaan Axmed MAdoobe iyo Gaandi, dhacdadaa oo wax ka badli doonta isu dheellitirka awoodda Jubbooyinka, walise maxdaweynu wax ka kama dhihin, aan ka ahayn kulanka uu la qaatay madaxda Uganda iyo Kenya, waana meesha Maradu uga dhacday!
La yaabka ugu daran baa ahaa, inuu dhacay shir Kenya iyo Ethiopia ay qabanqaabiyeen, balse, lagu sheegay shir IGAD oo ku qabsoomay magaalada Nairobi, oo looga arrinsaday aayaha iyo maamul u samaynta Jubbooyinka, Dawladda Xasan Sheekh shirkaa marti xitaa kuma hayan, bal iska daa inay aragtiyo iyo fekerado ku lahaatee, Kismaayo waxaa marti looga yahay Kenya iyo Ethiopia, dabcan lagana suganayaa inay go’aan ka qaataan Gobollo Soomaaliyeed, haddii kuwii ku maqnaa aanba lagu haysan, haddana ma kuwii kale ayey sida ay rabaan ka yeelayaan? Allow adaa faxan.
Safarkii u horreeyey haddii Shariif iyo C/laahi Yuusuf ku tageen Addis Ababa, Madaxweyne Xasan marka laga reebo safarkii gudaha wadanka ahaa, kii dibadda wuxuu ku tagay Uganda, oo maanta ku jirta booskii Xabashidu ku jirtay markii labadaa Madaxweyne la dooranayey, bal adba qiyaas AMISOM saw ma ahan Uganda? Ma la’aantood ayey wax ahaan lahaayeen? Illeen dalalka kale ciidanka ka jooga marka laga reebo Burundi iyo Djibouti waxay ku jogaan jeebkooda iyo jaantooda, kuwa Booliska ma hilmaamin.
Meesha fadeexadda ugu weyn ka raacday madaxweyne Xasan waxay ahayd magaalada Kampala, Madaxweyne Xasan wuxuu qaabilay madaxda Uganda iyo Kenya, dabcan si uu ugala hadlo xaalka wadanku marayo iyo sida loo sii baacsan karo Argagixisada, dhibka ayaase ahaa inuu iska soo fariistay ama iska soo istaagay goobtii uu ka dhici lahaa shirku astaan la’aan, halka madaxda kale uu mid walbaa garabkiisa surnaa calankiisa, keenna meesha ma ool!
Ma ahan markii u horreeysay ee ay dhacadadan oo kale dhacday, waxaa sidoo kale, summad la’aan iska soo qoomaarsaday Geeddi, Nuurcadde, Shariif, Gaas iyo Formaajo, mudanayaahsan dhammaan way ku wada dheceen qaladka ah inay astaan laa’aan soo wada muuqdeen, arrintan dad badan baa u arkay wax iska caadi ah ama sahlan, sidaa ma ahan, maxaa yeelay haddii ay sidaa tahay waxaad keentaan masuuliyiin ka kala socota laba dal oo midna calan garabkiisa suran yahay midna uusan surnayn?.
Haddii kuwii hore aqoon la’aan lagu eedanayey, haddii kuwii hore lagu dhaliilayey fudayd iyo faafreeb la’aan, haddii kuwii hore lagu eedaynayey inaysan xil iska saarin astaamaha qaranka, maanta wali waan haynnaa kuwa sidii oo kale u dhaqmaya, oo haddaa maalin walba ma waxaan u taagnaanaynnaa sidaa bay yeeleen iyo sidaa baysan yeelin, waaba yaabe, maxaa Astaan la’aan wada dhigay?!
Dhagaxaaba maaxdoo
Biyo lagu manfaco iyo
Macaan laga helaaye
Ma gudbaha ordaayiyo
Mudanaha naftiisiyo
Maqaamkiisa garanayn
Is maqiiqna daynayn
Dadku uu ku maadsado
Inuu nagu mashquulaa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!
Sida ay u dhaqmayaan waa isku mid, sida ay u xeerinayaan waa isku mid, sida ay u fekeraan waa isku mid, sida ay u shaqeeyaan waa isku mid, sida ay u safraan waa isku mid, kaliya waxay u kala duwan yihiin dhabbaha, jidka, qaabka iyo qiyaasta, sidoo kale waxay ku kala duwan yihiin halka ay u socdaan, waxa ay doonayaan, danta ay higsanayaan iyo hammiga ku jira.
Inaan Mayrax diirnoo
Haruub Maraq la’aadoo
Makaabiga la gooyoo
Maamuuska laga tago
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!
Dhammaad.
F.G: dhammaan tuducyada aan ku soo qaatay qormada, dhawaan ayey maanso dhammaystiran ku soo bixi doonaan.
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|