Somali News
    Hees  

Faallo: Soomaaliya ma meel loo soo shaqa tagaa mise waa dal u bahaan in laga saaro Mashaqo, Mugdi. Qax, burbur. iyo Fowdo?

 

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Faallo: Soomaaliya ma meel loo soo shaqa tagaa mise waa dal u bahaan in laga saaro Mashaqo, Mugdi. Qax, burbur. iyo Fowdo?

Allah ayaa mahad oo dhan u sugnaatey nabad iyo naxariisna nabi Muhammad (CSW) dushiisa ha aahto.

Waligey dowlad somaliya oo awood iyo sharci leh ma arkin waxaan kusoo barbaarey dagaal qax iyo wadan burbursan ayadoo saas ay tahay hadana waxaan la ilmeeya dhibaatada dadkeyga iyo dalkeyda heesata markaan eego ama aan arko sida wadamada kale nabada iyo horumarka u heestaan.

Wax barashayda hoose dhexe iyo sare waxaan kusoo qatey Muqdisho oo xabad ka dhaceyso waxaan usoo googey in fasalka dhaxdiisa xabad wiifta ah soo gashey kuna dhacdey saaxiibkey aan wax isla baraneyney.

Dhibka dalkeena ka dhacey ma ahan mid la koobi karo

Balse naxariista allah ka quusan mayno waxaan allaah ka baryaa inuu nabad iyo is faham iyo maskax wanaagsan ina siiyo

Soomaaliya ma meel loo soo shaqa tagaa mise waa dal u bahaan in laga saaro mashaqo.

Waxan filaya qof walba oo Somali ah oo damiir leh inuu fahmi karo jawaabta.

Hadaba qof ceynkee ah ayey sooomaliya u bahaantahey inuu hogaanka u qabto.

Dalkeenu wuu burburey dadkeenuna waa dagaalameen waxaana kala gaartey dhibaato taas oo saameysey ruux walba oo Somali ah. Waxaa mesha ka baxey

Is aaminaadii dhaqalihii dalka wuu degey. Indheer garadkii umadana waa la laayey.

Waxaa la dagey umada somaliyeed dhibaatoyin aan lasoo koobi Karin kuwaas oo ka dhashey nidaam la’anta iyo colaadaha ka jira gayigeena.

Manta waxaa jirta rajadii ugu macquulsaneyd burburkii dowladii kacaanka ka dib

Waxaan aragnaa ififaalaha nabada iyo is badal suurta gal ah oo imaan kara.

Balse waxaa is weydiin mudan heerka manta dalkeenu marayo cof ceynkee ah ayaa ka bixin kara.

Wax walba allah ayey ku xiranyihiin lakiin sababta waxaa laga rabaa iney la imadaan bini aadamka.

Soomaaliya waxey u baahantahey ruux sifaadkaan leh.

1.Geesi muwaadin ah

2.Aqoon yahan karti leh daacadna ah

3.Ruux allaah ka baqaya oo cadaalada ka shaqeeya

4.Ruux is badal keeni kara shacabkuna jecelyihiin sharfa iyo magacna ku leh bulshada dhexdeeda.

5.Ruux qiimeyn kara marxalada lagu jiro kana fog qabiil iyo nin jecleysi

6.Ruux ka nadiif ah musuq maasuq iyo ku tagrii fal hantida qaranka.

7.Ruux u damqanaya masaakiinta, agoonta, hooyooyinka iyo cuuryaamiinta iyo dhamaan shacabka somaliyeed. Iyo dalka kana fikiraya danta guud.

8.Shaqsi garana hanaanka maamul iyo sida looga gudbo marxaladaha adag.

9.somaliya waxey u bahantahey ruux soo celin kara sharafkii iyo karamadii dalkeena.

Qof walba oo Somali ah yar iyo weyn wuxuu shega inaan kheyraad fara badan leenahey inaad bad baxaad weyn leenahey. Inaan dhul beerashada ku haboon leenahey. Iyo wabiyaal aysan jirin cid ka faa iideysta.

Balse hadiiba aan sidaa ognahey maxaa inoo diidey inaan hishiino isi saamaxno walaalowno isku dan noqano dalkeena iyo dadkenana badbaadsano. Waxaa nasiib dara ah anagoo isku diin ah isku dhaqan ah isku midab ah isku dal ah inaan is fahmi wayno hadafkeenuna isku mid noqan waayo.

Dadka xilka madaxtinimo nooc kasta ha ahaate u tartamaya ha ogaadaan in ilahey la xisaabtamayo maalinta qiyaamaha lana weydiin doono musuuliyada ay qaadeen hadii neef xoola ah iska daa bini aadam ee dhibaato soo gaarto ee dhibatadaas darteeda uu u dhinto ha ogaadaan in wax laga weydiinayo.

Waxaa loo baahanyahey in qof walba oo xil qabta lala xisaabtamo.

Waayo saxaabadii nabigeena oo cadaaladooda ay gaartey in dhurwaaga ama waraabaha uu ariga la daaqo ayaa hadane lala xisaabtami jirey,

Xiligii amiirkii islaamka cumar bin al-khadab ayaa waxaa dhacdey in muslimiinta dhar go’yaal ah loo keeno markaasa dharkii waxaa qeybshey sayidinaa cumar (RC) markuu dhameeyey oo uu qof walba xabad siiyey. Ayaa dadkii waxey arkeen cumar oo laba go’ heesta. Ama laba maro. Markaasbey weydiiyeen oo dhaheen cumarow adiga laba go’ –maro ayaad wadataa midka kale inteed ka keentey.

Siyidinaa cumar wuxuu yiri su’aashaas wiilkeyga ayaa ka jawaabaya.

Wiilkiii cumar wuu soo istaagey wuxuuna u sheegey dadkii in aabihiis uu nin dheer oo xoogan yahey hal go’ amah al marana eysan ku fileen oo uu asiga tiisii ugu darey sidaasna uu laba maro ku heley cumar (RC). Habada qof walba oo xil qabta ha ogado in masuuliyadaas la weydiin doono maalin eysan jirin qiil iyo meel danbe oo galu fakado.

Mohamed abdi sabriye

Ardey wax ka barta jaamacad ku taala dalka Pakistan

Email. Zabriyeyare@hotmail.com

No. +923472055699

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)