|
Aragti:
C/weli & wasiiro ku Xadgudubay Dastuurka
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
C/weli & wasiiro ku Xadgudubay Dastuurka
Waxaa soo ifbaxeeysa in sharciga lagu xadgudbayo sabbabta oo ah golaha wasiiradii hore waxaa aay u dhaarteen xildhibaanimo sidaasi darted wax xil ah oo aay sheegan karaan ma jiro,sida oo kale C/weli maaha r/wasaare balse waa xildhibaan u dhaartay golaha baarlamaanka ee cusub,hadaba sidee ama xeerkee u ogolaanaya in aay shiraan golaha wasiiradii hore iyo C/weli ??? waxaa shiray sida ku cad sawirada aan aragnay rag wasiiro hore u ahaa badnaa oo xulufo la ahaa C/weli xiligaana noqday xubin baarlamaan,akhristow haddii aan ku xusuusiyo xildhibaannada la dhaariyey waxey tiradoodu gaareysaa 211 xildhibaan waxaana dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abukaate Ceydiid Ilkaxana fa'inta uu dhaarin waxaa uu ku wargeliyay in xilka aay u dhaaranayaan mid aanan aheeyn aayan qaban karin waxii dhaarta ka danbeeyana,aad ayuu ugu celceliyay Ceydiid Ilkaxanaf in aanan la sheegan Karin xil aanan aheeyn midka xildhibaanimo, hadaba xagee laga keenay wasiiro iyo r/wasaare ayaa shiray sow xadgudub kuma ahan dastuurka hada jira ee dhawaan la ansixiyay.Nin sheegay in uu isku soo taagay xilka madaxweeyne una dhaartay xubin xildhibaan sidee awoodii r/wasaare u adeegsan karaa iyada oo la ogyahay in xili kala guur ah lagu jiro oo aay rag faro badan isku soo taageen musharaxnimada xilka madaxweeyne ??
Xagee laga aqristay nin xildhibaan ahi uu sheegto magaca wasiir ama r/wasaare sow maaha in dharaar cad uu bilaabay boob iyo xadgudub,waxa loo shiray waxaa lagu qeexi kara arimaha siyaasada iyo isbedelka socdaa sidii aay ugu guuleeysan lahaayeen balse waxaa sharaf xuma ah in lagu daawado qaladaadka dastuurka qaranka laga galaayo, waxaan dhihi lahaa dhagarqabayaasha damaca siyaasadeed u istaagay in aay umada indho-sarcaad ku sameeyaan waan aragnaa foolxumada aad wadataan balse umada u dulqadanmeeyso dhagarta aadwadaan.
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|