|
Faallo:
DUUDSIGA SAAMIGA HAWEENKA SOMAALIYEED DASTUURKU MA OGOLLA
Ku:-Xildhibaanadda(Haweenka)Barlamaanka.
Ku:-Ururka Haweenka Somaaliyeed.
Ku:-Haweenka Firfircoon(Kartida Badan).
Ku:-Gudigga Xalinta Khilaafaadka.
Ku:-Gudigga Farsamadda Soo Xulida Xildhibaanadda.
Ku:-Gudoonka KMG Barlamaanka Somaaliyeed.
Ku:-Odayaasha Dhaqanka Beelaha Somaaliyeed.
Ku:-Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre.
Og:-Ururka Dhalinyaradda Somaaliyeed.
Og:-Aqoonyahanka Somaaliyeed.
Og:-Warbaahinta iyo Saxaafadda Madaxa Banaan.
Og:-Xurmadlle-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia.
Ujeeddo:-Bililiqeeysiga Saamigii Haweenka. Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaalada
damiirka,dareenka iyo qiirada nool ee wadaniyiinta,dulmi
iyo cadaalad daro diidaha,xaaraan ma qaataha-waxaanu halkan
Cambaareeyn culeeyskeeda leh uga soo jeedineeynaa;-Gudigga
Farsamadda soo xulida Xildhibaanadda,Odayaasha Dhaqanka iyo
Gudigga Khilaafaadka oo intuba si cad oo xaq daro ah,duudsi
ah iyo hanaan xaaraameed ah u bililiqeeystay saamigii haweenka
Somaaliyeed oo dastuurku qiray ahaana 30% u boobay,waana arrin
ayaan daradeeda cadaalad xumadeeda iyo garasho xumadeedba leh.
*Waxaanu qireeynaa in hadii arrimuhu sidaas ku dhammaadan in uu
yahay Barlamaanka Somaliyeed mid qaab xaaraameed ku dhisan oo
aanu u aqoonsanahay(Hal Xaaraan ah)waana tusaale kuwii hore oo
kale ah oo mar walba la duudsiyaayeen xuquuqda haweenka.
*Waxaanu ugu baaqeeynaa Haweenka Xildhibanada ah in eey codkooda
cabiraan una doodaan saamigooda maqan iyo xaq duudsiga meesha ka
socda,anagoo kula talineeyna in eey ka baxaan oo aanay codkooda
dhiban marka la dooranaayo Gudoonka Golaha(Cabasho awgeed)weliba
afka ku duubtaan sharoto gacmahana shil-shildo ku soo xirtaan
Dhar madoowna soo xirtaan.
*Waxaanu halkan amaan iyo bogaadin uga soo jeedineynaa beelaha:-
Digil iyo Mirifle,Dir iyo Beelaha Dulman(ex-Shanaad)oo sharfay
sida ku haboona u xurmeeyeey haweenka beelahooda ka soo jeeda
kuna soo diray Barlamaanka.
*Waxaanu halkan cambareeyn iyo dhaliilo culeeyskooda leh uga soo
jeedineynaa labada Beelood-Daarood iyo Hawiye oo si cad xaq daro
ah,boob ah,hanaan xaarameed ah u bililiqeeystay samigii haweenka
beelahooda ka soo jeeda,waxaana masuuliyada tooska ah leh:-
Odayaasha Dhaqanka,Culimaa-udiinka,Siyaasiyiinta,Aqoonyahankaiyo guud ahaanba bulsho-weynta labadaas beelood oo dulmiga kutaageersan iyo dhicida saamiga haweenka beelahaas ka soo jeeda waana arrin dhaawaceeda iyo taariikhdi xumadeeda reebeeysa.
*Waxaanu ugu baaqeeynaa Haweenka Somaaliyeed meel eey joogaanba
Gudaha iyo Debedaba in eey abaabulaan banaan baxyo baaxadooda leh
oo eey ku cabiraayaan diidmadooda ku aadan duudsiga saamigoodda,
anagoo sidoo kale ku boorineeynaa guud ahaanba bulshoweynta ineey
taageeraan Haweenka Somaaliyeed una hiiliyaan si eey saamigooda u
leeyaan barlamaankuna u noqdo mid xalaal ah(hada waa Xaaraan).
Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 25-08-2012.
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|