Somali News
    Hees  

Aragti: Fadhi ku dirirka iyo Faallada Shacabka Q:1aad

 

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Fadhi ku dirirka iyo Faallada Shacabka Q:1aad

Waxaa dadkoo dhami sugayaan dhawaqa hadba ka soo yeedhaya dhanka wadanka, haba u badnaadaan dadka aan ku sugnayn Caasimadda Muqdisho, oo iyagu goobjoog ah maahee Gobollada dalka iyo Qurbajoogtuba waxay had iyo jeer isha iyo dhegta ku hayaan warbaahinta, haddaba sheekada shacabka iyo maalmahan halka ay marayso iyo waxyaabaha ugu badan hadalhaynta ayaan qormadan ku eegi doonnaa.

Xaaji Doonbir: Malese waa baxay! Mahigena wa ku xigaa, Madax badan oo aan hore u naqaanay meesha waa ka baxayaan, kuwa madasha haddaba kama muuqdaan, dar cusubna waa soo socdaan Ilaahayoow barbarkooda san na soo xeji.

Xaaji Damal. Dalkii ku meel gaadh waa ka baxay! Sida nalagu yiri, aan se filayo inaysan ahayn, Dastuurkiina waa la ansixiyey, lase meelmarshay sida muuqata, walow si ku meel gaar ah loogu sii dhaqmi doono, Dowlad cusubna waa dhalanaysaa, doorashana waa socotaa, balse, kursigaa Dahabka ah tolow yaa ku dulaalidoona oo dushiisa ku fariisan doona?!

Xaaji Damac: Hadde dagaal oogayaashii koonfureed xilkii waa loo diiday, Dambiilayaashii wadaadada ahaana waa loo diiday, Dab huriyayaashii, dillaaliintii, dooxatadii, dabadhilifkii, beel doonayaashii reer barrigana waa lagu daray, belo, Wallee bahashii siyaasad ahayd boqol iyo bun ayaan ku qaadnay, haddii waxaan rabno la diidana wax kala soconahayaa ma jiraan, dowladnimo aanan hoggaaankeeda ahayna yeeli mahayno, aqbali mahayno, hadee waa kaas.

Xaaji Daacad: Waxaan aad ula yaabay ninkan Xaaji Damac ah, miyaanu is bedelayn 52 sano ee aan xorta ahayn, yeelimahayo, socon mahayso, nalagalama tashan, nama metelo, waan ka soo horjeednaa maahee miyaanu wax kale aqoon? Dalku inuu ummadda Soomaaliyeed ka dhaxeeyo, oo qof weliba xaq u leeyahay miyaanu ogayn, aan ku weydiiye Damacoow dalkeena ma inaan dumminnaan ka shaqaynaa mise inaan dib u dhisno?!

Xaaji damacoow dowladnimadiyo


Danta guudiyo, dalkanoo dego


Daalinimee tee doorbidaysaan?


Oo dantiina ah, diiday samahee


Dacaruun baad, daa’im laaqdaa


Way dillaantaye, dib usoo noqo


Yaadan duukhino, daw ka haadine


Xaaji damac: Weger war heedheh bahashani waa siyaasad, Siyaasadani daacadnimo waxba kuma laha, wax daallin la yidhaahdaa ma jiro, ee waa ninkii dooddiisa socodsiin kara ee dalka hoggaankiisa qabta ayuunbaa daacada,


Xaaji Daacadowdowladnimadiyo


Daacadnimo waa laba kala dedan


Oon is daakhilin, oo dal wada degin


Laysku darinoo, laysla doonane


Waa Dab iyo Gaas, waa dad iyo bahal


Haysku duminoo, haysu doonine


Doodda iga daa, oo dantaa garo


Dabci aan go’in, ha ku daaline.

Xaaji Dowlad: dalkaan dad kalaas gacanta ugu jiraa waa is daalinaysaan, ninkii dadkaas waxay rabaan u samaynaa, dib aa loo soo doorahaa, ninkii diida ama dantooda ay ka arki waayaan, dibaddaa loo saara, taa waxaa daliil u ah, baarlamaanka dad aa loo diiday dadkii loo diiday iyo shurudihii lagu diiday, dadka qaarna waa qabteen qaarna ma qabanin, Ilaahay xaqiis miyaa yaa la gaadaa maxaa beenta laysugu sheegaa asxaabeey?

Xaaji Darwiish: Wallaahay fekerkaa uu qabo Xaaji Dowlad ayaan la qabaa, waxaaba kaaga daran, sawtii la yidhi maaha saxeexayaashu waxba xuli maayaan, anaga kuwayagii Faroole ayaaba looga taag waayey, weligay tanoo kale ma arag! Mahigena wuxu ku leeyahay, Faroole Odayaasha Dhaqanka ayuu ka mid yahay, marna waa madaxweyne labada dhinacba waa ku jiraa, markaanu u sheegnay ee nidhi adeer xitaa Dhaqanka waxba isuguma kaaya darsana, wuxuu ku jawaabay, Daraawiish Puntlandiyo Garoowe Puntland ayaad tihiin sidaa awgeed isku mid .

Xaaji Damac: War heedhe Darwiishoow, iminka taasi dood uma baahna waraaqo ayaan gudbisanay anagu dalka iyo dadka Soomaaliyeed inaanu nahay 75% majooraty,Puntland oo Gedo, Baydhaba, Buurhakaba, Jubbooyinka, Sool, Sanaag, Garoowe, Bari, Mudug iyo Banaadir, aan nahay dadka ugu badan ee ku nool, markaa Mahige warqadaas ayuu haystaa waxaad ka sheekaynaysana ma yaqaan, Banaadir ayaa na la ka diiday, oo waxoogaa socon wayday maahee inta kale waa nala ka yeelay,Faroolena intaas oo Gobol isagabaa soo xulaya ergadooda iyo xildhibaanadooda, boowe ninba dhan u badi.

Xaaji Diini: Alaahu Akbar, waxaan aad ugu qoslay Xaaji Damac miyaanu ogayn in Soomaalidu ku maahmaahdo, Puntland beenteedu ma dhamaatoBoohin caruureedna ma dhamaato? War heedheh, 135 Oday ayaa wax xulay beelaha Soomaaliyeed iyagaa ergooyinka iyo Xildhibaannada loo keenay inay Xulaane ma Faroole ayaa Isim iyo Duub haddana noqday wallee waa yaab?!

Xaaji Daahir: Marka baarlamaanka la doorto, ee Madaxweynaha la doorto ayaa la kala baxayaa ama Dowlad Soomaaliyeed oo lagu qanacsan yahay ayaa dhalanaysa, ama Maxmiyaddii la sheegayey dadkii wadi lahaa ayaa iman doonaa waxba hays daalinnina, dadkan aad sheegaysaa waa dad hore loo diyaariyey oo inay dano shisheeye fuliyaan meesha u jooga, dalka oo dhan hal magaalo oo Soomaali ka arrimiso ma jiro, Bulshada Caalamka ayaa dalka ka talisa siduu Xaaji Dowlad u sheegay yaan lays daalin wax la dooranayo iyo cid wax dooranaysaa toona ma jirtee.

Daallinkaa madaxa

Daacadaa manjo ah

Dulligaa Sharaf ah

Sumcaddaa dacar ah

Aqoontu waa dibadda

Jahligaa degel leh

Diradiraale gob weeye

Isu dumiye gun weeye

Dal jacaylku sun weeye

Dillaalkaa dawo weeye

Dad isku dooranaya

Oo dan moodahaya

Miyaa dowlad abuuri

Qaran daadihin doona?!

Xaaji DamalXaaji Daahiroow in lagu dilo ka biqi maysid miyaa? Sababtoo ah, waxaa hadda laysku dilaa maxaad wax u ogaatay? Maxaad wax u fahantay? Yaa ku yidhi dareen yeelo? Miyaadan maqal maansadii Qaswade ee uu Mahige lahaa :

Wuxuu yidhi Qawaarkii


Ileen waa ma quustee:


Qudbad ruuxa qaban kara


Qolo ruuxa shirin kara


Qormo ruuxa qori kara


Qalad ruuxa sixi kara


Qasdi ruuxa fulin kara


Qaran ruuxa wadi kara


Quraan ruuxa marin kara


Qiil ruuxa heli kara


Qodob ruuxa sugi kara


Qayb ruuxa fali kara


Qalalaase damin kara


Qaswadaan u bixiyoo


Danbi baan ku qoraaya


Quful baan ku xidhayaa


Qabbir baan la dhigayaa


Qiilna waan u haysta


Xaaji Dayr: Aniga waxaan leeyahay, waa su’aale ninkii xun qabiilkiisa ma ka maarmaan miyaa? Waxaan saas u dhahayo, hadda dad badan ayaan ognahay oo xun xun ooSoomaalinimo, walaalnimo, dadnimo rabin, haddana, weli hebel ayaa la dhahooyaa, nin jeclaysiga laguu sheegayo saas lee waaye, haddii hadda magacyadooda sheego, liiska xildhibaanada waa ku jiraan, maamullada madax ay ka yihiin, wasaaradaha dowladdana waa joogaan, dalka ayagaa masuul ka ah ayaa lagu dhahaa, nin afkiisa wax wanaagsan ka sheegayn, weligiis wax wanaagsan qabanin, weligiis meel wanaagsan lagu arkin, sidee wax wanaagsan u samayhaa yaab maahinoo?

Ninkii xun xooraa, haylayska xooro


Xaashee dambiile, halayska xooro


Niman xishoonin, halayska xooro


Xamaasad beere, halayska xooro


Xinjira shubaaye, halayska xooro


Xoola dhacaaye, halayska xooro


Xadgudub sameeye, halayska xooro


Xabbad gamaaye, halayska xooro


Xisaab qaldaaye, halayska xooro


Shacab xadaaye, halayska xooro


Xidid ma dhaafe, halayska xooro


Xabaalo badshe, halayka xooro


Xulufo Xabashi, halayska xooro


 

Waddani xariir ah, hala xambaaro


Dalkiis xoreeye, hala xambaaro


Xumaate diide, hala xambaaro


Samaan u xayte, hala xambaaro


Nabad xasiliye, hala xambaaro


Xalaasha miirte, hala xambaaro


Qalinku xaale, hala xambaaro


Gumaysi xaaqe, hala xambaaro


Xabadda jooje , hala xambaaro


Xadkeena dhawre, hala xambaaro


Xeerbeegtideena, hala xambaaro


Diinteena xeershe, hala xambaaro


Xabashi diide, hala xambaaro


Todobaadkan halkaas ha inoo joogto qormadii Fadhi ku dirirka & Faallada Shacabka

La soco Qaybta labaad

Cabdiraxiin Hilowle Galayr


Galayr1977@hotmail.com


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)