Somali News
    Hees  

Faallo: MAXKAMADDA SARRE QARANKA FADLAN XILKAAGA GARO OO GUDO

 

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed Nabada,Midnimada iyo cadaalada Xusuuqadda ummadda,xurmadda qaranimada,hanaanka garsoorka iyo cadaaladda,jiritaanka iyo midnimada qaaliga ah kama gabadaha run sheegida iyo xaq u hiillinta,dulmi,eex iyo xaq daro ma qaatayaasha indha furan ku hayo guud ahaanba xaalada Dalkeena hooyo-waxaanu soo dhoweeyneeynaa codsiga Xurmadle-Madaxweynaha Dowladda Federaalka u gudbiyeey Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre-Xurmadle-Garsoore Sare-Dr- Ceydiid Ilka-Xanaf in go'aan sharciyeed laga gaaro arinta Muran iyo xaalada jaha-wareerka keentay laguna diideey Qeyb ka mid ah Shakhsiyaadka loo soo xulay Barlamaanka Cusub.



Waxaanu ka dignay dhoowr jeer qaabka Khaldan,cadaalad xumadda,musuq-maasaqa iyio habka fara-gelinta sida joogtada ah eey ugu hayaan shakhsiyaad ka mid ah Madaxda Sare(ex-Gudoomiyihii Barlamaanka iyo Ra'iisal Wasaaraha KMG ah) dano gaar ahaaneed iyo hab sharci doro culees ku saaray guddiga farsamada soo xulida Xildhibaanada oo awalba magacaabideed dano kale ka dameeyeen,anagoo si weyn ugu dhaliileeyna gud.maxkamada Sare oo si weyn uga jaabiyeey ama dayacay xilkiis qaran.

-Waxaanu ku adkeeyneeynaa Gudoomiyaha Maxkamada sarre Qaranka in uu sida ugu dhakhsaha badan go'aan sharciyeed arimaha muranku ka jiro uga soo saaro,iyadoo la wada ogyahay in go'aankoodu yahay mid kama dameeys ah(Final).

-Sidoo kalle waxaanu ku boorineeynaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare anagoo aan u tilmaameeyn gudashada xilkiisa in dib loo eego oo sida ku haboon loo derso eedeeymihii musuqmaasaq iyo luunsashada hantida qaran oo lagu eedeyeey:-Ex-Gudoonkii Barlaman iyo Ra'isal Xukuumada Waqtigeedu dhammaaday iyo cidii kale oo ku lug yeelan kartaba.

-Sidoo kalle Gudoomiyaha Maxkamada sare waxaanu ku boorineeynaa in uu go'aan ka gaaro qodobna ka soo saaro ku xadgudbida saamiga Haweenka Somaliyeed oo dastuurka dalku xaq ahaan u ogolaaday 30% sida muuqata hab bililiqeeysi iyo xaq duudsin cad lagu sameeyeey cidii xuquuq duudsigu ku cadaado talaabada ku haboon laga qaado hadii eey noqon laheyn-Odayaasha dhaqanka,gudiga farsamadda ama Madaxda sarre iyo fara-gelinta lagu sameeyeey habka soo xulida xildhibaanada beelaha qaarkood oo saxeexayaashu hab xaq daro ah u boobeen.

Gunaanadka waxaanu ku adkeeyneeynaa Gudoonka Maxkamada Sare in sida ugu dhakhsaha badan arimimahaas go'aamo sharciyeed laga soo saaro sida cadaalad,garsoor iyo xaq soor loo helo,garsoorkuna u noqdo midka dalka ugu sareeya(Alloow Xaqu guuleeysto-aamiiin).

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
    Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
-England-UK-26-08-2012

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)