Somali News
    Hees  

Dhambaal Madaxweynaha: Labada Dhinacba waa Dhiigii Shacabkeena, Dhabta iyo Xaqiiqda wali looma Dhaadhicin.

Dhambaal Furan kuna Socda Madaxweynaha: 

Labada Dhinacba waa Dhiigii Shacabkeena, Dhabta iyo Xaqiiqda wali looma Dhaadhicin.

Qaybtii 3-aad,

 Muddo kooban kadib waxaan is-dul taagay goobtii uu ka dhacay Qaraxii Hotel Jazeera Todobaadkii inaga tagay, waxaa daadsanaa Hilbo Bani-aadam oo yar yar,Laamigii waxaa Daboolay Dhiig iyo Dufan yaab leh,Isheydu waxay qabatay Feer iyo Hilib isku duuban oo la moodo Neef Ari ah Feertiis, Meel wax yar iga durugsan waxaa taallay Gacan Bani aadam oo kaligeed ah, kuna dhegtay Laamiga Taayirka Gawaarida ee dul maraysay darteed ,Dadka Wajiyadooda waxaa ka muuqatay Tiiraanyo iyo Calool xumo,Aniga dareenkayga siduu ahaa,  Muuqaalka iyo Argagaxa  hortayda yaallay  idiin ma sharxi karo runtii.

Habeenno kadib waxaa Isbitaallada la keenay Dhaawaca Dad Masaakiin ah oo ka mid ahaa Barakacayaasha oo Hoobiye lagu garaacay Buulashay hoos fadhiyeen,waxaa xigtay Calool xumadii Qaraxii lagu laayay Suxufiyiintii iyo Dad aan waxba Galabsan,

Dareenkaa iyo Dhiiladaa anoo qaba  Shacabkaygana la wadaaga Dareenka Guud Waxaa igu soo dhacaayay Su’aalo Fara badan una baahan in si dhab ah loo baadi doono Xalkeeda.

1-Musiibada Qaraxyada Shacabka lagu Gumaadaayo,kuwa Naftooda halaagaya ee la yiri Jannaad ku galaysaan,Shacabka  sidii Xoolihii loo Biraynaayo, Qabuuraha Maytida Dhimatay ee la soo Fagaayo, waa Natiijo Ina Hor-taalla,Waajibna inooga dhigaysa inaan doonno Sababaha keenay Natiijadan Argagaxa leh,Asalkeeda meesha Ay ka timid, Xididkeeda,Dadka wada iyo Dheefta ay ku qabaan Gumaadka Shacabka iyo Dhinacyada ka qayb qaata,kadibna si ay inoogu Iftiinto Wadadii Xalka lagu Gaari lahaa,

2-Soomaalya waxay is Cunaysay 22-sano iyo kabadan, Caalamka hadda iska dhigaya inay ina Caawinayaanna waxay naga Fiirsanayeen Indhaha Dan iyo Muraad ay naga lahaayeenna ma jirin. 22-kii Sano ee la soo dhaafay:Waxaa Is-Guursaday Qabiil iyo Qabyaalad la Siyaasadeeyay,Waxayna Iska dhaleen  IBLIIS  MOORYAAN AH wuxuu Arkana Dila,Dhacah,KufsadaIyo CIRFIID QABQABLE DAGAAL oon Iimaan iyo Arxan midna lahayn,Mooryaanka iyo Cirfiidkaba  Waxaa Hubaynaayay Beesha Caalamka Dawlada ka tirsan oo Muslimiin iyo Masiixiyiin isugu jira,Si Shacbka loo Gumaado,Taariikhda iyo Dhulkaba looga Badesho,wax Garadka Iyo Culumada Soomaaliyeedna laga Dhigo mid la dilo iyo Mid la iibsado oo loo Gacan Galiyo Cadaawe aan u naxaynin,

3-Dhinaca kale waxaa Is Guursaday Wadaad Waalan oo Heegaysan Diin iyo Islaam Dadka iyo Shacabka  lagu cadaabo, Dhiigoodana Banaystay Qubuurtoodana Faaga,  iyo Ganacsato iyo Qandaraas-leey  Heer Caalami ah,waxayna iska Dhaleen  Miino Nool oo lugaynaysa, Basaska kula raacaysa,Shaaha kula Cabaysa,ka dibna kugu Qarxaysa,Faham Diineed  iyo Aragti KANSAR ahQofkay ku dhacdana aan loo helaynin Daawo iyo Dabaqabasho  midna , Qaraxba Qaraxa uu ka Halaag  Badan yahay,kana  Shacab Gumaad badan yahay Qandaraaslayda iyo Ganacstada Caalamiga ah wuu Uga Lacag Badan yahay,ugana farxad iyo Dallacsiin badan yahay,

4-Dhinaca Kale Waxaa Is-Guursaday Dowlado ku sheegii TFJ-da ee waqtiga dheer Magaca Soomaalida Ma talaayay iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay,iyo Laamaha Sir-doonka Wadamada Caalamka qayba ka mid ah,waxayna Iska dhaleen: Musuq-muusuq,Hantida Ummadda oo la wada boobo,Iimaan la’aan,Shacabka oo lagula dhaqaaqo Dil joogta ah,Dhac iyo Kufsi,Laguna fasaxo Mooryaan Dirays Ciidan loo galiyay, Kadibna Dhiiga Shacabka lagu Tuugsado Safaaradaha Reer Galbeedka iyo Sir-doonkooda looguna Sheekeeyo: Waxaan soo laynay Argagixiso,iyo Qaacido, Si Boorsooyinka  ay wataa ee Faaruqa ah loogu soo buuxiyo,kadibna ay Xisaabtooda Gaarka ah ugu Shubtaan, Waa Qandaraasleey iyo Ganacsato Maafiya ah oo Heer Caalami ah iyagana, Taa micnaheedu ma ahan inay Dhamaantood wada Xumaayeen,waxaa ku jiray Masuuliyiin Wan-wanaagsan,laakiin lama siinin Fursad ay wax ku Saxaan iyo Awood midna.

5- Qandaraaslaydii hore een soo sheegnay Waxay U Safraan Toora-Boora,iyo Ganacsato Carab ah oo ay Ka soo Qaataan Malaayiin Lacag ah,kadib Markay  ugeeyaan FILIMKA laga duubay Qubuuraha la Faagay ee Mushrikiinta lagu sheegay,iyo Shacabka  Surka laga wada Bireeyay ee Gaalada lagu Sheegay, iyo Qaraxyada Maydka daadsan oo la sawirto,

Laakiin Qandaraaslayda Dawladihii TFJ-da, ayaa ka sii fool xumaa,waayo waxay ku tuugsan Jireen Magaca Shacabka iyo Astaanta Qaranka Soomaaliyeed,Warbixinada ay ku tuugsadaan waxaa ugu lacag badnaan jiray, Markay dhahaan intaas oo Argagixiso iyo Al-Shabaab ah, ayaan dilnay intaana waan haynaa,si ay lacago badan uga soo helaan: Safaradaha Reer Galbeedka  iyo Hay,adaha Qaramada Midoobay,Cid la Xisaabtami jirtay Ma jirin,Waxay ku Qaraaban jireen Magaca Shacbka Soomaaliyeed, Waxay ku Caan baxeen  Masuuliyad Xumo,Qayru-Masuulnimo, waxaa lagu Samayn jiray Gacan Dhaaf  Shacabka ay Matalaan loo Gacan dhaafo, Fartana loogu fiiqo  Hebal waa Argagixiso ee soo qabo. Koox hebla waa Argagixiso ee Wax haku dar-sanin IWM,Ma jirin Madax banaani iyo In Mushkiladdeena Xalkeeda la inoo daayo,sidaa Dardeed dhibaatooyinka ina haysta 60%-ba, waa wax dibadda laga soo ma leegay Runtii, Mana ahan Musiibo Xididkeedu  Dheer yahay oo Shacabka Assal ku ah,ama Maskaxda Shacabka hantiday oon Xal loo heli Karin.

Baahida aan u Qabno Dowlad Matasha Shacabkeeda, iyo Dhiig joojin Deg-deg ah.                                 

  • Mudane Madaxweyne: yaan been laguu sheegin Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam midna ma ahan Cadaw  Ajnabi ah oo Dibadda inooga soo duulay,ee waa Soomaali dhamaantood,Markii Laga reebo Shaqsiyaad ku Dhex-gabanaya Dhexdooda, Wiilka Is Qarxinaaya ee Miinada lagu soo Xiray waa Wiil Soomiliyeed,oo Maskaxda laga Gumaystay, waa Maskiin Been loo sheegay oo  In la Xoreeyo  u baahan, kuwa uu isku  Qarxinayana waa Walaalihiis, Aabayaashiis, iyo Adeerradiis,labada Dhinacba Dhiiga Qubanaaya waa Dhiig Soomaaliyeed,Soomaalina waligeed Muslim bay ahaan jirtay hadana tahay,

Tusaale iyo Caddayn waxaa kuugu Filan Maalmo ka hor waxaa isa Soo dhiibay 270-Al-Shabaab ah,oo ka soo Xarootay Dhinaca Jowhar Sh/Dhexe, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka,  DHAGA BADAN U Khudbaynaayay, Wax Qaacida ah iyo Ajaanib Heer Caalami ah ma ku arkaysay??,  Dhamaantood waxay Ahaayeen Soomaali,Dalka iyo Ciiddda  wax ku leh Shacabkana ka dhashay, Dawlad Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay midna kama Xayuubin karaan, Wadaniyadooda iyo inay Ciidda Soomaaliyeed u Dhasheen Xaqna U leeyihiin, Siyaasadda, Talada Dalkana wax ku leeyihiin,

  • Waxaan u baahanahay Dawlad wadata Maskax Fiyow,Qorshe Isbedal oo Qoda dheer leh,waxaan u baahanahay Dawlad Shacabkeeda aan loo gacan dhaafin,Dhowrtana Karaamada Insaanka Soomaaliga ah kana ilaaliso wax walba oo Khatar u keeni kara,Waxaan u baahanahay Dawlad karti u leh inay wada Hadal iyo Dib uheshiisiin lagasho  Qof kasta iyo Koox walba oo ku Abtirsata Shacabkeeda,Noocuu doono ha ahaado Midabkuu doono halahaado,Dawlad Waxgaradka, Culumada iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Xiriir dhaw la leh,oon meela kale Casharro looga soo dhigin,
  • Wiilka is Qarxinaaya iyo Fikirka ku salaysan Gaalaysiinta Shacab Dhan oo Muslimiin ah iyo Xag-jirnimada ,Suuqa lagu qaybiyo  Iyo Bakhaarada sida Xad-dhaafka ah uu uga buuxo, waxaa Sal u ah Dowlad Ku meel-gaar ah, oo Dawlado Shisheeye ku xiran,Dhibaataynta Shacabkeeda Kalsooni uga raadsata Dibadaha,oon kalsooni ku qabin Shacabkeeda, Dhibaata Dagaalka iyo Qaraxyada waa Sal u ah,Faragelin joogta ah,iyo Xukuumad Daba dhilif ah oo lagu Adeegto,Dhibaatada Iyo dhiiga Qubanaaya waxaa Sal u ah Wadaad Iimaan laawa ah oo beenaala ah Diintana ku soo Gabada, Kadibna Maskaxda ka xada Ilmaheena iyo Caruurteena,iyo Ganacsato Suuq Madow ah,oo Dadka Dhiigiisa ka Ganacsata, waana kuwa mudan in lagu gubo Nolasha,oo la llaayo,

Maskaxdii lagu Daweyn lahaa  Dhibaatooyinkaan soo Sheegnay iyo kuwa la midka ah Xalintooda Shacabka Soomaaliyeed aduu kaa sugayaa iyo Xukuumadaada, Garabkiina Allaha galo,

Avv.C/Qafaar Shiikh Axmed.

E-Mail  dool38@hotmail.com

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)