|
Aragti: Dhaliil iyo talo siin somalinimo
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Assalaamu Calaykum.
Digniin:1. Jaalle ha aqrin hadduu u damaqa reerkagu ka weynyahay kan Somali.
2. Munaafaqnimo & inaan waxaad jeceshahay ku sheego hayga sugin.
Arrimahani ka fog Somalinimo.
HAWIYE & MADAXWEYNAHA.
1.Waxaa ayaan dhaweyd kulmay madaxweynaha & cuqaasha Hawiye. Waxay ku eedeeyeen inuu u jilcanaaday madaxweyne maamul goboleed ee uusan beeshiisa waxba u qaban & musuq maasuq ka dhacay xulashada xildhibaannada waxayna u soo jeediyeen in lagu bedelo afar musharax midkood. Haddaba dhaliishu waxay tahay, inti ay waxa ka maqan u dacwoon lahaayeen (xaqna u leeyihiin), madaxweynihi Somaliyeed ayey ka dhigeen madaxweyne beeleed. Waxaa cuqaasha ka hoos baxday inuu madaxweynuhu Somali oo dhan u simanyahay.
Aden Cabduule Cusmaan (Aun) taariikhda kuma gelin beel kobcin.
WADAADADA KU DHEX AMBADAY SIYAASADDA.
2. Maalinti Ciidda ayaa sheekh Aden Siiro qudbad ka jeediyay masjid magac qaaliya wata. Shiikhu (intaan ka aqriyay shabaqad) wuxuu dhex galay siyaasad & dhaleeceyn maamulka gobollada waqooyi galbeed sababta wax looga qaban waayay dhallinyaro Xamar aaday iyo shaqsiyaad kale. Markaan aqriyay wadaadka qudbadiisi, waxaan isweydiiyay su'aalahaan.
Tolow wadaadka awoowgi (ama kii labaad) hadduu maqlilahaa muxuu dhihilahaa, saa issagu wuxuu ogaa in ILAAHAY ku beeray dhul Somaliya layiraah ooy daadsanyihiin qabiilo badan oo isgarabyaal, magaca Somaline wadaaga. Su'aasha kale, muxuu u qaatay wuxuu gaal mustacmir ah suubsaday dadkuu ILAAHAY ka dhaliyayna uga fogaaday. Su'aal kale wadaadku halgan & dhiig daatay ayuu xusay, bal yaa ka daadiyay yawsa ka daadiyay, haddane dadkay dhiiga iska daadiyeen qaarkood ayuu leeyahay baraakadaan Ingirisku noo cabiray aan qasab ugu wada noolaanno. Soow maalintu maalin quluubta Muslimiintu isu furantahay ma aha. Bal wadaadku muu ku ekaado Diinta siyaasaddana u daayo Ahmed Silaanyo isaguba baddiisa & Diinta kulama tartame. Wadaadadu waxay eedaykaraan maamulka markay arkaan wax Diinta ka soo horjeeda. ''Sharcigey hafahayaane yay idin habowsiin''.
WADAADADA & XUKUN JACAYLKA.
3. Sheekh Xasan Dahir Aweys, horta waxaan u malayna inuu idaacadaha ka noolyahay ee talo & Go'aan midna lahayn. Sheekh Xasan wuxuu markasta yiraa waa nalaku soo duulay, marka ma beentuu jecelyahay mise xasuustaa ku yar. Xabashada, Kenya, Burundi, Uganda & ciidamada shisheey isagaa keenay, bal aan xuxuusiye, markuu ku soo noqday wadanka oo uu joogay shan (5) beri wuxuu dhallinyaradi ka dhaadhiciyay inay xukunka kala wareegaan dawlad magac ahaan kaliya ka jirtay, sidaas ayuu dagaal ugu qaaday. Dawladdine waxay dalbatay cid caawinta sidaa ayay ciidamada ajnebigu ku yimideen, marka Sheekh Xasan isagaa soo hoggaamiyay shisheeyaha. Waxay ila tahay markay dhallinyaradu ka ogolaadeen in dawladda la boobo waxaa u muuqday (soggiogati) sarkaal ciidamadii dawladi hore ka mid aha, nin magac diineed uga dagaalamay Puntaland & Gedo oo ahaa gudoomiyihii maxkamadaha, umana muuqan inuu xukun doonyahay, sidaan qabo. Fiicnaalahayda hadduu Sheekh Dahir Aweys walaalki Sheekh Ahmed Dahir Aweys wax ka baran laha. ''Nin kasto sallaan dheer u kaca sibashaa xigiye''.
YAA KEENAY FEDERAALKA BAAS.
4. Waxaa baarlamaanka loo diiday inay soo galaan qabqablayaashi dagaal, taasi waa ''AYYAX TEG EELNA REEB'' sababta oo ah waxaa haray Federaalki ay keeneen oo dhaqan noqday. Feederaalka waxaa wata maangaab aan inyar oo wadaninimo lahayn una maleeya in beeshiisu ay faai'do ku qabto. Waxaa kale oo raba ummadaha waddamada Islaamka ah oo ku teedsan badda dhexe laga soo bilaabo Tunisi ilaa Siriya ka dhaliyay degganaasho la'aan & dibudhac si ay ka jirto oo kaliya dawladda Yahuudda maadaama ay tahay quwadda aduunka ugu xoogga badan, saa waxay adeegsata reer galbeedka oo dhane, waane taas hadda Iran u bisbisoonaysa. Ruuxii is leh tani waa barabogaan bal ha fiirsado toban (10) film oo Americaan ah ugu yaraan siddeed (8) waxaa lagu xusaa ama calaamadahooda lagu arkaa Isra'iil,
waa maqaam aysan gaarin Maraykanka, Cina, Ruushka ama dawlad kaleba. Haddaba annaga oo 100/100 muslim ah miyaan rajeyneyna inay Hillary Clinton & xulafadeed noo hagar baxaan (waaba haddaan u baahane). Bal goormay federaal Somali ku heshiisay, yaa isdiidan oo laysku sidkaa, yaa kala Diin ah, yaa kala midaba oo yaa kala luuqada. Soo qaado luuqadda si naloo qaybiyo waxaa layiri luuqadda Somali waa MAY & MAXAA TIRI, labaduba waa isku eray oo mid la soo gaabiyay, intaasi waa see laysaga horkeena. Waxaan sugeyna in la yiraah AFJAAQ ha la qoro saa waa af ay beelo Somaliyeed ku hadlaane. Federaalku waa wiligaa qabiil haka korin, waa dhaqtar aan gobolkaan u dhalan kama shaqaynkaro, waa roobkani anuu ii da'ay, waa geelaagu gobolkaan naqiisa ma daaqi karo & dagaallo beeleed oo joogto ah. Dawladaha federaalka xoolo uma foofaan (oo maan layno geelaba), ninkastana wuxuu degganyahay gurigii awoowihiisi todobaad. Beelaha Somaliyoodow WALLAHAADAN waxba ahayn kuwa kale la'aantod. ''Waa duni lakala iibsadoon nala ogeysiine''.
DAAROOD & HAWIYE
5.Awoowe Somali (waaba hadduu jiraye) wuxuu ka dardaarmay in xukunka Somaliya uu ahaado: ''marna Hawiye marna Daarood inta kalane xaabadi''.
Somali kama korto cunsuriyadda shalay 4.5 (waa mahad ALLE taa waxaa u dhammeeyay gen. Muse Xasan Abdulle markuu yiri shanta beelood mid kastaba guddiga, saddex (3) ruux ha ku soo darsado, wixii mar dhacane waa say u dhaceen oo gadaal loma noqonkaro). Marne waa labadaan beelood oo waddanka isticmaar ku haysta waane kuwii na gaarsiiyay ilaa uu Mahiga madaxweyne noo noqdo iyo inkuwaan cawini jirnay ay na socod baraan. Ciddi naga saari lahayd waa beesha Direed, iyyadane waaxdi ugu weynayd ri'yeey ku jirta waa beesha Isxaaq. Sababta beesha Direed nooga saari karto waa inay tahay beesha Somali ugu badan, hadday ku doodo tiradane dhaqankaan ayaa baabi'i laha. Dir inay tahay beesha ugu badan waxaa lagu cadday waagii laysugu tegay Qaahira dhexdhexaadkii sagaashanaadki, waagaas beelaha kale waxaa la siiyay tiiba 97 xubnood Dirne 127 waa wax qoran. Ri'yada Isxaaq waxaan daliil uga dhigaa, nin qoraaladiisa aan aqriyo lana yiri wuxuu ka mid ahaa aasasayaashi SNM ayaa wareeysi ku yiri '' waxaa dhinacyada naga xiga qolyo aan na rabin'', waa af & damac beeleed. Haddaba hal beel dawlad ma noqon kartaa, afarta beelood oo kale ma qasbikartaa, mise dhiig xaaraan ah ayay u bareeraysa in kasta ay beesha ugu badan tahay.
YAA QARANKI SHALAY DUMAY DERBIGA U ADKAYNKARA.
6.Waa kuwaan qaar wasiiradeydi ka mid ah, anoo qabiil uf iri, oo midkaad rabtiina aad madaxweyne ka dhigan kartaan.
1.Inj.Maxamed Xashi Cilmi wasiirka dibudhiska & dibudejinta & 2 w/kuxigeen.
2.Fiqi wasiirki difaaca Farmaajo, wasiirka difaaca.
3.Cabdullahi Caddow wasiirka dhaqaalaha, ila dhaqaale qasta & 4 w/kuxigeen.
4Cali Khaliif Galayr wasiirka arrimaha dibadda.
5.M.C.Farmaajo wasiirka arrimaha gudaha.
6.Axmed Cismaaciil Samatar wasiirka warfaafita.
7.Prof.Warfa wasiirka tacliinta.
Raggaani waa kuwaan waxqabadkooda la socdo oon mahadiyay.
Cusmaan kalluun, Cukaashihi? Galkacyo laga soo gemay, Maxamed Xasan x.nabadda, Culusowgii was.beeraha, kuwaanne ma halmaamin.
WBT-TOWFIIQ.
Duuliye Ahmed Shurie Yusuf
iidi3@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|