Somali News
    Hees  

Aragti: Qurbajoogta Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo howlaha ka socda Muqdisho lana qabanqaabiyo shirweyne dib u heshiisiineed

 

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Qurbajoogta Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo howlaha ka socda Muqdisho lana qabanqaabiyo shirweyne dib u heshiisiineed oo looga wada hadlo wixii Soomaaliya ka dhacay

London, UK

Shir degdeg ah oo iskugu yimaadeen qurbo joogta beesha Hawiye ayaa ku baaqday in la joojiyo dhamaan howlaha ka socda magaalada Muqdisho maadaama sida u sheegay madaxweynaha Puntland aysan wax dib u heshiisiin aysan Soomaaliya ka dhicin 20kii sano ee lasoo dhaafey.

Haddaba qurbo joogta beesha Hawiye waxa ay ku baaqayaan in qaramada midoobey ay si degdeg ah u joojiso howlaha ay ka wadaa magaalada Muqdisho ee dowladda loogu dhisayo Soomaalida maadaama inta aan dowladda la dhisin loo baahan yahay in la sameeyo dib u heshiisiin loo sameeyo soomaalida uu dagaalka qaraar ee qabiilka ku saleysan uu dhex maraayey muddada 20 ka sano dowlad walba oo la dhiso dib u heshiisiin la’aan waxa ay ku danbeyn doontaa burbur.

Qurbo joogta Hawiye waxa ay eed kulul dusha uga tuureysaa madaxweynaha dowladda km goo u muuqda nin aan u qalmin madaxweyne Qaran maadaama uu meel uga dhacay heybadii dowladnimo isla markaana uu meel uga dhacay sharaftii iyo heybaddii dowladnimo isla markaana uu guranaayo geedkii uu beeray mirihiisa.

Mida kale haddii uusan sharci iyo dowlad jirin waxaan ugu baaqaynaa in la is nabadgelyeeyo oo cid walba goofkeeda ay aado inta  soomaalida ay dhexdeeda ka heshiinayso kadibna dowlad ay ka raali yihiin ay wada sameysanayaan.

Waxaan ku wargelinaynaa qaramadda midoobey inaysan macquul aheen in dad aan is rabin la isku qasbo oo la isku tolo taasna waa mida keentey in dowladdii dhalatay 1960kii ay burburtey 1991kii maadaama ay ku dhisneed dulmi iyo qabyaalad iyo sadbursi isla markaana ay sababtey kacdoonkii hubeysnaa ee xamar ka dhacay 1991kii.

Hadaan nahay qurbo joogta Hawiye waan rabnaa nidaam soomaalinimo iyo walaaltinimo laakiin waxa ay ku imaan kartaa in sida Somaliland iyo Puntland ay soomaalida koonfureed sameystaan nidaam ay ku mideysan yihiin inta ay ka sameysanayaan ay Puntland iska sugto oo aysan qeyb ka noqonin abuurida colaad iyo jahawareer ka dhasha koonfurta Soomaaliya.

Hadaan Qurbo joogta Hawiye waxaan aaminsanahay in hadalada soo noqnoqdey ee Faroole uusan aheen hadal iska hadal ah ee uu ku hadlaayo waxa caloosha uga jira qof walba oo reer Puntland ah laakiin uu isagu ku hadlaayo wixii ay ku hadli lahaayeen dhamaan reer Puntland oo dhan.

Annagu ma necbin reer Puntland oo ehel iyo qaraabo iyo xidid ayaan wada nahay laakiin waqtigaan xaadirka inta uu Faroole hogaaminaayo ma wada sameysan karno nidaam naga dhaxeeyo sidaa darted waxaan qabnaa inaanan waxba isku darsanin waqtigaan xaadirka ah.

Guddiga isku xirka qurbo-joogta beesha Hawiye

Kala soo xariir uschawiye@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)