Somali News
    Hees  

Falanqaynta Siyaasada: ” Puntland iyo saamaynta Madax Federal diid ah ” W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog

 

Nadaamka Federal ah ayaa Soomaaliya loogu soo dhisay DKMG ahayd ee dhidibada loogu soo taagay dalka Kenya ee uu madaxwyanaha ka noqday Cabdulaahi Yusuf Axmed allaha u naxriistee , Wixi mudadaas ka dambeeyay waxaa Soomaaliya loogu yeeraayay DFKMG ah.

Madaxda Maamulka Puntland ee haatan talada haya oo uu u horeeyo Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa aad u daneeya in dalka Soomaaliya uu ku dhaqmo nadaamka Federalka ah ee haatan sida kMG ah loo haysto laguna dhisay dastuurka sida KMG-nimada dhowaan Loo ansixiyay , Habada waxaa jira madax kala duwan oo iyaggu aminsan in dalka Soomaaliya qaato nadaamka dawlad midaysan una arka in Federalku yahay caqad hor istaagi karta in Soomaaliya ay dib u hesho dawladnimadeedi.

Maamulka Puntland oo isaggu arintaas ay ka tahay mid ka go,an ayaa waxa uu inta badan madaxwaynaha Puntland ka sheegaa khudbadaha uu jeedinaayo in dalka Soomaaliya yahay dal Federal ah Puntland ay u taagan tahay in lagu daydo oo la soo dhiso Maamulo kale oo Federal ah .
Halkaan ka dhagayso Madaxwaynaha Puntland oo shacabka Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay Xaflad ka dhacday London leh Jamhuuriyada Federalka ah ayaa la inna dhahaa dalka mar horaad ka timaadeene .

DHAGAYSO DHAGAYSO DHAGAYSO

Hadaba waxaa jira madax haatan u loolamaysa inay qabtaan xilalka dawlada Soomaaliya ee dhowaan dhalan doonta waxaa ka mid ah Madaxdaas Prof Cali Khaliif Galayr oo isaggu u taagan xilka afhayeen-nimada Baarlamaanka Soomaaliya , Prof Galayr waxa uu aminsan yahay in Soomaaliya uu u wacan yahay nadaamka Dowlad Midaysan waa aragtidiisa , balse waxa uu qabaa in la iswaydiiyo maxaan qaadanaa ee aan sidan hadda wax u jiraan loo wadin oo federalkaan ku MKG ah aan la iska qaadan ee in la iswaydiiyaa Mudan tahay. 

Halkaan ka daalaco aragtida Prof Cali Khaliif Galayr

Madaxwwaynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo dhowan khudbad ka jeediyay madashi ciidul fidriga waxa uu ka digay in Dawlada dhalan doonta ay soo galaan dadka Federal diid ah haday ahaan lahayd Madaxwayne , afdhayeen Baarlamaan , R/wasaaruhuse uu hagaagaayo haddi labadaasu hagaagaan .

Halkaan ka dhagayso.

HALKAN KA DHAGEYSO HADALKIISA


Haddi ay u soo baxaan Madaxda sarsare ee dawlada Soomaaliya dad Federal diid ah ma dhici kartaa in Puntland ay ku dhawaaqdo dawlad ka goosatay Soomaaliya oo la yiraahdo dalka Puntland [dalka dhulki Uduga] ? Sida uu madaxwyanaha Puntland Faroole isla Munaasabadi Ciidul fidriga ka sheegay waxa uu ku goodiyay in haddi sida Reer Puntland wax u rabaan la yeeli waaayo ay tashan doonaan.

Halkaan ka dhagayso madaxwyane  Faroole oo leh waan tashanaynaa hadaan la samayn sidaan wax u rabno 

HALKAN KA DHAGEYSO HADALKIISA

Haddaba ma dhici kartaa in Puntland qaatado Go,aanki ay Somaliland qaadatay Mudo haatan laga joogo 21 sanno ee ahaa in ay tahay Somaliland dal ka go,ay Jamhuuriyada Soomaaliya inti la isku oran jiray ? Haddi Puntland qaadato go,aankaas maxay saamayn ah oo ay ku yeelan kartaa arimaha dib usoo celinta dawladnimo soomaaliyeed oo xiligaan lagu guda jiro .
Madaxda Federal diidka ah haddi ay ku guulaystaan xilalka sarsare ee dawlada Soomaaliya ma dhici kartaa in ay dagaal siyaasadeed ku qaadaan Maamulka puntland sidi ay dawladi uu Prof Cali Khaliif R/wasaaraha ka ahaa ay dagaal siyaasadeedka ula galeen Puntland oo uu xiligaas madaxwyane ka ahaa Cabdulaahi Yusuf.

Prof Galayr oo xiligaana ah mid doonaaya xilka Afhayeen-nimada Baarlamaanka horayna Dagaal siyaasadeed Puntland Maamulkeeda ula galay watayna Jaamac Cali Jaamac oo ay isku siyaasad dhowaayeen ma laga yaabaa in uu markaana haddi uu guulaysto uu Dagaal la gallo Madaxwyane Faroole oo isagga xiligiisi caadiga ahaa uu ugu egyahay 08/01/2013 balse Dastuurka cusub ee Puntland yeelatay Sanad uu u kordhinaaya Maamulka Faroole , Sanadkaasu ma noqon doonaa mid uu ka faa,iidaysto Cali Khaliif haddi uu noqdo Afhayeen Baarlamaan oo uu ku kiciyo Madax kale oo doonaysa qabashada Madaxwyanenimada Puntland Cali Khgaliifna gacan saar la yeelata ama ay isku kacsadaan danaha siyaasadeed ee kala ah In Cali Khalif  uu hello Madaxwayne Puntland oo Taageera iyo in Xil dooonahaasi uu noqdo mid Madxwayne-nimada Puntland ku raadsada qaabka ah iskaashiga Afhayeen Cali Khaliif waa haddi uu Guulaystee.

Ugu yaraan samaaynta Maamulka Puntland ee ku aadan dadka Federal diid ah waxay noqonaysaa iyadda oo ay Madaxda Puntland ku dhawaaqaan in ay xiriirka wada shaqaynta u jareen dawladaas cusub , Balse dawladaan ayaa ka duwan kuwi hore oo iyaddu waxay noqonaysaa mid rasmi ah halka kuwi hore KMG ahaayeen , Haday samayso  xiriir gooyntaas Puntland maxay noqonaysaa dawlada Cusubi talaabada ay qaadayso ? ciidmaada ajnabiga ah e dalka Jooga samayn maku yeelanayaa waa haddi Puntland dagaal yahanada Galgala Jooga ee Shabaab ay ka adkaan wayso ayna ubaahato ciidamo ajnabi ah, Ciidmadaas ajnabiga ahi waa kuwo ku imaanaaya magaca Soomaaliya , markaas arintaas Shabaabka Galgala jogaa waxay caqabad ku tahay ayaan oran karaa talaabada Puntland ay qaadayso ee ku aadan haddi dad Federal diid ahi yimaadaan, waxa laga yaabaa in samaaynteedu noqoto in ay Ku dhawaaqdo dawlad Madax banaan oo aan lo meel dayin.

Dhanka kale waxaa dhici karta in la qanciyo oo Puntland lagu qanciyo in arimahaanu yihiin kuwo dhamaan dadka Soomaaliyeed u yaal ku kala aragti duwanaanshahana loo baahan yahay in loo daayo go,aan afti dadwayne markaasna halka loo bato laguy dhaqmo. Balse is qancinta iyo xalinta khilaafadka siyaasadeed ayaan qaab noocaan ah looga baran mudadi burburka Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku kala aragti duwan qaabka ay noqonayso dawlad Soomaaliyeed oo dib u howl gasha dalka oo dhana ka wada talisa .

Haddi Puntland goosato waxay noqonaysaa caqabad siyaasadeed hor leh oo soo siyaaday Balse waxay ku xiran tahay arintaanu soo bixida madaxda dawlada Soomaaliya , Sii joogista Madaxda haatan talada Puntland haya , iyo hadba sida ay u dhacaan isbadalada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya .

Aqriste isqabqabsiga siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid markasta taagan balse arimahaan oo kale waa nadaamka la qaadanaayo waxaa inta badan looga gudbaa in hab dadwaynuhu kala doortaan oo u kala bataan lagu meel mariyo waxaase su,aali ka taagan tahay arimahaas ma isku qancin karaan Madaxda xiligaan joogta Soomaaliya maamuladeeda kala duwan .
 
Falanqaynta Siyaasada: Waa sida wax u socdaa iyo la wadaagida aragtida akhristayaasha ma ahan hab fakarka aan aminsanahay .

Waxaa Soo daabi kara Dhamaan Bogaga Soomaalida .
Waxaa Qoray
Qoraa :idiris Suldaan axmed Dooxa-Joog

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)