|
Aragti:C/weli Dooro Waa Faroole Dooro III
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
C/weli Dooro Waa Faroole Dooro III
Guddiga farsamada ee soo xulitaanka baarlamaanku (TSC) oo noqday gudi siyaasadeed oo ku shaqeeya rabitaanka iyo siyaasada guracan ee C/weli iyo Faroole sabbabta oo ah yeey u arkaan danbiile dagaal ?? yaa ka danbi badan ragii Amxaarada ku soo hogaamiyay dalka ee dhaawaca u geeystay Nation of Somali iyo dagaal ooge diiday in dalka nabad iyo kala danbeeyn in lagu soo celiyo dowladnimadii luntay State of Somalia. ??

Shirkii Garoowe oo lagu qarash gareeyey 6 Malyan
Nin Faroole koriyow adiga u aayi
C/aahi Yusuf oo in muda ah u xirnaa Ethiopia ayaa dagaal oogehii Muqdisho ay ku doorteen in uu dalka uu hogaamiyo ayaga oo u arkayay in uusan ka soo qeeybgelin dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay 91 kii,C/aahi oo madax looga dhigay State of somalia ayaa waxaa uu danbi weeyn ka galay nation of somalia ka dib markii uu 50,000 Ethiopian ahi ku soo hogaamiyay dalka soona dhaafsiiyay xuduuda dalka,burbur iyo gumaad aanan loo meel dayin ka geeystay koonfurta Somalia siiba Gobolada Banaadir..Galgaduud .Hiiraan.Shabeelada dhexe iyo midka hoose,.Jubada dhexe iyo Jubada hoose,.Bay iyo Bakool.,Gedo. Ragii C/aahi markii uu xilka hayay talada siinaayay waxaa ka mid ahaa C/weli Gaas oo ahaa la taliyihii C/aahi xaga siyaasada arimaha dibada, qormadii looga magacdaray :Prof. Cabdiweli Maxaa u wehliya Aqoontiisa?? Dib u milicso oo dhageeyso oo aqri. Waxaa ka mid ahaa ragii howsha la waday C/aahi.
Yuusuf Cumar Al-Azhari, Yuusuf Cusmaan Baribari, Gen. ... Maxamed Darwiish, Cabdullaahi Cali Cumar, Cabdirisaaq Cusmaan Jurila,Xassan Abshir,Faroole,Cadde Musse iyo dhamaan Odayada duubabka dhaqanka ,Culumada indheergaradka iyo aqoon yahanka Puntland ka soo jeedo, kuwaasi oo aanan marna laga arag dareen wadaninimo iyo mid insaanimo xiligii C/aahi iyo huwanta Ethiopia gumaadkii aay ka wadeen goboladaa aan kor ku soo sheegay, taariikhda goor hore ayeey qortay ragii ka hadlay dhibaatada C/aahi iyo Ethiopia aay ka geeysteen dalka,waxaa mahad leh C/rasaaq Xaaji iyo Jaamac Cali Jaamac oo ahaa labada nine ee taariikhda ka galay Somaliya,xusina doonaan Somaliada weligood cid aanan aheeyn kama damqan ee ka soo jeeda Puntland gumeeysigii C/aahi ku soo hogaamiyay dalka,dadka iyo diinta.
Guddiga farsamada ee soo xulitaanka baarlamaanku (TSC) oo ah qalinleeydii dalka iyo dadka wax u soo baratay haddii aay kala saari waayaan xadgudubkii iyo danbiyadii fooshaxumaa ee dalka ka dhacay ragii ka danbeeyay aadna noqotaan kuwa u janjeera dhinac xaqiiqdii taariikhda ayaa qormeeysa,aniga ma taageersani labada dhinac dagaal ooge iyo kii dalka ku soo hogaamiyay gumeeysiga Ethiopia waxaa qumaneeyd in miisaanka la wada saaro dhamaana ay ahaadaan danbiilayaal dagaal.Alow Sahar umuuraha.Danbiilaha Puntland ka soo jeeda miyuu ka qiimo yar yahay midka Muqdisho ??

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|