Somali News
    Hees  

Aragti: Faroole la Madaxweeyne

Sheekh Shariif waxaa uu is moodayaa madaxweeyne balse waa la madaxweeyne miyaadan ogeeyn in Shariifka siyaasada cusub ee uu dalkaan ku soo kordhiyay aay ka mid tahay abuurida la madaxweeyne sida Cali Mahdi Maxed Magaalada Qaahira ee dalka Masar uu kula heshiiya wiilkii uu dhaley Jan Caydiid halkaasna uu ka yimid erey bixintii la Gudoomiye, Baadida nin baa kula daydayi daalna kaa badane ( Puntland ) oo aan doonahayn inaad hesho daa'in abidkaaye aduunkana moodayaa  duul wada dhashoon wax u kala dahsooneyne.

Shariif  Faroole ayuu kula heshiiyay Garowe si xaqdaro ah  oo caddaaladana ka fog, Xilka ma waxaa loo haya in shacabka lagu celiyo dagaal sokeeye  mise in shacabka laga saaro dhibka uu hada ku jiro?? Shariif waxaa uu umada Somali u horseeday cadaalo daro iyo in uu u kala eexdo umada Somali, haddii aay cadaaladi jirto Shariif ma uusan ogaaladeen heshiiska aanan waafaqsaneeyn dastuurka axdiga ku meelgaarka ah iyo shareecada Islaamka.

Heshiiskii aay wada gaareen Puntland iyo dowlada dhexe ee Somalia waa cadaala daro aad iyo aad u weeyn, xaqiiqdii lama ogolaan karo in hal Qabiil aay dowlada dhexe kula heshiiso qodobo Somalida inteeda kale ku ah dulmi iyo caddaalo daro umada somali,Somalidna ku ah mid aayan iskula jaan qaadi karin xaga caddaalada iyo sinaanta, labadiixaqdaroku heshiisaxaqaykudiriraanwaa taa manta xaqii feeraha ka soo dilaacay Faroolene uu diidan yahay dastuurkii qabyo qoraalka ee Garowe lagu dhameeystiray markii uu ka waayay dahanaha shaqsiyadeed ee uu ka leeyahay Puntland.

Dastuurka qabyo qoraalka waa mid Somali hagardaamo iyo ceeb ku ah umad Islaamkana ka fogeeyneeysa xalaasha balse ku dumeeysa xaaraanta sida dhaqangalkiisa ka muuqato,bal ila fiiri akhristow  xuduudaha Somaliya aay la leedahay dowladaha deriska kuma cada sida aay ugu cadeeyd dastuurkii 60 kii 4,5 waa xaaran, teeyda anaa leh,taadana kula lehi waa mid caddaalada ka fogaansho iyo sadbuursiga umada Somali dhaxdeeda runtiina aayan iskula jaan qaadi Karin in aay ku noqdaan hal qaran, C/weli waxaa uu u yeertay Islaam Bashiir halka Faroole Isamadiisa sida Suldaan Saciid Maxamed Garaase uu dib ugu noqdeen Garowe,waxaa muuqata  in colaadi aay ka soo curaneeyso Puntland maadaama dagaalka uu ku wajahan yahay Faroole iyo C/weli Gaas, Faroole haddii uu dib u ogolaan waayo arimahada dastuurka waxaa hubaal ah in uu  soo dedejinaayo colaada Puntland, hadafka Faroole waxaa uu ahaa nin jecleeystay hal sanno in uu ku darsado awooda madaxweeynimada Puntland iyada oo aay diidan yihiin Gaagaab iyo Cabdillaahi Siciid Samatar oo reer Qardho ah,labadaba isku sharxay madaxweeynanimada Puntland xiliga Faroole  marka uu dhamaado,weli lama oga waxa aay ku dhamaan balse Faroole waxaa uu jeclyahay in hal dhagax ku dilo Shariif iyo C/weli,Gaagaab iyo Cabdillaahi Siciid Samatar,Shariif  waxaas oo dhan ma arko,garashada siyaasada ka dhex ololsan reer Muduga ma garan balse waxaa uu ku mashquulsan yahay sidii uu maruun dib ugu fadhiisan lahaa kursiga madaxweeynimada.

Dr.Ali.A.Hirabe                           Hirabe_a@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)