|
Falanqaynta Siyaasada:" Dagaalka Al shabaab iyo Amisom ma yahay Dagaal u dhaxeeya Islmaanimo iyo Cilmaaniyad?
Nin oday ah oo waaya arag ah qoraana ahaa oo aan aad u xiisayn jiray falanqayntiisa Siyaasada Soomaali aana u arko ilaa hadda in uu yahay mid aad isbarbardhig u sameeya inta badana miisaan laba dhinac ah wax ku eega xalkana gorfayn iyo ka tashi badan u arkay ayaa waxa igu soo dhacay caawa oraah uu adeegsan jiray marka uu nooga sheekaynaayo xaalada Soomaaliya iyo guud ahaa Caalamka waxa ka jira waxay ahayd "marka arin laga hadlaayo samaanteeda iyo xumaanteeda waa in la eegaa ,Adiga oo dhinac kaliya wax ka eegayaa ma noqon karto mid saxnaanta u dhow ..su,aallhuna siday u kala mudan yihiin waa in ay u kala horeeyaan "
Haddaba waxaan hadalkaas isoo xasuusiyay Barnaamij aan caawa dhagaystay oo uu ku jiray Sheekh ka tirsan Kooxda Al shabaab oo iclaamiyay in dadku baryaan Alle [SW] ayna ka baryaan in Alle ka qabto cadowga Gaalada ah ee ku soo duulay Dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed , Wadaadku waxa uu is barbardhigay Xaalada Kismaayo iyo xilli ay Nabi Muxamed [NNKH] iyo Asxaabtiisu Madiina Joogeen awoodna yaraayeen kana Cabsanayeen duulaanka Gaalada oo ay god ku wareejiyeen Magaalada Madiina si ay gaashaan uga dhigtaan aan Cadowga gaaladu soo dhaafi karin bal haddaba aan wadaago maqalkan ka dhashay soo jeedinta muxaadarada wadaadkaas iyo dareenkeeda aan qalinka u qaaday anniga oo aan dhinacyaynayn waa marka ay Soomaalida joogtee, oraah uu isticlmaalay wariyihi tabinaayay ayaa ahayd [ dadku inay qunuudaan ] Si isdiciifin iyo baryid xoogi ku jirto in Alle[SW] loo baryo Caawa waa dadka Wadaadku la hadlaayay ee Kismaayo ku nool.
Wadaadka Oraahdiisa waxaa iiga baxay in Shabaab ay awoodoodu hoosayso , dabcan taas waaqiciga ayaa laga garan karaa oo Shabaab dhul badan ayaa laga qabsaday , Balse iswaydiintu waxay noqonaysaa anniga oo adeegsanaaya Oraahdi odayga waaya araga ah ee aan Falanqayntiisa xiisayn jiray in aan isbarbardhig sameeyo , Dabcan isbarbardhigaygu ma noqonaayo in Aan Ciidmada Kenya , Amisom , Iyo Ethiopia Barbardhigo Ciidmada Alshabaab balse waxay noqonaysaa Siyaasada Villa Soomaaliya iyo Tan Shabaabka .
Marka Hore Aqristayaal waxaan fogaynayaa aragtidayda dheef aan ka dheefsano Ciidmaada Shisheeye hadaan nahay Soomaali joogitaankooduna uu yahay Dantooda in ay u joogaan , Sida Shabaabku ku sheegaan waxaa caalamka ka jira dagaal lagu la jiro Diinta Islaamka , habada waxaa imaanysa yaa kula jira dagaalkaas Diinta Islaamka ? Waxaan ognahaya in Maanta Caalamka aysan ka jirin Diin lagu dhaqmo oo aan ahayn Diinta Islaamka , Caalamka Reer Galbeedka oo ah awooda Muuqatada ee dunida haday ahaan lahayd horumarka ay ka gaareen aallaadka casriga ah ee sahlay Baahi bini aadameedyo badan iyo haday ahaan lahayd samaysashada Hubka awooda badan ee wax gumaada iyo hagida Siyaasada Caalamka Guud ahaan marka laga soo tago Meelo aan badnayn oo Caalamal islaam ka mid ah sida Kismaayo oo ay joogaan dad leh Caqlaawiyada iyo diinta Islaamku isma soo ag mari karaan oo diinta Islaamka oo barax la, ayaan ku noolaanaynaa cidi diidana dagaal ayaan la galaynaa sida Socota oo ay u dhigaan in ay diyaar u yihiin in ay xaqiijistaan ku hoos noolaanshada hooska Shareecada Islaamka .
Way caday in Reer Galbeedku Baahiyaan Cilmaaniyad in Caalamku ku noolaado oo macnaheedu yahay in dadka caalamka guud ahaantiis ka tanaasulaan ku xirnaanshada Diimaha waxayna horay uga soo adkaatay cilmaaniyadu Diinta Kirishtaanka ee ah diin aan Umadda hadda joogtaa lahayn sida Diinteenu qabto haddaba diinta kaliya ee saxsan ee ah mideena duulaankaasu waa ku socdaa ayaan si dhaba u oranayaa waan ku raacayaa Shabaabka Arintaas aragtidayda .
Aan u soo noqdo dhexdeena Ururka Al shabaab waxa uu haystay goboladda koonfureed ee Soomaaliya intooda badan mudo hadda laga joogo sanad , DKMG ayaa iyaddu ahayd mid lagu ilaaliyo Villa Soomaaliya oo ay ilaaliyaan waardiye Ajnabi ah , Haddaba soo xoojinta ciidamo dibadeedka ayaa meesha ka saaray awoodi Al shabaab waxayna maanta marayaan in deegaano badan laga qabsaday , Iswaydiintu aan inta badan iswaydiiyo ayaa noqonaysa Shabaabku dhulka ay joogeen waxaa ka jiray Nabad , qolyaha Villa Soomaaliya jooga ee ajnabiga horay u socda yiri waxay sheegaan in la xoraynaayo Dhulka Shabaabku haystaan hadabba Maxaa loo xoraynayaa yaase laga xoraynayaa ?
Si bareer ah waxaan u oran Diinta Islaamka isku xakunkeeda ayaa laga xorayn cilmaaniyada ayaana xoraysanaysa , labada dhinacna waxay ku kala nool yihiin waa Dadka Soomaaliyeed ee dareenka Siyaasada Shabaabka la nool iyo dadka Soomaaliyeed ee Fikirka Villa Soomaaliya qaba labadda dareen ee kala ah Islaamnimo barax la iyo islaamnimo lagu dabakho Cilmaaniyada Tusaale in xakunka dambiyada dadku galaan laga dhigo mid caqlaawiyada [xeerar ] loo celiyo ee aan diinta loo celin waa dareenka uu xabmaarsan yahay ama qabbo marka la samaysto dastuur iyo Sharci dajiyayaal wax loogu yeero .
Haddaba Akhriste dadka Soomaaliyeed waxaa iswaydiimo badan ka hortaagan qabyaalada Balse arinta liicida Shabaabka waxaa loo aanaynayaa laba arimood in ciidamo ajnabigaa la soo badiyay oo awoodoodu mid xooga noqotay waa arinta ugu wayn ee jabisay shabaab iyo in ay ka timi marki ay sameeyeen Waxyaabo ka kaxeeyay taageerayaal badan oo Soomaaliyeed dabcan arimo u baahan siyaasada iyo isbarbardhig ku samaayn ayay ka boodeen sida qaraxyada oo ay qarxiyeen Caruur Soomaaliyeed tan dambe saamayn badan ma leh dadka meelaha la qabsado ku nool qaybo horay u joogay ayaa Fikirka Villa Soomaaliya u sacab tuma , aaminaad dhaba la,aanteed iyo ku noolaansho qabyaaladeed dheh waxa meesha ka saaray ku adkaysasho xaaladaad ku noolayn waloow ay jiraan dad iyaggu wali aminsan Shabaabka iyagga oo hadda Ajnabigu agjoogaan , Arintaas Shabaabku cidna kuma qancin karaan waa qarxinta Soomaalida kuwooda shacabka ah , oo Xataa waxay keentay in ay ku soo dhiiradaan Wadaado kale oo ay ku kala duwan yihiin dadka Soomaaliyeed si wacyi galin ah ayaan u kasbanaynaaiyo Shabaabka oo leh mayee waxaa dadka loo samaynayaa xiligaan dawlad islaami ah , dabcan kala saaridooda anniga oo aan ahayn Wadaad hadana waxaan qabaa in labada dhinacba la isku wado oo dhisida Maamul iyo Ciidamo ku suntan Islaamnimo iyo wacyi galinta dadka Soomaaliyeed ayaa ah mid aad looga gudbi karo caqabado Siyaasadeedka dibadeed iyo Fikirka Villa Soomaaliya.
Haddaba Falanqaynta Su,aallo ka samayme , Shabaabku haday wiiqmaan Akhriste aragtidaad oo meesha lagama saarin u xakuntan Shareeco Islaam in kasta oo ay jirayaan dareenka dad la nooli balse Haddi dhamaan dhulka ay haystaan laga qabsado macnaheedu ma yahay Islaamnimada ayaa dhulka laga xoraynayaa aragtidaada ? Dhanka kale marka aan eegno ajnabiga jooga Soomaaliya ee Gaalada ah saw ma oran karo ma ahan mid qofku ku kadsoomi karo oo oran karo Ajnabigu waa inna caawinayaan , innaga oo soo qaadanayna Tusaalayaasha sooyaalka Soomaaliya marka la eegaayo wadamada Dariska sida Ethiopia iyo Kenya o o xitaa illaa hadda innaga haysta dhul gumaystana dad Soomaaliyeed `?
Waxaa kaleeto oo inta badan aysan Soomaalidu lahayn kala horaysiinta Su,aallaha siyaasadeed Tusaale Shabaabku in ay qalad galaan macnaheedu ma noqon kara ama saamaynta ay innoo samaysaa ma noqon karto in qaladkaasu ina gayaysiiyo in aan niraahno cadowga dibadeed ha yimaado ,Abuukaate Ajnabi ah oo ahaa midka u xilsaaran dambiile Soomaaliyeed kiiskiisa oo aan sheekadiisa dhagaystay ayaa hadaladiisa waxaa ka mid aha Maxkamadu wax kasta waa soo qadintay , oraahdaas ayaan iswaydiiyay waxaa isoo baxay in dhanka fursad siin la,aanta loo soo hor mariyay Dambiilaha , Habbada Shabaabka Intooda dhibaatada ah in aan Soo hor marino ma dhici kartaa in ay innagu hogaamiso in Soomaaliya Mustaqbalka Dhow noqdo mid Islaamnimadu Masaajida ku egtahay `? Amase uu noqdo sida haddaba jirta in dadku noqdaan Kuwo Afka ka Islaam ah ee aan u xakuntanka ogolayn ama iska caadaysta in Caqlaawiyada Iyo Diinta la is barbardhigo oo ah Su,aal aan ka maqlay wariye Soomaaliyeed oo waraysanaayay Musharaxiinta Afhayeenka Baarlamaanka u tartamaaya waxay ahayd iyadda oo iga yaabisay Maxaad aminsan tahay ..... Capitalism, Demo Kratia , Islaamism, Waxaan ka heli kartaa wariyaha oo Musharaxiinta waydiinaaya arintaas Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Afaraad Ee Jawaabaha Musharixiinta 25-August-2012 Haddaba Capitalism oo ah aragti Phliosophy Bini aadameed uu curiyay ma noqon kartaa in Islaamnimada oo hadalki Alle [SW] ah la barbar dhigo? jawaabta iyo inay tahay qalad aad u fog Aqristayaasha iyo Culimada aan u daayo.
Akhriste Qunuudkaan Caawa ka dhacaaya Masaajidada ku Yaal Kismaayo oo ay dadkaasu Baryayaan Allahooda samaystay saw ma dhici karto in ay yihiin dad laga gardan yahay oo lagu haysto maxaad islaamnimada ugu dhaqmaysaa ? Waxaan iswaydiiyaa kala durug sanaanta wadaada Soomaaliya waliba kuwooda la isku yiraahdo Waxay aqristaan Kutubka Sheekh Maxamed Cabdi Wahaab qoray, saw ma ahan in aysan qayb ka mid ahi noqon kuwo dagaalka aragtiyeed ee faham diimeedka la xiriira ku colaadiya kuwa kaleeto balse isuu soo dhowaada inta ay isku raacsan yihiina wada qaata arintaan kala fogaanshahoodu wax badan ayu shacabka saamayn ku yeelanayaan , Dabcan intooda badan waxay aminsan yihiin in aan dad gaallo ah gargaar ay kuu sheegaan lagu kadsoomin oo uu salka ku hayo in la innagaga badasho caqiidadeena oo aan diciifino ama aan noqono Muslim casriyaysan .
Waa laga yaabaa Aqriste in aad la soo boodo sida dadka Soomaaliyeed badankoodu qabaan Shabaabku waa kuwo masiibo ah ee Allaha innaga qabto , dabcan dareenkaasu waa mid caadifadeed oo aadan soo marin garashada qaybteeda isbarbardhiga iyo dhinacyo badan ka eegida xaaladda taagan , Waan qabaa Annigu in Shabaabku dhibatooyin leeyihiin ayna u gaynayso labba arimood oo kala ah In dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo qabyaaladdu aad u dilootay oo aysan si fudud ugu duxayn isugu yeerida midnimada lagu midoobi Islaamnimada oo la isku xakumo , iyo in ay iyagga badankoodu waa Shabaabkee si caadifadaysan u qaataan go,aamadda qaybtooda , Balse qaladkooda waxaa ka badan intooda badan oo saxnaanta ah , Waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo war Dad Muslimiin ah ayay Qarxiyeen oo Caruur ah maxaa jira oo ka wayn `? Waa runtaa lakiin in aad sheegto Caruurtaas la qarxiyay in ay qalad tahay waad ku saxan tahay lakiin in labba Qof oo Soomaaliyeed oo is dilay , isdilitaankoodu innagu jaheeyo isu dhiibida Gaaladda ayaa ka sii liidata , labadiinuna Soomaali ayaad tihiin is wada sixid iyo is dhagaysigu waa mid keeni kara isu soo dhowaansho .
Sidaan qabbose waxaan gorgortan la galin karin ama la baryi karin ciidamada Shisheeye , sinaba macquul kuma ahaan karto in ciidamo Gaaleed ajnabi ah ay joogaan Soomaaliya oo aan u aragno kuwo danteena wadda , waxaa Aqriste jira in ay sanba xiligaan kuwa Ethiopian-ka ahi soo galidooda cidna ka amar qaadaan taasu waxay cadaynaysaa in Maalinba maalinta ka dambaysa uu sii dhimanaayo damiirkeena wadaniyadeed ee dalkeena aan u qabno .
Arinta kale ee ay dadku ku doodaan waa kuwa Siyaasada Villa Soomaaliya taageersan ayaa ah Shabaabkuba ajnabi ayay wataan ? Dabcan dadka diinta Islaamka haysta waa kuwo ay diintaasu midayso midab iyo dhulna ma kala lahan waxayna diintu ina faraysaa isgarabsi iyo walaalnimo dhamaanteen , Waxaa ka yimaada Su,aall ah Maxaa Sucuudiga u diiday oo ay dadka Soomaaliyeed ugu noolaan karin hadaad tiri Islaamnimadu waa mid midaysa dadka haysta , Dabcan haddi Maamulka Dalka Sucuudigu qaatay Siyaasadaas ah ka celinta Muslimiinta Dhulka Barakaysan waa qalad iyaggu ay ku fakareen adiguna adiga oo qaladkaaga difaacaaya xumaan qof kale kuuma xoojinayso aragtidaada Caqliyeed .
Waxaa inta badan la iswaydiiyaa Shabaabku waxay ku dhawaaqaan in ay xoraynayaan dhamaan Dhulka dadka Muslimiinta ah oo ay ka xoraynayaa madaxda u adeegta Cilmaaniyadda ? Haddaba arintaas annigu sida aan arko waa Siyaasad Wanaagsan in la hello dawlad islaami ah oo caalamka Islaamka oo dhan ka talisa midaysana balse waxay u baahan tahay in la siyaasadeeyo oo xigmad lagu daro dadkana la kasbado .
Su,aal kale waxaan dadka Soomaaliyeed dhahaan soo celinta dawlal Islaamiya maxaa looga bilaabayaa Soomaaliya maa sucuudiga laga bilaabo dabcan annigu haddaan ahaan lahaa Shakhsi ku howl galaaya Siyaasada ah Caalamal Islaam oo la mideeyo dawlad shareecada Islaamka hooskeeda harsatana loo dhiso Soomaaliya ayaan ka bilaabi lahaa sababta oo ah dawlado dhisan oo leh ciidamo iyo meel aan dawlad lahayn waxaa fudud meel aan dawlad lahayn in aad ka bilowdo howl galkaaga oo ahaanaaya mid laba dhinacle ah in aad dhisto awood ciidan iyo dawlad islaami ah iyo in aad dadka wacyi galiso oo aad baraarujiso .
Nuruxka qormada Akhriste Dagaalka ka socda Koonfura Soomaaliya ma oran karaa waa mid u dhaxeeya Diinta Islaamka iyo Cilmaaniyada , Wiilka Soomaaligaa ee ka dagaalamaada dhinaca Amisom waxa uu u dirirayaa Aragti uu curiyay Phlosophy noolaa qarnigi 18-aad Balse wiilkaasu isma waydiin oo haddi uu iswaydiiyo waa ogaan lahaa sababta iyo hadafka dagaalkiisa ?
Waan dheereeyay dabcan Arimaha Shabaabku ma ahan kuwo la soo koobi karo waxaan ku afmeerayaa waan daawanaynaa sida ay wax noqdaan haddi Shabaabka laga wada qabsado dhamaan deeganaada ay ka arimiyaan , qormada faalayntu waa mid aan aragtida Shacabka Soomalaiyeed la wadaagaayo " Istusaalaynta iyo iswaydiimo is dhaafsashadu waa u door Buslahada waxaa ku dhisma aragtidooda u bishlaansho horumar iyo isgarabsi iyo iswaydiimo badan oo qofku iswayiidiyo , waxaa dhici .
La soco Qayb Kale
"Wixi aan qalday Shaydaan ayaa ku lug leh Intaan saxay Alle Kor ahaaye ayaa i solonsiiyay "
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
Waxaa dhici karta in ay kaa soo maaxanayso ama aad maanka ku hayso iswaydiimo badan oo ka culays badan kuwayga hor istaagaayan qiil u doonida iyo falanqaybta aan qormadayda ku rabbo in aad Shabaabka xaaladooda ka soo hor marino tan Fikirka Villa Soomaaliya .

Haddaba waxaad aragtida igula wadaagi kartaa
Email-Dooxajog5@hotmail.com
Facebook-www.facebook.com/idiris.dooxajog
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|