|
Puntland pressure and Action Group oo si kulul u canbareynaysa qaabkii loo qeybsaday xubnihii xildhibaanada ee beelweynta Majeerteen
Puntland pressure and Action Group oo si kulul u canbareynaysa qaabkii loo qeybsaday xubnihii xildhibaanada ee beelweynta Majeerteen
Waxaa nasiib daro ah in maalin walbaa ama xilli walbaa in si xadgudub ah loo maareeyo kuraasta ay nasiibka u heleen beelweynta Majeerteen. Majeerteen waa qowmiyad aad u ballaaran oo degta dhul aad iyo aad u baaxad weyn oo ka kooban illaa iyo 4 gobol sida Mudug, Nugaal, Bari iyo Jubbooyinka. Iyadoo ay taasi jirto in ay kuraastii ay si ulakac ah ugu tagri faleen hal beel oo ka mid ah Beelaha Majeerteen waa ayaandaro iyo arin meel ka dhac ah.
Waxaan qirayaa in markii horeba uu xadgudub ahaa qaabka wax lagu saleeyo ee 4.5, waxaa kaloo xaqdaro ah sida loo simay ama loogu qoondeeyay Beelaha Soomaaliyeed tiro isku mid ah iyadoo ayan jirin tirokoob sax ah oo lagu sameeyay Beelaha.
Waxaan kaloo qirayaa in Maxamuud Saleebaan ay tahay beel aad u ballaaran oo mudan in mudnaantooda la siiyo, tiiyoo iyagana ayan ilaabin in ay jiraan beelo u dhigma amaba ka baddan sida Cali Saleebaan iyo Reer Biciidyahan. Sidoo kale majirto qaacido oranaysaa beeshaas wey yar tahay ee xaqeeda hala duudsiiyo. Waxaan aaminsanahay in majeerteen inta beelood uu ka kooban yahay ay isku xuquuq yihiin laguna kala fadili karin aniga kaa baddan iyo waad iga yar tahay.
Ma xaqbaa in la yiraahdo Beelaha { Reer Maxamuud, Wabeeneeye, Daanweyne, idigfacle, Ismaaciil Saleebaan, Cabdirixiim Saleebaan, Cabdirixiim Ibraahim, reer waa rag, Cabdalle, wadamuge, Reer Cumar, Nuux Jibraahil, Amaanle iyo kuwo kaloo baddan oo aan halkaan ku soo koobi karin} siyaasadda Soomaaliya mansab kuma lihidiin oo ay had iyo jeer markhaati ka noqdaan. Runtii waxa ay xaq u lahaayeen haba u yaraadeenee in ay jirto tiro ay ku kaltamaan ama meerto ah. Sidoo kale ma xaqbaa in Beelaha Cali Saleebaan oo ka kooban illaa iyo shan beelood oo Allaah uu baaxadaas la’ekeysiiyay in la yiraahdo isugu taga hal kursi, halka Maxamuud Saleebaan oo ay la’eg yihiin ama u dhigmaan la yiri qaata 7 kursi.
Nidaamka lagu qeybsanayo qabiilka runtii waa nidaam xaqdaro ah oo Soomaali waxa ay u baahneyd in la qiimeeyo tayada iyo kartida shaqsiga ee aanan wax loo qoondeyn qabiilka. Laakiin haddii la yiri waqtigan xaadirka ah waa xal ee xaq maaha waxa ay aheyd in beel walbaa ay xaqeeda hesho. Nasiib daro walaalaheen Maxamuud Saleebaan nama qabato qaabki ay wax u qeybiyaan iyagoo yiri annagana waxeynu qaadaneynaa 7 kursi ee majeerteenoow isugu taga 5ta kursi ee kale. Xaqiiqdii ugama xumin walaalaheena haddii ay wada qaataan 12ka kursi oo runtii ay uga sharaf badnaan laheyd in ay ka codsadaan walaalahooda intii ay siin lahaayeen tiro quursi ah.
Haddaba ururka Puntland Pressure and Action group oo ah urur u dooda dulmanayaasha ama u taagan horumarka iyo sixida tayada shaqo ee Guud ahaan Puntland waxaa uu si kulul u canbaareynayaa nidaamkaas xaqdarada ah ee wax loo qeybiyay. Iyadoo uu ururku arintaas ka duulayana waxa uu soo saaray baaqan
- Dhammaan waxgaradka, aqoonyahanada, culumaa’udiinka reer Puntland waxaanu ka codsaneynaa in ay arintaas dib u eegaan kana qaadaan tallaabada ku haboon.
- Sidoo kale maamulka sharafta leh ee Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay arintaas ka hadlaan oo ay ka qaadaan tallaabada ku haboon, raali galin laga siiyo Beelaha xaqoodii la duudsiiyay maadaama uu maamulku hadda yahay haykalka guud ee isku haya bulshoweynta reer Puntland. Maamulku wuxuu matalaa muwaadin kastoo ku hoos nool haykalka Puntland ha bato ama halaga bato ee.
- Sidoo kale waxgaradka, iyo aqoonyahanada walaalaheena Maxmuud Saleebaan waxaan ka codsaneynaa in ay arintaas ku baraarugaan oo ay ka danqadaan walaalahooda sida xaqdarada ah had iyo jeer loo duudsiiyo xuquuqdooda. Ha ogolaan in lagu sameeyo qof kale wax aadan naftaada u ogolaateen.
- Dulmi noocuu ahaadaba waan ka soo horjeednaa haddii aanu nayahay waxgaradka u dhashay Puntland.
- Ururka Puntland Pressure and Action group haddii uu heli waayo falcelis arintaan ku saabsan waxaa uu sii wadi doonaa tallaabooyinkan uu arimahan uga soo horjeedo, wuxuuna qaadi doonana tallaabo allaa tallaabadii munaasib ah.
- Waxaan sugnaaba waa jawaabtu waxgaradka iyo aqoonyahanda reer Puntland ee iyagu kasoo horjeeda dulmiga.
Maamulka iyo Xubnaha sare ee
Puntland Pressure and Action Group - Uk
puntlandpressuerandactiogroup@gmail.com
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|