|
Ka xumaasho madaxda Soomaaliyeed iyo dhaliil aan u soo jeedinaayo

Waxaan aad iyo aad ugu xumahay in madaxdeeynu sar sare aysan ka soo qeeybgalin furitaanka cayaaraha Olombikada ee lagu qabtay magaalda London, halka ay waddamada dunida oo idil madaxdoodii ay ka muuqdeen goroonka.
Taasi waxeey cadeeneysaa in ay ku mashquulsan yihiin danahoodii gaar ka ah, islamarkaasina qarannimo iyo wadaninimoba aysan ku jirin.
Dhaliishaan waxaan u soo jeedinaayaa dhamaan madaxda sare, aysan dhicin tan aad maanta sameyseen oo aheed jaanis aad u weyn ama mid dhiiri galin ay u tahay umada jecel in ay soomaaliyo ay mar labaad ay lugaheed ku taagnaato, aniga oo ah Magan Tahir aad iyo aad ayaan uga xumaaday in aan lagu arkin qof mas'uul sare ah oo ka socdo dowlada somaliya.
Magan Tahir
magan_98@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|