Somali News
    Hees  

Maqaal: Maxuu yahay ujeedka ajnabigu?

Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay allaha (SW) leh Aduunka iyo Akhiradda iyo inta dhex taal, Wanaagsanaan bini,aadam waxaa leh Nabbi Muxamed (NNKH)

Dalka Soomaaliya waa dal dawlad u baahan yihiin , haddaba halki aan doonitaankeena dawlad yeelasho xaqiijin lahayn, ayaa dadka Soomaaliyeed waxaa maalinba maalinta ka dambaysa ku soo siyaadaaya dhibaato hor leh , Dhibaatadda waxaa asalkeeda gacmahooda ku sameeyay dad Soomaaliyeed marki ay isdileen oo qof kasti banaystay dhiiga qofka kale ee ay ka dhaxayso Muslimnimmada iyo Soomaalinimmadu, Way jirtaa aragti Soomaaliyeed oo rabta inay danaheeda oo diinteeda lagu dabakhay ay ka arinsato balse ajnabi Soomaali kale soo watay ayaa taas hortaagan.

Waxaa markaas majaraha inoo qabtay kooxda la dhaho Qaramadda midoobay ee iyaggu baahiya aragtida caqliyaysan ee aan lahayn asal ee la rabo in dhamaan dunnida lagu faafiyo dadkuna ay u wadda hogaansamaan ,Qaramada modoobay waxa loogu yeero asalka waa wax u taagan inay bini aadamku isku qasmaan oo la kala garan waayo mid caqiido haysta iyo mid aan haysan .

Qormadaydaan aan ugu magac daray Maxuu yahay ujeedka ajnabigu? ayaa waxaa igu dhalisay markaan in baddan iswaydiiyay, maxay tahay ujeedada dalka Soomaaliya loo keenayaa ciidammada ajnabiga ah ee dhaqaalaha loogu bixinayaa ? Maxaa meelo nabbadi ka jirto guluf colaadeed loogu qaadayaa oo loo oranayaa AMISOM & DKMG ayaa qabsatay ? yaa laga qabsaday yaase qabsaday ? Maxay tahay caawinaadda la leeyahay Soomaaliya ayaan caawinaynaa ? Shirar ayaan banaanka ugu qabanaynaa oo in dawladdi ka dhalato ayaa jecelahay ma runbaa? kuwa sidaas lihi saw ma ahan kuwa hoosgeeyay dhul iyo dad Soomaaliyeed calamadda Ethiopia iyo Kenya ? Maxaa maanta isbadalay ?

Waxaa dalka Soomaaliya jooga ciidammo tiro badan oo ka socda waddamo kala duwan kuwaas oo maalin kasta dhibaato u gaysta dad Soomaaliyeed oo shacab ah , haddaba waxaynu iswaydiinaynaa maxaa ciidammadaan dantoodu tahay , Aragtidayda ciidammadaanu waa kuwo u jooga meel marinta aragti caqlaawi ah oo la rabbo in dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo , dhibaataddu waxay noqonaysaa waa adag tahay in dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah laga waayo dad hor istaaga aragtidaas oo xabad kala hortaga iyagga oo ay daacad ka tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka celiyaan dhibaatooyinka loo soo waddo , kooxdan gadaal ka taagan ee keensatay ciidammada ajnabiga ah ayaa ah kuwo iyagguna aminsan inay muquniyaan cid kasta oo ka hor timaadda halgankooda aragti fidintooda ahna wadaan ilaa ay dadku uga hogaansamayaaan , Waxaa halkaas ka dhacaaya oo isdiidaaya markastana iska hor imaanaaya aragtidaas ajnabiga iyo midda qofka Soomaaliga ah ee rabba in uu arimmihiisa isaggu ka shaqaysto isagga oo ku dabakhaaya Shareecadda Islaamka , rabbana in uu xaqiijiyo in si dhaba ay ugu noolaadaan diinta islaamka bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah , Kooxdan Ajnabiga ah ee hadda Ciidammada keensatay waxay haystaan dad Soomalaiyeed oo ay ugu sheekeeyeen horumar in aad gaartaan waxay ku jirtaa in aan dillo cidda aragtidayada mid ka duwan qabta ee Soomaali ah idinkuna waxaad tihiin kuwo wanaagsan oo nolosha wax ka fahmaaya duniddana la jaanqaadi kara sidaas darteed madax ayaan idinka dhigaynaa waana idin garab istaagaynaa ee wax kasta oo aan keeno ogolaada.

Ciidammada Ajnabiga ah kuma eka inay aragtidaas xumaynta bini aadamka ah u dagaalamaan si ay u xaqiijiyaan balse waxaa jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo la yiri waxaad tihiin ciidammada xooga dalka Soomaaliya ee qoriga qaata oo dad kale oo Soomaaliyeed dilla oo cadowgaas dalka haysta ka garab dagaallama , saw ma oran karo wiilka Soomaaliga ah ee qoriga sitaa waa mid aan ka war hayn sababta iyo ujeedka uu xabadda ugu ridaayo Soomaaliga kale ee ay wadaagaan Muslim-nimmada Iyo Soomaali-nimmada , Akhriste saw ma ahan wiilkaas xabbada ridaaya ee Soomaaliga ah waxa ay taal aragtida uu xabadda ku ridayaa New York ama London oo isaggu waa iska ridayaa sabab uu wax u dilaayona ma yaqaan marka laga tago khiyaaliga lagu himo galiyay ee asalka noqonaysa dadnimmadaada iyo diintaada la dirir oo adigu duminteeda ka shaqay.

Waxaan ognahay in Maanta meel kasta ajnabigu isagga yimi bad iyo biriba joogo , dhibaato wax aan ahayn uusan inoo geeysan aysana dhici karin in la dhaho khayr ayuu inoo soo waddaa , sababta oo ah dadkaan cadowgeena weeye qofki diida oo dhaha cadoowgeena ma ahan ee waa kuwo wanaag inalla jecel waa qof iska indho tiraaya Tusaalayaasha Soo jireenka ah ee Soomaalida iyo Guud ahaan Caalamal ISlaam.

Waxaynu iswaydiinaynaa Amisom iyo Ethiopian ciidammo ahi maxay dhulka Soomaaliyeed maalin kasta gobol u weerarayaan oo ay u laynayaan dad Soomaaliyeed , Maxay tahay waxa aan ka samaaynay ? Dabcan jawaabta oo fudud waxba ma aadan samayn aan ahayn Maxaad Muslim u tahay haddaad tahayse maxaad ugu dhagan tahay oo aad u rabtaa in aad wax kasta oo caqligu fakaro u celiso Diintaaada , taas ayaa keenaysa in ay dhacdo in deegaanno nadab ah lagu qaado guluf colaadeed madaafiic aan lo meel dayina lagu garaaco shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ee aan cidna dhibaatayn , muddo yar ka dib waxaad maqlaysaa deegaankaas AMISOM ayaa qabsatay ama Ethiopian waxaa markaas bilaabayaana dhawaaq aan horay uga jirin deegaankaas oo ah waala dhacay waala kufsaday , markaas nabad lama doonayee nabad la,aan ayay doonayaan ayay noqonaysaa waxay u joogaana waa dhibaatayna bulshada Soomaaliyeed . Akhriste Tusaale kale waxaa aad is waydiiyay maxay tahay sababta laba qof oo Soomaaliya oo isdilay oo qalad isku dilay ama midkood saxnaa loogu barooranaayo oo marka Shabaabku qof Soomaali ah dilaan maxaa loo dhawaaqaa , oo diraayaddaha Kenyaatigu markay madaafiic rideen ay dhaheen ku socota Shabaab ayna dishay oo xasuuqday hooyo iyo dhalaan Soomaaliyeed maxaa loogu barooran waayay ? ma laba dad ayaa kala wanaagsan , mise ma jiraan cid ka hadli karta kuwa ajnabigu dilaan oo ajnabiga dilkoodu dhibaato ma leh oo dilka ajnabiga waxaa ku hoos jira barwaaqo iyo khayr gaarid .

Marka aan iswaydiino yaa laga qabsanayaa yaase qabsanaaya ? dabcan waa Soomaali ayaa la laynayaa ee meesha ma jirto wax la qabsaday oo macnaha dhabta ahi waa dadka Soomaaliyeed dhibaataddu ha wadda saamayso , ifafaalada nabadeedna halagala diriro , in dhexdooda ay masaaliix dhigaana yaan la ogolaan , haddaba ma jirto aragti oranaysa nabbada iyo barwaaqada waxaynu marti uga nahay ajnabi , umanna qumi karno inaggu inaynu dhibaatadda dhexdeena ah xalino , arinta ah in aynu dhibka xal u helo marka aan ka hadlayno waxaa marka koowaad loo baahan yahay sidaan qabo in fikirka wax xalinaaya laga ilaaliyo ku lug lahaanshaha afkaar ajnabi Gaaleed ah, Tusaale innagu waxaynu xaq u leeyahay shabaab in aynu la hadalo innaga oo Soomaali ah oo Muslimiin ah oo waynu oran karaa wixi dhibaato aynu u aragno sidaan dhibaato ayay nagu tahay , lakiin marka qof ajnabiyi i dhaho qof kaas kale ee Soomaaliga ah hala hadlin annaga ayaa dilayna ee nala dil dabcan maangaabnimmo ayay innoo noqonaysaa hadaynu taas qaadano , waxaan oran karaa dadka Soomaaliyeed dhibaataddi markay daashatay ayay ku dhow yihiin isdhiibid ma ahan in aan isdhiibno , Sidoo kale ma ahan in aan Shakhsi dano gaara leh oo wax kasta u dhuminaaya dantiisa noqonaayana mid hogaansama oo wax loo yeeriyo in uu inna qaldo , Tusaale waxaa la innoogu sheekaynayaa Dawlad-nimmo ayaa la idiin wadaa , Road-map ayaa la idiin sameeyay , Oday dhaqameed ayaa la isu keenay , Road Map-ow Maxa waxaad tahay dad Soomaliyeed oo la dillo ayaa ah waddada nabadda ilayn maalin kasta waxaan maqlaynaa waala xoraynayaa dalka oo Road-mapka ayay ka qayb tahay , Yaa laga xoraynayaa ? Asalka Road-mapku waa mid ay ku xusan tahay dadka Soomaaliyeed dhibaatayntooda oo ah in la laayo ayay nabbadu ku imaanaysaa , Sidaan markas u ogolaan karaa Road-map ilayn waa mid gudbinaaya in dadka la dilee .

Oday dhaqameed ayaan isu keenay , Dabcan oday dhaqameedka la isu keenay arinta ay ka hadlaayaan ma ahan wax ayba yaqaanaan , Dastuur , Dimoqraadiyad , Federal ,4.5 , War waxaasu maxay yihiin ma waxaas ayaan u baahanahay ? Intaasbu waa kuwo cadow ku ah Muslimnimmada iyo Soomaalinimmada , dhanka kale odayaasha maanta la leeyahay xal ayay keenayaan xagay jireen 21 Sanno ? saw ma oran karo dadkooda ayay ka mid yihiin oo waa kuwaas ajnabigu yiri Soo qaata koofiyadihiina iyo cimaamaddihiina oo isu imaada , Diyaaradan raaca oo Istanbul soo eega siday tahay , Bal maxaa istanbul innagaga Xiran ?, Maxaa u diiday hadday oday dhaqameedku yihiin kuwo xalkeeni kara inay dhahaan Ajnabigu dalkayaga haka baxaan ,Dawald xaaraan ah oo 4.5 ku dhisan meesha haka baxdo , Shabaab u tagaan oo dhahaan haye maxaad rabtaan siddeese wax u hogaaminaysaan , dabcan sidaasu waa siddaan jeclaystaye iyaggu ma ahan kuwo samayn kara asalkana oday dhaqameedka ayaa ah mid aan hogaan ahayn ee waa Qabyaaladdu waxay samaysay unna taagan wax dhibaato ku ah Soomaalida.

Waxaan maqlaa Soomaaliya ayaan caawinaynaa oo maxaad noo caawinaysaan ? Waxaan idiin caawinaynaa Bini aadam-nimmo, haye dantiinu waa maxay ilayn bini aadam Muslim ah iyo mid gaal ah Caawinaad ah in barwaaqo Muslimiintu helaan kama dhaxaysee , ilaa marka dhamaan dadku isu ekaadaan oo ah sidda Reer Galbeedku jecel yihiin oo ah inay afkaartooda dunnida ku baahiyaan oo dhahaan horumar ayaa hayaan loogu jiraa bini aadamkuna waa in uu isgarabsadaa cid kasta oo horumartana lagaga daydaa horumarkaas , Waxaana lagu gaari karaa waa siday dhahaane dadka oo xakunka yeesha , Tusaale dadka ayaa u codaynaaya dastuur ah in qofki qof dilla 5 Sanno la xiro , Waddaad Soomaaliyeed ayaa markaas yiri Mayee annigu diin ayaan haysaanaa oo alle ayaa xakunka leh oo yiri qofki qof dilla hala dillo ama mag halaga qaato haddi raali la isaga noqdo , Dimuqraadiyad oo carootay ayaa leh Maya sidde qof loo dili karaa waxaasu waa wax qaldan waana aragti bini aadamka dhibaysa o cabsi ku abuuraysa ee meesha ka saara , dabcan markaas waxay caawinaada ugu yeerayaan ma ahan cawinaad ee waa dhibaatayn oo mar haddi sidda saxda ah lagaa kaxeeyo oo aad u hogaansanto caqlaawiyadda aan caqiido lahayn ma aadan helin caawinaad ee waa lagu qalday dhibaatona waa laguu gaystay . siddo kale caawinaad ma noqon karto qof Soomaaliya ayaan dilayaa oo siddaas weeye caawinaadu.


Akhriste Marka aan banaanka uga baxno waaqiciga qaldan ee jira hadda oo aan iswaydiino horta caawinaad ma uga baahan tihiin oo wax idin kaga xiran ma jiraan ? aragtidayda waa maya wax caawinaad ah ugama baahnin , Tusaale anniga in dhibaato dalkeena ka jirto waa mid aan aragno balse xalkeedu waa mid innaga inoo yaal cid kalena inay ina caawinto kama dalban karo , dhanka samaynta horumarka oo ku yimaadda Midnimmo iyo tabcasho waa mid aan xaqiijin karo inagga oo diinteena iyo dadnimamadeena u madax banaan, arinta ah in la dhaho Soomaaliya waa dhibaataysan tahay inta badan wax kama jiraan marka loo eego hab nololeedka qofka , annigu waxaan qabaa in uu ka farxad daban yahay qofka London ku nool ee u dhashay dalkaas walaalka Soomaaliga ah ee ku nool kismaayo ee shaqadiisa , Masaajidkiisa iyo hoygiisa u dhexeeya ee iimaankiisu saraayo , sababta oo ah qofka Kismaayo joogaa caqiido ayuu leeyahay mana walwalaayo balse kan London jooga ee gaalka ah ayaa ah mid dhibaato haraysay oo ku nool nolol adag ,waa xaqiiqda Nolosha dunnida Sidaan qabo.

Akhriste waxaan ognahay Mucatablayda Reer Galbeedku inay dalkeena ku soo duuleen innaga oo aan xiligaas lahayn hogaan dhexe oo dadka Soomaaliyeed u adeega oo diintooda iyo danahooda ka shaqeeya , waxay markaas innoo gaysteen dhibatooyin aad u daran waxaa ka mid ah dalkeena iyo dadkeena Muslimiinta ah way kala qaybiyeen waxay ku kala dareen oo ay hoos geeyeen kaniisaddaha Ethiopia iyo kenya , Miyaadan iswaydiin maxay ugu dareen dadkan iyo dalkaan Soomaaliyeed dawladdo kale ma jiro karto jawaab kale oo aan ahayn waa arin salka ku haysa Diin , Miyaadan la socon sidda Britian Yuhuuda ugu beertay dhulka Falastiin , Miyaadan la socon marki ay ka baxaayeen inay u kala qaybiyeen , laba dal oo ay kala dagan yihiin Falastiiniyiin iyo Yuhuud , Waxaase ka sii daran Magaaladda Qudus Qaramadda Midoobay ayay hoos tagtaa oo labbada Dalba kama tirsan ayaa la yiri maxay waxaanu u dhacayaan? , Maxaa loo wiiqay awooda khaliijul carab oo 7-ba dawladood ee xaafaddaha ah looga dhigay , dabcan waxyaabahaas oo dhami waa kuwo iswaydiin u baahan in lagu baraarugo oo lagaga feejignaado dhagarta ajnabiga Mucatablayda ah, arinta ah ka feejignaanta iyo iska dhicintu waa mid aan u baahanahay haddi kale waxaan ka sii liidanaynaa heerka aan hadda taaganahay ee ah Qofkaas dil ajnabiyow waa Soomaali wareersan oo dib u dhac wadee.

Akhriste haddaan haysano Tusaalooyinkaan siddee maanta la innoo oran karaa waxaan idiin dhisaynaa dawlad , waan idin garab taaganahay, maxaa is badalay ? saw tan qarnigi tagay bilowgiisi diyaaraddaha Taleex lagu garaacaayay Maantana Hasingow lagu gaaraacayo, wax isbadalay ma jiraan ee innaga ayaa kaalinteeni heerki looga baahnaa banaynay , balse fursaddu waa mid banaan, isgarab qabsigga iyo ka feejignaanta dhagartu waa mid aan xaq u lenahay. Akhriste halla soo boodin waa fikir Al shabaab kanu , waa in aad iswaydiisaa haddad sidaas qabto adigu kumaad tahay horta ? markaas dabcan waad helaysaa jawaabta ah Muslim Soomaali ah ayaad tahay, Shabaabkuna yay yihiin Waa Muslimiin Soomaali ah , markaas saw noqon mayso xaq uma lihid in aad barbar dhig u samayso ciiddamo shabaab ah iyo kuwo Ethiopian ama Amisom ah ilayn kuwaan ajnabiga ah waxba idin kama dhaxeeyaan waxnanna ma wadaagtaane maxaad u barbar dhigaysaa qof Soomaali ah ajnabi cadow ah.

Dabcan haddaad qiil isu raadiso oo uu noqdo DKMG ayay caawinayaan Dowladda KMG waa tee ma tan ragga madaxda u ahi shacabkooda ka cabsadaanbaa , Hogaamiyaha Shabaabka ah ee waali walaayadeed ah yaa ilaaliya isagga ? Soomaali ayaa ilaaliya ama lamaba ilaaliyo, Maxaa kan DKM shacabka looga ilaalin oo Amisom taangiga ugu qaadi?, aragti diin iyo dadnimo u adeegid ku dhisan ajnabi ma ilaaliyo dadkeedana lagama ilaaliyo , Sidoo kale ma ahan in aad ku kadsoonto DKM , Waa in aad iswaydiisaa maxay ku dhisan tahay maxayse qabataa ? waxay ku dhisan tahay kala qaybin iyo burburin, waxayna u adeegtaa kuna shaqaysaa Fikir ajnabi kuwa madaxda sheeganaayana ma ahan kuwo aragti ay leeyihiin ku meel maraaya, Tusaale Shariif xiliigi Cabdulaahi Yusuf Tagay Ethiopia ee uu yiri dhamaystirki 1978 howshaad igu caawiseen ayaan maantana u socdaa ee Ciidammo isiiya waxa uu lahaa Shariif Carrada alle ayaa ka ratibmaysa oo waan ka hortagaynaa caradda Maraykanka oo Bini aadam ah ayaan ogolahay waana iska dhicinaynaa , Akhriste maanta ajnabigi waa joogaa oo waliba kuwo siyaado ah ayuu Shariif keenaye maxaa carradi alle ka celinaaya ? Qof heerkaas gaarsiisan wax uu waddo iyo kuwo la mid ah waxay wadaan ma oran karo waa dariiqadda xaqiijinta dawladnimmo u adeegta Diinteena iyo danaheena dunyaawiga ah , Akhriste haddaad qabto in aan wax duminaayo , horta wax aan ahayn ciidammo ajnabi ah oo dalkeena ku soo duulay oo jira ma haysaa , mise kuwaas haddi la dhaho waa ina dhibaataynayaa waxaad u aragtaa in wanaag soomaaliyeed la dhibaateeyay, DKM waxa loogu yeeraayo waa wax magac u yaal ah oo lagu marsanaayo danno dadka Soomaaliyeed ajnabigu ka leeyihiin .

Ajnabigu gaaladda ahi waa kuwo dhibaato dalkeena ku haya, kumana fakari karo inay khayr innoo soo wadaan , ama nabad innala rabaan, waa kuwo jiritaankeena cadoow ku ah inaynu dugsano oo gacal ka dhiganona ma ahan mid innala gudboon waa in aan iska dhicinaa, iska dhicintu macnaheedu waa noocyo badan yahay , xabad in lagala hortago , Cod lagaga hortago , dhaqaale lagu bixiyo, la is baaabulo oo loo midoobo siddi cadowgaas la isagga dhicin lahaa , Nolosha waa in aad adiggu xaqiijisato waxaad u baahan tahay qumanaanteeduna waa in aad hab fakarkaaga xor u noqoto danahaagana ka tashato ,taas wixi kaa hortaagan waa cadowgaaga.


Ujeedka ajnabigu waa in dadkeena lagu jaheeyo jidka qaldan oo ah inay ka tagaan caqiidadooda dhabta ah ee saxan ee ah kitaabki Alle(SW) soo raaciyay dadka uu samaystay ee yiri annigaa idin sameeyay ee siddaan u dhaqma waajibaadka aan idinku waajib yelano gudda sidaas ayaad akhiro iyo aduunyoba ku liibaanaysaan .

Waxaan ku soo dhamayn ummada Soomaaliyeed waa inay ka feejignaadaan taageerida iyo u sacab tumida ciidammo ajnabi ah, sidoo kale in aan iska celino waa mid mudan ilayn xoog ayay innagu haystaan oo caruurteena iyo hooyooyinkeen u laynayaan, Ma ahan inaynu isdhiibno haddi dhibaato yari dhexdeena ka dhacday macnaheedu ma ahan inaynu noqono kuwo dhibaatadaas yar darteed dhibaatooyin ka waawayn ugu nuglaada , Tusaale hadaynu qaldanay oo qabyaalad isku laynay oo qof muslim ah oo Soomaali ahi dilay qof kale oo intaas ay wadaagaan si xaq daro ah , macnaheedu ma ahan in aynu niraahno annaba waan isdilaaye ajnabiguna hanna dileen , sidoo kale waxaad ogaataad in dhagar badan oo saamayn ku yeelanaysa dhibka Soomaaliya ay ajnabigu wadaan waligoodna wadeen , kala qaybsanaanta iyo dugsashada qabyaaladda oo ah arin difaaca iyo dadnimmadeena la diriraysa waa in aan ka tagnaa , waa kuwaas iyo waa xaafaddaas wax ay inoo keenayso ma jirto an ka ahayn dhibaato inaynu horay usii qaadno , Midnimmo aynu ku midowno inaynu nahay dad Muslimiin ah oo Soomaaliyeed aragtida ka baxsan ee si hoose u fakarka ku dhisani ma ahan mid aan xal ka naawili karo waana mid inoo nuglaynaysa in cadoowgu ina dhibaateeyaan, Qofka isaggu aragtidaas meel marinaaya oo dalka siddaas ah leh dawladnimmadiisa ayaan madax u noqon oo waxaan mel marinayaa aragti ajnabi waa mid isaggu ah cadow Soomaali ah oo isagga ayaa naftiisa Cadoow ku ah , Tusaale qofka madaxda Sheeganaaya ee ku baaqaaya in ajnabigu Soomalida dilaan hadde walaashiis iyo hooyadiis iyo ubadkiisa ayuu cadow ku yahay mana ahan mid iswaydiinaaya maxaa sax ah maxaase qaldan .

"Iswaydii siddee u dhacday in aan cadow ka dhigto qof Soomaaliyeed oo dhexdayada dhibaato ahaato ,waase dhacdaye siddee uga bixi karaa"


W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
Dooxajog5@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)