|
Maqaal: Falanqayn-Gaas waa musaafirin ma muddo kororsigay meel mar ka dhigi ?

Haddii aad xeererka dadku ku heshiiyeen aad dhinac marto kolkaas doonitaankaagu waxa uu noqon illaa ugu dambayn halkay kula gaarto in aad waddo siddi uu meel mar kuugu noqon lahaa rabitaankaagu , kamana tanaasulaan madaxda kolkaas haysta aragtidda siyaasadeed ee ku astaysan in carubinta iyo muqunintu ay tahay midda yoolka lagu gaaro siday qabaan , waxaa ka dhasha isku dhac iyo dhibaato in ay timaaddo kolka deegaan nabdoon dadka Maamulkiisa hayaa ay ku fakaraan sii joogitaanka kursiga iyagga oo u maraaya in musuqmaasuqaynta iyo samaysashada xeerer cusub sidda haatan ka taagan Deegaanadda uu Maamullo Maamul Goboledka Puntland ay ku joogi karaan kursiga .
Qormadaydan Falanqaynta ah waxaa ku eegi dhacdadi shalayto ka dhacday Magaaladda Boosaaso ee ahayd in Cabdiwali Maxamed Cali Gaas R/wasaarihi hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Gollaha wakiiladda Soomaaliya amar lagu siiyey in uusan kulan la qaadan karin Dad lagu sheegay in ay yihiin kuwo ka soo horjeeda muddo kororsiga Madaxwayne Faroole iyo in uusan sii waddi karin safarkiisa ku aadan Booqashada Deegaanadda Puntland ka arimiso inta u dhiman ee u qorshaysan in uu tago oo la sheegay in uu u kicitimi lahaa deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag .
Dadka lama kulmi karo Safarkana ha joojiyo :
Warbaahinta Soomaalidda intooda badan ayaa qoray warkaas ah in shalayto Cabdiwali Gaas looga yeeray xarunta Gobolka Bari loonna akhriyey amar ka soo baxay madaxtooyadda Maamulka Puntland kaas oo ahaa in uusan la kulmi karin dadka diidan Waqti dheeraysiga Xukuumadda Maamul Goboleedka Puntland , iyo In uu Boosaaso ku ekeeyo Safarkiisa ku aaddanaa Booqashadaa Deegaanadda Puntland .
Dadka lama kulmi karo safarkana ha joojiyo waa go,aan ay xukuumadda ka arimisa Maamul Goboleedka Puntland haatan ay u cuskanayso in ay ka caawinto sii joogista ,waa kala illaalinta dadka iyo shakhsiyaadka ay isleedahay waxay ku yeelan karaan saamayn qorshihiina oo ah in ay hor istaagaan iyagga oo adeegsanaaya shacabka oo la kiciyo , sababta ay xukuumaddu siddaas u samaynayso ayaa ah qorshaheeda muddo dherersigu ma ahan mid waafaqsan xeererka Puntland waana rabitaanka Madaxda Maamulka balse ma ahan mid baddanka dadku ku qanacsan yihiin, waxaana arintaas tusaale u ah dadka intooda iyaggu wax iska waydiiya xaaladda iyo mustaqbalka Puntland marnaba uma soo saarayso qorshaha xukuumaddaanu in uu yahay mid lagga naawili karo horay usocodnimo ama isbadal samayn , waxaynuna taas ku xaqiijin waxa aynu micilsan sooyaalka siyaasaddeedka ay leedahay xukuumadda uu hoggaammiyo madaxwayne Faroole oo noqonaysa Maxay qabatay ? Kolkaas jawaabtu waa waxay dhumisay isku haynti oo kala yaacid ayay sababtay waana arin xaqiiqi ah oo dhamaan aan wadda ognahay .
Dadka la nool dareenka Puntlander-nimmadda isla markaana amaanta u jeediya maamulka madaxwayne Faroole ee ku andacooda in uu horumar ka sameeyey Puntland ee aan iyaggu iswaydiin aaway Deegaanadda ku xusan dastuurka Puntland saw kuwan qaybtood Maamuladda loo sameeyey sidda Khaatumo Iwm , waxay dadkaasu ku sheegeen warkaasu in uu yahay mid been abuur ah oo warbaahintu iska sheegaytay iyadda oo danno ka leh waa warbaahintee , Haddaba waxaa xaqiiqo ah in warkaasu mid sugan yahay oo amarkaas la faray xildhibaan Cabdiwali Gaas waxaynuna ku xaqiijin warku waa mid khatar leh oo xukuumadda Haatan ka arimisa Puntland ku astaynaaya mid macangagnimo iyo muqqunin ku shaqyanaysa ayna ka dhalan karaan isku dhacyo dhibaato sababa , kolkaas haddi uu yahay mid warbaahintu iska sheegtay oo aan sal lahayn maxay xukuumadda Puntland uga hadli wayday oo warkaas ugu tilmaami wayday mid aan wax ka jirin ?
Xukuumadda Puntland ka arimisa ee Madaxwayne Faroole hoggaammiyo qaabka ay ku shaqayso ayaa siddaas ah, oo ah in ay dul dhigto amaro shakhsiyaadka ay u aragto in ay ka soo horjeedaan muddo kororsigeeda kolkaas waxaysan uga hadlayn warku waa mid xaqiiq ah mana ahan mid shaki ka gali karo qof isaggu xaaladda Maamulka Puntland ka war qaba haddi aadse tahay mid sabab la,aan taageero u haya Maamulka Madaxwayne Faroole ee wakhtigiisa labbadda Billood u dhiman yihiin ugu yaraan Been ha ka sheegin dhacdooyinka xaqiiqda ah ee aad u jeedo in maamulki aad taageersanaydba ka hadli waayey, haysku qancin in ay yihiin warar aan sal lahayn , Kolkaas waxaad noqonaysaa qof in uu fakaro ay daboosho in uu xamaasadaysan yahay ama uu qaato barbaarinta ka soo maaxata garashooyinka Siyaasaddoodu ku fadhido xakun jacaylka oo kolkaas dadka uga sheekeeye waxyaabo kale oo aan khusayn.
Bartilmaameedsashada Cabdiwali Gaas
Cabdiwali Gaas ma sheegin in uu yahay musharax Madaxwaynenimmo ee Puntland balse sidda safarkiisa lagga dheehan karo Cabdiwali Gaas waa mid samaynaaya Olole doorasho , waxa uu warbaahinta ka sheegay in uu dadka la hadlaayo oo uu kala hadlaayo xaaladdooda ayna is xaal waraysanyaan Haddalkiisu waa mid siyaasadaysan waxa uunna ka hor marinayaan ku dhawaaqidda musharaxnimaddiisa in uu bulshadda Reer Puntland tijaabiyo oo ah in uu la kulmo qaybahoodda kala duwan si uu kolkaas u kala dareemo inta ay le,eg tahay rabitaanka dadku u hayaan , isagga oo arintaas ku xaqiijinaaya soo jeedinta dadka uu la kulmo ee kolkaas leh hal doorka qaybaha kala duwan ama sidda loo soo dhoweeyo oo ah tijaabin siyaasaddeed la xiriira go,aanka uu qaadanaayo dabcan qorshihiisu waa mid cad oo waa in uu doonaayo Madaxwaynenimadda Puntland .
Doonitaanka Cabdiwali Gaas waxaynu ku xaqiininaynaa Safaraddiisa , Cabdiwali xilligaan ma ahan mid haya xillalka sarre ee dawladda Soomaaliya , waa xildhibaan ka tirsan gollaha wakiilladda Soomaaliya ka xildhibaan ahaan haddii uu eegaayo xaaladda nololeed iyo baahidda dadka waxaa waajib ka saaran yahay in uu soo kormeero deegaanadda uu xildhibaanka u yahay , sababta oo ah xildhibaanku ma soo daraasayn karo deegaan uusan ka soo bixin , Kolkaas waxay cadaynaysaa safarkiisa deegaanadda kala gadisan ee goboladda kala duwan ku yaal uu ku maray in uu yahay mid taageero doon ah rabbana in uu safarkisa ka dib qaato go,aanka ah ku dhawaaqida Musharax Madaxwayne ee Puntland isla markaana ugu yeera Xukuumadda Madaxwayne Faroole mid xilligeeda aan dhaafin doorashadda .
Siddo kale waxa uu safarku ka caawinayaa Cabdiwali Gaas in uu si fudud ugu dhawaaqo in Madaxwayne Faroole wakhtigi ka dhamaaday doorashadda xilligeeda la qabto taasna uu ku cadaynaayo in uu isaggu la soo kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshadda Deegaanaddi uu booqday intooda baddana dadki uu ka kulmay qabaan in aysan raali ka ahayn muddo dheeraysasho .
Maadxwayne Faroole oo isaggu qatar badan u arka Cabdiwali Gaas kolka uu ka fakaraayo sii joogistiisa ayaa qorshahaas fahansan waana sababta keentay in uu soo saaro amar ah in Cabdiwali Gaas uu joojiyo safaraddiisa uusanna la kulmin Mucaaradka Madaxwayne Faroole .
Iswaydiin kale ayaa soo baxaysa oo ah waxaa jirra rag iyaggu ku dhawaaqay Musharaxnimmadda Madaxwaynenimadda Puntland oo haddana joogay Deegaanadda Puntland ka arimiso shirarna la qaatay dadka Deegaanadda qaybo ka mid ah kolkaas maxay xukuumaddu kuwaas uga hortagi wayday ?
Waxaan u arkaa in Madaxwayne Faroole uu haysto aragti ah in uu dadka ka soo jeedin karo Musharaxiinta qaybtood isagga oo Sooyaal siyaasadeedkooda ku dhaliilaaya sababta oo ah waxay xilal ka soo qabteen Puntland kolkaas waxa uu ugu yeeri kuwo fashilmay shaqadoodina gudan waayey , Balse Cabdiwali Gaas waa ka duwan yahay oo isaggu xil Puntland kama soo qaban waxa uuna haystaa sidda uu aminsan yahay Sooyaal siyaasaddeed ah Soomaaliya ayaan KMG-nimmaddi ka soo saaray , Kolkaas samata bixinta Puntland iyo xalinta tabashooyinka isu soo celinta midnimaddu waa mid ii fudud maddaama aan Soomaaliya ka soo qabtay howl loo baahnaa .
Saamaynta Go,aanka :
Go,aanka shalayto ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland waxa uu cadaynayaa in Xukuumadda Madaxwayne Faroole qorshaheedu uusan meel mar noqon karin haddana ay ku kacayso soo saaridda amaro in ay wax u dhimaan ma ahane aan waxba ka caawinayn Akhriste Go,aanki shalayto ee lagu faray Gaas in uu joojiyo safarkiisa waxaan oran karaa ma ahayn mid kolkaas mudnaa sababta oo ah Cabdiwali Gaas saw kan booqday deegaanno badan ee Puntland ka arimiso saw kan Booqday Boosaaso oo ah Magaalladda ugu wayn Puntland ahna isha dhaqaalaha Puntland , Siddaan qabno xukuumadda Puntland waxay tiri dadka lama kulmi karto haddii uusanba la kulmin kolka uu isaggu doodaayo oo uu leeyahay doorashaddu waa in ay dhacdo 08-01-2013 waxa uu haystaa in uu dadki la soo kulmay taasna safarkiisa ayaa cadayn u ah muhiim ma ahan in uu dadka la kulmo iyo in uusan la kulmin waxaa door ah in uu booqday.
Xukuumadda madaxwayne Faroole iyadda oo og in qorshaha Cabdiwali Gaas ayaysan joojin karin, safaraddiisa oo dabcan hadda inti ugu muhiimsanayd waa maray Deegaanadda haatan Maamulka Puntland ka arimiyo , In ay joojiso waa doonitaanka Xukuumadda Balse arintaas dhibaato in ay ka dhalan karto ayay u aragtay Siyaasadda Madaxwayne Faroole kolki hore balse waqti Cabdiwali Gaas uu qorshihiisa qaybti u muhiimsanayd uu gaaray ayay soo saartay amar aan wax macne ah samaynayn , Ga,aankaas ayaa noqonaaya mid uu barito Cabdiwali Gaas ku fadeexadaynaayo oo uu leeyahay waxay i dul dhigeen in aannan deegaanadda Booqan oo safarkayga waxaan u waday in aan deegaanno kale booqdo balse cadaadiska Maamulka Madaxwayne Faroole ayaan u hakiyey , arintaas Cabdiwali Gaas waxa uu ku samayn bulsho badan oo ku kacda Madaxwayne Faroole xataa dad horay u aminsanaa in uu joogo oo sanadkiisa dhamaysto ayaa dhanka kale soo aaddaaya .
Waxaan oran Go,aanku waa soo baxay dhanka xukuumaddana dhibaato wax aan ahayn uma siyaadin dadka qaybtood kalsooniddi waa ka dhumiyey oo diumuqraaddiyeynta door hala siiyo haddi Maamulku shalayto ku lahaa maanta dadki soo dhowaynaayey yeeritaanka Xukuumadda Puntland arintaas way ka laabteen oo waxaana sabab u ah xildhibaanku dadkiisa ayuu booqanaayey musharaxna ma ahee maxay xukuumaddu dadka uga hor istaagaysaa .
Go,aanka la qaadanaayo ayaa inta badan dadka Siyaasiyiinta ahi ku eegaan labba dhinac oo ah siday dadku u arkayaan maxaase ka imaan karra , Balse Go,aankaas waxaa qaadan karra hoggaammiye Siyaasaddeed leh qorshe ugu dhowaan meel mar noqon kara lakiin haddi aad jabiso xeerer bulsheed dad deegaanno ku dhaqani samaysteen oo ku dhisan hab qabyaaladdeed kolkaas dadka waxaa isu keenay dareen qabyaaddeed in aad sidda aad doonayso ay noqotona waa mid adag Tusaale xukuumadda madaxwayne Faroole sanadki u dambeeyey ayay go,aamisay in dastuur la anxsixiyo oo haddana sanadkaas dabayaaqadiisa la sheego in axsaab siyaasaddeed la furaayo , ayna keensatay maddaama aan doorashaddu xilligeedka dhici karin iyadda oo nadaam xisbiyeed lagu galaayo ay ku darsatay sanad .
Waxaa kolkaas qof kasti iswaydiin afarti sanno maxay xukuumaddu uga soo shaqayn wayday barnaamijkaas si doorashadda xilligeeda xisbiyo loogu gallo ? jawaabtu waa xukuumaddu ma aysan rabin in isbadalkaasu dhaco ee waxay ugu soo gaban Muddo dherersigeeda oo ay u marayso hab musuqmaasuq.
Siyaasadaynta Cabdiwali Gaas:
Cabdiwali Gaas oo dhowaan ku soo biiray saaxadda siyaasadda hadda ka hor madaxwayne Faroole waxa uu u dhigay dibin siyaasaddeed oo Cabdiwali Gaas waxa uu iska qaatay in uu la dhinac noqdo kolki madaxwayne Faroole ay ka soo yeertay xildhibanadda beesha Khaatumo hala kala qaybiyo qaybtood ayaa Puntland joogta oo aan u doonaynaa saamigoodi , arintaas Gaas waxa uu ka istaagay dhanka doonitaanka Madaxwayne Faroole halka Madaxwayne Shariif uu ka baxay oo diiday .
Cabdiwali Gaas inkasta oo uu dhowaan siyaasadda soo galay haddana dusha waa ka daawan jiray xaaladda Soomaaliya iyo qaababka lagu gaaro doonitaanka xil sarre qabasho oo ah Soomaaliya ama Maamul Goboleed , kolkaas Cabdiwali Gaas uu la saftay dhanka Faroole waxa uu u arkaayey in uu hellaayo sadexda Xilödhibaan ee ka imaanaaya dhanka Puntland ee ka tirsan xildhibaanadda Beesha Khaatumo madaama uu yahay musharax madaxwayne-nimmo ee Soomaaliya , arintaas dadka Siyaasadda falanqeeyaa waxay u arkeen mid uu ku fududaadayey Madaxwayne Faroole oo isaggu qorshaynaayey in aan qof Reer Puntland madaxwayne hellina Gaas dhanka kale ayuu ka tusay waana u hoggaansamay .
Haddaba Gaas ayaa xilligaan la soo baxay Siyaasad runti la oran karo waa mid aad u saraysa malaha Cabdiwali Gaas marka ay cayaar siyaasaddeedku taagan tahay Maamulka Puntland lagamaba ridan karo oo dhankiisa ayay u badin, Cabdiwali Xilligaan waa xildhibaan waxa uuna bilaabay ololihiisa uu ku doonaayo Puntland in uu madaxwayne ka noqdo , Xukuumadda maadaxwayne Faroole arintaasu waa mid qorshaheedda dhabar jab ku ah oo meesha ka saaraysa in uu sanadka dheeriga ahi taabba gal noqdo balse ma ahan mid ay wax ka qaban karto oo xildhibaanka ma joojin karto waloow ay go,aan caro leh qaadatay balse aan waxba u qaban sababta oo ah go,aanka haddi uu imaan lahaa kolki uu Gaalkacayo ku sugnaa xukuumaddu awooddeeda ayay isticmaalaysaa ayaa la oran lahaa balse hadda warna raac xukuumadda Qorshe siyaasaddeedki Gaasna qayb muhiim ah ayaa meel martay oo ah in uu safarro galay .
Siddaan kor ku xusay Gaas waa xildhibaan runti xildhibaanimaddu ma ahan mid uu u yahay xildhibaan Boosaaso ama Baran ee waa xildhibaan Gobolka Mudug ka soo galay Balse siddaas xukuumadda Puntland uma sheegi karto sababta oo ah Puntland waxay ku dhisan tahay naddaam qaballi ah kolkaas Gobollada oo dhan waa mari karaa waa sidda uu u siyaasadaynayee safarkiisana waxa uu ku sheegi in uu yahay booqasho iyo in uu dadka xaaladdooda darsaayo ayna iswaraysanayaan.
Dhamayn
Amarka Xukuumadda madaxwayne Faroole hoggaammiyo ee haatan Puntland ka arimisa ay ku soo rogtay Cabdiwali Gaas waxa uu muujinayaa oo kaliya sidda Xukuumadda gabagabaddeedi ay dhowdahay ay usoo saarayso amaro aan wax ku ool u ahayn haddana soo dadajinaaya in qorshaheedu uusan dhamaad yeelan .
Akhriste marka la gaaro go,aan aan macne samaynayn saw kuuma soo baxayso ma awoodaan in ay sii joogaan madaxda Maamulka Puntland haatan ka arimiyaa balse waxaa dhici karta in ay khasaaro ka dhalato isku dhajinta kursiga oo sidda ay go,aankan oo kale u qaateen ay u qaataan kuwo qatartoodda leh oo keena isku dhac bulshadda Reer Puntland dhexdooda ah.
FG-Falanqayntu ma ahan Doonitaanka Qoraha !

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|