|
Maqaal:“ DAGAALLADII SOKEEYE IYO NABADEYNTA UMMADDA SOOMAALIYEED ”

“ DAGAALLADII SOKEEYE IYO NABADEYNTA UMMADDA SOOMAALIYEED ”
By dr. karani
LABAATAN sano iyo dheeri oo maskax burbur ah ayaa na soo maray, iyadoo wixii aan qarniyaal badan soo dhiseyneyna, aan si cagli la’aan ah isaga burburinney. Maantana dib ayaan u dhiseynaa wixii burburay, laakin sidey ila tahay, waa sahal in guri dumey dib loo dhisaa, iyadoo ay adag tahay in maskax Burburtay dib loo soo dhayo. Waxaa kaloo jira , in badan oon weli dhalanina iney ina dhaleeceyn doonto,markey ka ahkristaanTaariikhda qormeysa, sida aan wax yeellay oon ugu takrifalnay wixii ay iyagu naga dhaxli lahaayeen. Waxay ahayd inaan uga tagno caruurteenna Dal nabad ah oo horumar tiigsanaya, doonayana inuu Adduunweynaha kale la jaanqaado,dadkiisuna isjecel yahay oo ul iyo diirkeed oo kale wada yahay.
Sidaan dhammaan la soconno, ummad badan ayaa ku hoobatay dagaalkii sokeeyaha ee ka dhacay Dalkeenna, qaar kaloo bandanna badahaa liqay, qaar kalena lama- degaanka dalal shisheeye ayey gaajo ugu dhinteen miciin la’aan,welina qaar kale, ayaa qaxooti ahaan ku sii qulqulaya dibedda Dalkooda , iyagoo weli baadigoobaya nabad iyo nolol wanaagsan iyo ka reysashada Dalkooda hooyo.Waxaa kaloo jira, in dad kaloo badanina maanta ay ku sugan yihiin waalli dhab ah . Kam intee lagu arkayaa waddamada dibedda oo miyirkoodii qasmay, kam intee dalkeenna gudihiisa ku nool oo xaaladdooda caafimaad laga deyrinayaa, dhibaatadey ka soo mareen dagaalladii sokeeye awgeed!!!
Iyadoo arrimuhu sidaa yihiin , ayaa dhowaan waxaad ila mooddaa in dadweynaha soomaaliyeed ay u soo bidhaantay rajo nabadeed (oon cago sugan ku taagneyn) , isla markaana in badan oo ka mid ah qurbajoogta soomaaliyeed ay ku soo noqonayaan Dalkooda hooyo, iyagoo siyaabo kala duwan ugu soo noqonaya Dalka: Qaar waxay usoo hiloobeen Dalkooda, qaar kalena waxoogaa ay soo shaqeysteen ayey is leeyihiin ku maalgeliya dalkiina,qaar kalena madaxnimo iyo jagooyin ayey ka quud- darreynayaan Dawladda cusub ee Somaaliyeed.Waxaa ila fiicnaan lahayd in dadka gudaha iyo qurbajoogtuba iskaashadaan oo dhammaan lagu dadaalo sidii nabad waarta Dalkeenna looga curin lahaa, isla markaana loo tirtiri lahaa magaca xun oo inoo baxay oo ah , DAWLADDA SOOMAALIYEED OO FAASHIL AH= THE FAILED STATE OF SOMALIA.
Hadalkeyga waxa ku jirey iney wanaagsan tahay in guri dib loo dhiso , ee hallagu daro in maskaxdana dib loo dhayo, taasoo aan uga jeedo in mar haddii colaaddii iyo burburkii la doonayo in laga soo kabto,waa in si niyad sami ah loogu guntadaa, sidii loo hirgelin lahaa nabad waarta iyo midnimada ummadda iyadoo loo bisleynayo dadweynaha soomaaliyeed, meel kastoo ay joogaanba, in Nabaddu tahay asaaska nolosha banii’aandanka , taasoo la’aanteed aan la heli doonin horumar, nolol wacan iyo Dawladnimo soomaaliyeed.
Waxaan maqlay , in Dawladdihii hore ee kumeelgaarka ahaa mid kamid ahayd, iney abaabushey shirweyne looga hadlayey Dib-u-heshiisiinta soomaaliyeed iyadoo dhowr kun oo odayaal ah iyo wax garad kaloo badan dalka laga soo ururiyey taasoo ahayd bilow wanaagsan,laakin shirweynahaas xitaa go’aannadii laga soo saaray wax badan oo ka hirgalay ma jirin, isla markaana arrimihii laga dooday sidey u badnaayeen meeeshii ayaa looga tegey oo lama sii dabagelin , taasoo keentay inaan waxba laga soo qaadin arrimihii muddada dhan loo fadhiyey , waqtiga bandanna loo huray. Arrimaha nabadeyntu, waa Kuwo u baahan wacyigelin badan oo joogto ah iyo sabir badan.
 |
YAA KA QEYB KA QAADAN KARA DIB-U-HESHIISIINTA UMMADDA SOOMAALIYEED?
In badan oo ka mid ah mujtamaca soomaaliyeed ayey tahay iney xil wey iska saaraan, in arrinta aan kor ku tilmaamay ay wax ka qabtaan si loo helo ummad is-jecel oo isku duuban oo dooneysa in dadkeedu ku noolaado Dal xor ah iyo Dawladnimo waarta. Qeybaha aan is-leeyahay wax bey ka qaban karaan xir—gelinta, Dib-u-heshiisiin dhab ah,waxa ka mid ah:
1-DAWLADDA CUSUB EE SOOMAALIYEED IYO HEY’ADAHEEDA KALA DUWAN
Ugu horraan, Dawladda cusub ee soomaaliyeed waa iney noqotaa bud-dhigaha arrimaha la xiriira nabadeynta Dadweynaha soomaaliyeed iyadoo si joogta ah u dardar gelineysa GUDDIGA ISCAFISKA IYO DIB-U-HESHIISIINTA SOOMAALIYEED ee ku qoran Dastuurka cusub. Guddigaasi waa inuu yahay mid soo xusha dad doonaya in si dhab ah looga gungaaro arrimaha loo xilsaaray, waana in shuruucda iyo qaabka wax loo qabanayaaba yihiin kuwo si qota dheer looga fakarey. Waa in dhaqankii iyo kala dambeyntii caadada inoo ahaan jirtey dib loo soo ceshaa , si dadku u fahmo inaan la’aantooda waxba qabsoomeyn. Maanta sida runta ah, dhallinyarada ku nooleyd Dalkeenna labaatankii sano oo la soo dhaafay, ma arkin meel sharci iyo nidaamk ka jiro, taasoo ay sababtay Dawlad la’aantii ka jirtey Dalkeena iyo dagaalladii sokeeye |
oo muddada dheer soo jiitamayey. Waa in Dawladda lagu arkaa iney ku shaqeyneyso caddaalad iyo Dawlad wanaag,waana in la joojiyaa qabyaaladda salka ku heysa fitno abuuridda, taasoo soo dhoweyneysa colaaddii hore iyo burburkii la doonayey in dib looga soo kabto.
2-CULIMMADA SOOMAALIYEED
Qeybta labaad oo iyana Ilaah horti iyo nabadeynta ummadda iney isu-xilsaaraan ay tahay, waa Culimmada soomaaliyeed, kuwaasoo looga baahan yahay iney dadweynaha soomaaliyeed ka wacdiyaan soo noqoshada dhibaatooyinkii horay u dhacay oo kale,isla markaana ay tahay iney dadka Soomaaliyeed u sheegaan in laga toobadkeeno wixii horay loo geystey iyo in dadku is cafiyaan si dadweynaha somaaliyeed loogu abuuro qalbigooda in iscafisku fiican yahay sida diinteennuba noo tilmaameyso.
3- ISIMMADA IYO NABADOONNADA
Isimmada iyo nabadoonnada, iyagana sidoo kale ayaa looga baahan iney xilweyn iska saaraan sidii Dalkeenna dadkiisa loo nabadeyn lahaa. Iyagu haddaba, waa dadka u xilsaaran iney dad-weynaha iyo qabaa’ilka mashaakilka ka dhex dhaca iney xaliiyaan si nabad loo gaaro iyagoo sida Culimmada, Ilaah horti, qeyb weyn ka qaadan doona dib-u-nabadeynta ummadda soomaaliyeed.
4- URURRADA SIYAASADDA IYO SIYAASIINTA SOOMAALIYEED
Ururrada siyaasadda ayo axsaabta guud ahaan iyo siyaasiyiintuba waa iney wacyigelintooda iyo qoraalladooda ku darsadaan qeybta nabadeynta iyo ka soo kabashada colaadihii horay u dhacay.
5-FANNAANIINTA SOOMAALIYEED
Fannaaniinta , oo heesahooda dadka uga dhaadhicin doona waxa u dhexeeya Nabadda iyo colaadda iyo in colaaddu leedahay dib-u-dhac iyo dhibaatooyin adduun iyo kuwo aakhiroba.
6-HAWEENKA SOOMAALIYEED IYO URURRADOODA
Dumarka soomaaliyeed iyo ururrada ay leeyihin,iyaguna waxay qeyb weyn ka qaadan karaan nabadenyta dadweynaha guud ahaan. Golayaashii hanuuninta dadweynaha ayaa si fiican looga faa’ideysan karaa xirgelinta arrimaha dib-u-heshiisiinta .Waxaa kaloo xusid mudan in Haweenka Soomaaliyeed ay la kulmeen dhibaatooyinkii ugu darnaa muddadii uu socdey dagaalkii sokeeye,ayaga ayey ahaayeen kuwii caruurtooda iyo raggooduba ku dhimanayeen dagaallada,ayaga ayaa laga galay Dunuubtii ugu weyneyd ee banii’aadaannimo . Sidaa awgeed waa in ururrada haweenku, u istaagaan soo celinta nabadda Dadweynaha soomaaliyeed.
7- WARGEYSYADA ,WEEBABKA IYO TV YADA….
Wargeysyada , weebabka af soomaaliga lagu qoro,tv yada,raadiyaasha qeybahooda kala duwan iyaguna qeyb weyn ayey ka qaadan karaan arrimaha aan kor ku xusnay.
8- XARUMAHA WAXBARASHADA IYO DHALLINYARADA
Jaamicadaha, dugsiyada dalkoo idil,degmooyinka iyo gobolladaba ,tuulooyinka dadka deggan kd ,waa in wacyigelin hoogleh laga hirgeliyaa , iyadoo duruusta waxbarashadana lagu xusayo wixii dhacay dagaalkii sokeeye, muddadii uu socdey , dhibaata ka timid iyo burburka iyo Dawlad la’aanta inaku habsatey muddadaas dheerey iyo sida looga soo kaban karo oo u baahan muddo dheer iyo is-xilqaan xoog leh.
9- MAALQABEENKA SOOMAALIYEED
Maalqabeen soomaaliyeed oo badan ayaa hadda jira ,kuwaasoo qeyb weyn ka qaadan kara nabadeynta Dalkeena iyagoo isticmaalaya maalkooda. Waxaa kaloo iyagaas looga baahan yahay iney fahmaan iney dhaqaalahooda kobociisa u roontay , meel nabad ah oo lagu ganacsan karo oon colaad iyo dhibaato kale ka taagneyn.
10- QURBA-JOOGTA SOOMAALIYEED
Muddo dheer , ayey wax soo tarayeen intii karaankooda ah dadweynnaha soomaaliyeed, waxna la qeybsanayeen dadkooda dagaallada sakooye aafeeyeen. Maanta oo Ilaah mahaddi, nabadi soo bidhaameyso, waa iney weli dadkooda gudaha ku kaalmeeyaan sidii nabad degdeg ah loo gaari lahaa, Dalkuna u degi lahaa.Waxana dhab ah, kadib markey iyagu in badan ku soo noolaayeen dalal kale ,maanta iney garanayaan inaan Dal kale oon soomaaliya ahayn ,uusan weligood Dal u noqon doonin.
 |
HADDII intaa, aan kor ku soo xusay oo ka mid ah mujtamaca soomaaliyeed iyo inta kaloo ka sii badan oo aanan halkan ku xusuni, ay isugu tagaan nabadeynta Dalkeenna iyo Dadkiisaba, waxaan qabaa in muddo kadib laga biskoon doono , dibna loo soo dhayi doono dhaawaacyadii kala gaaray dadweynaha soomaaliyeed , iyadoo rajadu tahay in la helo bulsho isku kalsoon, isu-niyad san , aamminka isku qabta oo Dawlad sharaf leh wada abuuran karta. Arrimahaas oo dhammi waa kuwa aan Ilaaheenna weyn ka baryeyno inuu noo fududeeyo hirgelintooda .
DIB-U-FIDINTA FITNADA IYO COLAADAHA: Waxaan iyadana u arkaa iney muhim inoo tahay, in la joojiyo hadallada iyo qoraallada, loogu yeeri karo dib-u-fidinta colaadaha iyo fitno abuuridda, iyadoo nabadeyn iyo walaaltinnimo lagu dhex abuurayo dadweynaha, taasoo marar badan lagu dhex arko weebabka iyo hadallada madaxda qaarkeed iyo qoraallada kale ee af soomaaliga lagu qoro. |
Ugu dambeyntii , aan ALLAHA weyn ka barinno nabad waarta , mindnimo, Dawlad caadil ah kd. iyo madax wanaagsan oo karti nagu maamusha dhammaan.
Waxaa soo diyaariyey qoraalkan , Dr. C . KARANI
karani38@aol.com
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|