|
Maqaal:
“Pro. Maxmed Cusmaan Jawaari aqoonyahan ku haboon hogaanka Baarlmaanka cusub”
Ugaaska Beesha Reerow Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Cabdulaahi Ugaas Axmed oo ku magacdheer (Ugaas Moliid) ayaa ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen Pro. Jawaari iyo labadiisa ku xigeen, Ugaaska ayaa u diray hambaliyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ee cusub, isagoo shegay in Soomaaliya haatan si rasmi ah cagaheeda isugu taagtay, waa cusubina u baryay.
“waaynu ka gudubnay marxaladii kumeel-gaarka ahayd haatana waxaynu nahay qaran dib u hananaya sharaftii, karaamadii, iyo jiritaankii aynu ku lahayn gobolka iyo dunida inteeda kaleba” ayuu yiri Ugaas Moliid oo intaa raaciyay in howlo badani horyaalaan Profasorka iyo u xigeenadiisa, loogana baahan yahay inay uu ku dadaalaan daacad-nimo iyo caddaalad oo ah labo arimood oo ay ummadda maanta aad ugu baahantahay.
Ugaaska Beesha Reerow Xasan ayaa ugu baaqay sidoo kale Baarlamaanka cusub inay si hufan ula shaqeeyaan guddoomiye Jawaari si arimaha dhiman loo dhameystiro, “Waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay, waxaana u rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed dhibaatadii dheereeyd ee ay soo mareen in ilaahay ka dulqaadi doono, cabinet-ka qarankana waxaan ka codsanayaa in si daacad nimo iyo midnimo ku jirto ula shaqeeyaan guddoomiye Pro. Maxmed”.
Ugaaska ayaa ugu duceeyay in Ilaahay ka dhigo dowladda soo socota midii Soomaaliya ay uga baxeysay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo wajahay mudada dheer ayna ku diirsadaan, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay dalka Turkiga ee aanu walaalaha nahay ee hiil iyo hooba la garab istaagay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, beesha caalamka ayuu Ugaas Moliid sidoo kale ku sheegay inay haatan si hagar la’aan ahi ula shaqeyneso Soomaaliya, “Soomaalida waxaa looga baahanyahay dhankooda in ay u soo jeestaan sidii dib loogu yagleeli lahaa wadanka guud ahaan” ayuu ku daray.
“Ganacsatada Qurba joogta ah ee Soomaaliyeed iyo kuwa gudahaba waxaan ugu baaqayaa inay dalkooda maalgashi ku samayaan, lana shaqeyaan doladooda iyo dadkooda, wadan jacaylka waa qeyb diinta kamid ah ee dalkiina jeclaada oo camira” ayuu ugaaska carabka ku adkeeyay.
Abdusemed I. Ibrahim"
abdusemed114@gmail.com
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|