|
Maqaal: Zamzam,Waa Astaanteenoo Nafkaliya ah

Qalbiyada Wadaniyada ee qalalay ayey Qoyneysaa. waa Qaran,waa Qalbi dhisa oo marka ay Ordeysaa uma Tartameyso Nafteedee, Dalkey ku Difaaceysaa, Wadnaheeda Wadaniyadaa dhex Ceegaagto, Calanka korkaa gee ayaa u muuqda, Rajabeel Indhaheedu ma arkaan oo waa Guul sido, Daafaca Sharafta Dalka waa u duuban tahay oo Waa Astaanteenoo Nafkaliya ah.
Zamzam Maxamed Faarax Maalintii dhagaheedu maqleen loona Caleema saaray in ay Dalkeeda u orodo ayey laabteeda burqatay, guuxii wadaniyadeed ee ay lasoo garaadsatay balse u weysay meel iyo madal ay ugu gudbiso shacabkeeda balan balka ku jira ee Been hawaas iyo bala abuur shisheeya wata iyo mid silic u dhimay sokeeyaha ay u tashadeen.
Masarka dushiisey ku xiratay Calanka isagoo shantiisii xidig leh si ay Foolka ruuxii ka eegaba ugu salinto in ay tahay Sahmiyaha nabada, soo sara kicinta wadaniyada silac curyaantay ee seeraha dalkeena iyo wadamada caalamka ku sumowday.
Kolka seexa loo kaco mooyee inta kale wuxuu ugu xiran yahay foolka oo wajigeeda wuxuu bixinayaa iney tahay Halyey Xaawo Taako oo Nool oo waxaa dhex qaaday laabteeda macaanka Wadaniyada oo Qabyaalad iyo Goboleysi iyo Afar iyo Ber ma qaado laabteeda, waxeyna u hamuun qabtaa Jamhuuriyadeeda oo mida lehna Dowlad kaliyana in ay dhex Hurudo.
Markii Halyey Cabdi Bille yiri Calanka qaad waa tii Ilmeysay oo Diiday in Halyeyga wadaniyada ku gaamurtay ee aan 20-kii sano wixii qasjiray qalbi samo iyo duca un uhayey umadiisa Cabdi Bille oo jooga in aysan Calanka Baluugleey qaado balse markii lagu qanciyey sharciyad deg dega oo aysan hore usii sheegin Gudiga Olombikada Soomaaliyeed waa tii markii ay Calanka qaaday ruuxdeeda oo dhami aysan meeshaba joojin, sacabkaa iyo damaashaadkaa iyo Maamuus wixii dhacayey uma muuqan iyadu niyadeeda waxey soo jirtay Dalkii Hooyo, waxeyna Calanka u siday sidii Halyeygii Xalane dagaalkii 1964 oo hadii madfac kastaa kusoo dhaco masiideyseen Midnimada Gacanteeda ku jirta. qalaama rogadka Boqorada Ingiriiska iyo Jaah ku faankeedii bandhiga waxaa Zamzam ka qarinayey wixii Waalidkeed uga sheekeeyeen in ay Soomaali aheyd ee Cudud, iyo Midnimo taasoo ay hiigsaneyso.
Meelkasta oo ay tagto iyo markastoy la hadleyso umada soomaaliyeed waxey u sheegeysaa in ay guuleysan doonaan iyada iyo Maxamed Xasan difaacayaana Calanka Soomaaliyeed, waxey leedahay wadankeyga wuu soo laabtay, wadankeyga sidii hore maahan, dalkeyga waa Dalkeyga, anigana cagteydaan ku daafacayaa.
Si kastooy u aragtay dhal dhalaalka Yurub ee ay rag u dhashay hore u dhisteen kumey dawaqin Zamzam Maamed Farax oo waa wadnaheedii oo sii adkeystay kuna weynaatay Wadaniyadii, waana tan keentay in ay wadada geeskeeda markii ay soo afrxirantay Xaflad loo sameeyey labadooda inta is heyn weysay ku qaaday Heeskan ay la ilmeeyeen intii daawatay, oo ku toooseen niyadihii dhintay ee Dal kaquuska joogay.
Dhulkeygoow, kii leygu dhalayow ku dhaqaaq bartow.
Kaa Dhoofi maayee, dhan kaloo Qalaad ku han dhaafsan maayee.
Inta aanan Dhiman, ley kaa dhex galinee,
Dhaar waxaan ku marayaa inaan kuu dhintaayoo kaa dhiciya cadowgee.
(http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=9H2L3uIwPQA)
Zamzam Oradyahanad kaliya uma ahan umada soomaaliyeed ee waxey noqoneysaa Astaan dhalinta Colaada ku hanaqaaday iyo dhamaan umada soomaaliyeed ay daba istaagaan qalbiga ay buuxiyeen jaceylka dhulka iyo shacabka ay ku hogaamiso halka midowga iyo wadajirkeena uu ku xasilaayo taasoo ah Calanka Shanta gees ee u xiran Curdunka dheeman ah ee 20 sano kadib usoo dhalatay umadeena kala waaba waabowday ee midkasta Calan siloon iyo caada qaate u kala martiyey.
Maxamed Barre Xaaji (Fiyoore)
Qoraa iyo Saxafi
Fiyoore@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|