Somali News
    Hees  

Maqaal: DUMMARKU DAWLAD MA HOGGAAMINKARAN?

intii aanay diinta islaamku imnaan waxaa jiray dumar hayn jiray madaxnimada boqqortootooyinka waddammo badan, qaarkamid ahna waaxaaba sicad usheegay quraanka. sida BALQIISA boqqoradaas oo quraanku si xeel dheer ooga faalooday xukunkeedii. quraanku madurin . mana ceebayn xukinkii BALQIISA. laakiin waxuu ooga hadalay hab iyo hanaan taariikheed. PURE HISTORY ,waxaa kale oojira,KIILOBATRA, ooboqoorad kahayd wadanka masar. xiliggii diinta islamku timid waxay tariikh yahmiintu isku raacsan yihiin in ay ahayd markii aadamigu oogu liitay dhinac kasta, marka lagga eeggo xagga cilmigga cadaaldda akhlaqda, iyo maamulka guud, iyo xuquuqdda aadamiga, waxaanba la orankaraa waagaas waxaa xorriyad iyo dadninmo haystay dad yar oo tirsan, sida boqqorrada iyo ragga diinta, saas darteed ayaa waxaa loo gu yeeraa,,QARNIYADII MADOOBAA,,DARK AGES,, hadaba arinkaas waxaa marrar badan tilmaan ka bixiyay quraanka, ooah isha oogu muhimsan ee aan kaxiggan karro tarriikhi xiligii jaahiliga ama islamka ka hor, dumarku dhaxal looma ogalayn, dhalashadoodana laguma farxi jirin , waana la aasi jiray markay dhashaan, xaladaha sugnaaday ee canka baxay waxa oogu muhimsan kuwaas,

ISBADDALKII ISLAAMKA

waxaan shaki ju jirin in islamku dumarka siiyay kaalin sare, waxuuna islamku tirtiray caadooyinkii ka horeeyay islaamka , kuwaas oo dumarku ahaayeen wax lamid ah adoon raggo leeyahya, waxase wali jira dad ku dhagan in aanay dumarku qaban karin hogganka dawlda, dadkaasna waxay ku doodeen xaddiiss nabiga laga wariyay ooahaa ,,DUUL DUMAR TALO UDHIIBTAY MALIIBAANAAN,, xadiiskaas ooah ubucda diidmada dumarka in ay qabtaan xil dawladnimo, saas ooay tahay, ayaa waddammada muslimka qaar kamid ah waxa dastuurraddoodda ku qeexeen in madax waynuhu noqdo nin, halkaasna loogga reebay dumarkii in ay u tartamaan madaxtinimmada, wadadamaddasna waxa kamid ah soomaaliya, laakiin waxaa jira waddamo kale oo muslim ah kuwaas ooka duwan kuwii hore, waddamaddas waxay ubadan yihiin wadamada aan ku hadlin afka carabiga, ama aan carabta ahayn, afrata wadan ee muslimka oogu dadka badan waxaa soo hoggamiyay dumar, waxayna kalyihiin..

PAKISTAN, oo ah wadankii ugu horeeyay ee muslim ah oo quf dumar ah hogaamiso sanadii 1988, ilaa 1990 markii hore, markii 2baadna waxay ahayd 1993 ilaa 1996, wadanka labaad waxuu ahaa, TURKEY,waxaana hoggamin jirtay haweeneey magaceeda la yiriaahdo,Tansu Ēiller, waxay wasiirka kobbad kanoqotay ama Raii,sul wasaare dalka tURKEY 1993, ILAA 1996, intaas kahor waxay sooqabtay xilal kal duwan sida wasirrka arimaha dibada, kuxigeenka raiisul wasaaraha, waxaa kale oojira wadanka

BANAGALADESH, in ay ka noqotay haweeneey ra,iisul wasaare, hawaynaydaas waxaa laggu magacaabaa, Sheikh Hasina , waxayna xilka haysay intii u dhaxaysay,23 June 1996 - 15 July 2001, BANGLADESH, waa wadanka 7baad ee aduuunka oogu dadka badan, waxaa jira ookale dalka INDONESIA, ooah dalka muslimka oogu dadka badan in haweeneey ay madax wayne kanoqotay, sannaduu 2001 ilaamaa 2004, ha waynaydaas Maxaa lagu magacaabaa.

MEGAWATI SUKARNO PUTRI,, hadaba dadka soomaaliyeed waxaa looga baahanyhay in dastuurka lagu daro in dumarku qaban karaan xilka madaxwaynaha dalka, ayadoo laga faa iidaysanayo waayo aragnimada waddammada muslimka ah , waxaan shaki ku jirin in waddammadaas ay ka fiican yihiin kuwa carabtaa ee ragga kaliya uxirantahay xilka madaxnimada dawlada, waxaa kale ooloo baahan yahay in xadiiska loo hello micno kaduwan kan hada loo micneeyo , iyada oolaraacayo duruufihii jiray xiligii iyo goortii xadiiska lawariyay ooan meel kaliya wax loo jahayn ee labalaariyo arinkaas,

MOHAMED ABDI IBRAHIM
waafi@hotmail.it

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)