|
Maqaal: Yaa Cadoow-ga Puntland ah ? W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog

Hadalhaynta Puntland ayaa xiligaan ah kuwaasu waa cadoow iyo isagga ayaa cadoow ah ,shacabka haatan la nool dareenka Puntlander-nimadda ayaa dareemadaan labada dhinac ah lakala nool . Marka laga hadlaayo Puntland-ti 1998.di ayaa xiligaan dadkeedu u kala qaybsan yihiin sadex nooc .
1: Kuwo taagan waanu ahaan jiray balse hadda Maamulo kale ayaan samaysanay namana khusayso Puntland iyo xaaladeedu , Sanad baa lagu darsaday iyo dagmooyin baa laga tagay iyagga ayay ku gaar tahay.
2: Kuwo leh xiligaan xisbiyo lama wajihi karo , Xukuumadda Puntland haatan taladeeda haysana xiligeedu waxa uu ku egyahay 08-01-2013 , Doorashadana xiligeeda waa in la qabtaa , Sanad baan ku darsadayna kama yeelayno .
3: Puntland waala dimuqraadiyayn oo nadaamka Qabyaaladda ayay rabaan kuwa diidani ,Madaxwayne Faroolena Sanadka waa mudan yahay Garowe & Gaalkacayo ayuu laba shir ku qabtay , Road-map-ka xubin firfircoon ayuu ka ahaa ,Puntland-na horumar ayuu gaarsiiyay .
Hordhac
Falanqayntayda Maanta ayaan ku eegayaa Yaa Cadoow-ga Puntland ah ?inta badan waxaa ay dood difaacooda tahay kooxda sadexaad oo Maamulka Madaxwayne Faroole ka qayb yahay , waxayna ugu yeeraan Siyaasigi hadla waa cadoowga Puntland , Suxufigo sameeya Barnaamij doodeed lagu falanqeeyo xaaladda Puntland isnna waa mid ka mid ah cadoowyadda Puntland , Marka shacabka laga yimaado Xukuumadda Madaxwayne Faroole iyadda waa afkeeda kuwaasu waa cadoow , waxay khatar ku yihiin Amniga , unama dulqaadanayno , Haddaba aniga oo qalinka dabadiisa hayaa waxaan isku dayi awooday in aan falanqeeyo cadoow-ga Puntland anniga oo soo xigsanaaya dhacdooyin xaqiiqda ku salaysan.
Cadoow siyaasadeed Maamul ka arimiya Deegaano hab dawladeed samaystay oo dadka deegaankaasu ku midoobeen waxa ugu qatar badan kooxda markaas talladda haysa haday ku sifoowdo kaligartenimo , Tallo wadaag la,aan, Caburin iyo Musuqmaasuq ku sii joogid kursiga oo ah saadaal siyaasadeed la naawilo oo uu naawilo Madaxa markaas maamulka hogaaminayaa saadaashaas ayaa noqonaysaa sidaan haddaad u dhigto Muddo waad sii hayn Xilka,Sawirashadaasu waxay sii qatar badnaanaysaa marka uu Hogaanku jabiyo hab xeer bini aadameedki ay bulshadaasu ku heshiisay , Tusaale Axdiga Bulshada Maamulkaas samaysatay waxa uu dhigayaa 4-sanno in uu wakhtiga hay,aaddaha maamulku yahay , haday jabiyaan oo ay iyaggu samaystaan mid kale oo wakhtiga ugu dareeya waa mid sharci daro ah dhibaatona horseed u ah .
Maamulka :
Waxa dhacday madaxda Maamulka Puntland ee xiligaan dabayaaqadi wakhtigooda ku jira Marki ay yimaadeen ay Puntland ka soo ifbaxeen Maamulo cusub oo laga samaynaayo deegaanaddi Puntland-ti 1998-di , Mar Xildhibaan ka tirsan gollaha Baarlamaanka Puntland uu soo jeedin ay qayb ka tahay arintaan kala yaacidu uu usoo jeediyay Madaxwyanaha Puntland kulan su,aallo lagu waydiinaayay fadhiga Baarlamaanka waxa uu yiri Xildhibaankaasu Madaxwayne maxaa kaaga qorshaysan Maamuladda cusub ee dhashaay iyo daldaloolo kale oo xukuumadda lagu eedeeyo , Madaxwyanaha Puntland ayay dhibtay arintaasu waxa uuna ugu jawaabay in uu yiraahdo "Qof nacas ah ayaad tahay waana kugu aqaan nacasnimadda " Runti jawaabtaanu waa mid aan ahayn munaasib waxayna cadaynaysaa in Madaxwaynaha Puntland xiligaan joogaa yahay mid Kaligarte kaligitaliye ah , Haddi aan cidi su,aal waydiin karin madaxwaynaha waliba xildhibaan oo uu aflagaado kaga jawaabaayo hadde markaas sida uu u rabo uun ayuu ka fakarayaa in ay meel martona waa mid uu wax walba u samaynaayo .
Madaxwayne Faroole Waxa uu u wajahay Jabhaddi SSC ee dadka deegaanadda ay magaceeda wadato samaysteen ee ay dhaheen waxanu ka shaqayn difaaca iyo dib u soo celinta deegaano Mamaulka Somaliland hayso kana tirsan Puntland dastuuri ahaan , Waxa uu maamulku ugu yeeray in ay yihiin Argagixiso ,Isaggi waa Mamaulka Madaxwayne Faroole hogaamiyee waxa uusan samayn isku day dib usoo celin Magaaladda Laasacaanood ee Puntland ka tirsan , Arintaan ah qaabka uu u wajahay jabhaddi SSC ee ahayd waa kuwo qatar ku ah Soomaaliya [Argagixiso ] ayaa saababtay in ay deegaanadaasu samaystaan Maamulka Khaatumo , Khaatumo markay timi waxa uu ugu yeeray waa qaswadayaal cadoowga Puntland ah , Akhriste hadde haddi uusan Madaxwayne Faroole wax qorshe Siyaasadeed ah oo ku aadan midnimadda Puntland iyo isku haynta uusan hayn markaas dadku way tashan , Taasu waxay muujinaysaa cadoownimadda Maamulka iyo in uu yahay dhibaatadda Puntland.
Maamulka Madaxwayne Faroole waxa uu xabsiyadda u taxaabay qof kasta oo ka hadla xaaladda Puntland ee dalka Jooga sida Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan oo ilaa hadda xiran , Bille Qaboowsade oo Muddo lix bilood ah xabsiga Boosaaso ku dhexjiray , Sidoo kale waxa uu Madaxwayne Faroole hanjabaado warbaahinta u mariyaa cid kasta oo ka hadli rabtay xaaladda Puntland ee gudaha joogta si aysan u hadlin waa uu u goodiyaa , Arinkaan yaan la hadlinta ah waxay cadayn u tahay caburinta Maamulku ku hayo dadka , in uu dadka caburiyo waa dhabaha uu u maraayo saadaal sooyaal siyaasadeedkiisa oo ah in uu Madaxwayne Faroole xilka sii hayo sanadka uu ku darsaday , shan sanno oo kalena ku shubto oo dhaho Xisbiga taladda haya ayaa ku guulaystay doorashadi .
Waxa uu jabiyay Axdigii Puntland maamulka Taladda hayaa oo waxa uu samaystay sanad dheeri ah oo uu yiri waxaal ooga danleeyahay dardar galinta iyo dhamaystirka dimuqraadiyaynta Puntland , Waxaa iswaydiin mudan Puntland waa in ay qaadataa Nadaam-ka axsaabta ee ah in dadku ay doortaan xisbiga ay rabaa sidaas darteed waa in Mamaulka sanad loogu daraa haddi kale Dimuqraadiyayntu waa fashilmaysaa saw uma ekaanayso annaga mooyee cid kale maba samayn karto arintaan.
Waantoobid la,aan ,Maamulka haatan Puntland ka arimiyaa waa mid u taagan ilaa wali Kuwaasu waa qaswadayaal waana cadoowga Puntland [Khaatumo Iwm] Haddaba waa argagixiso , Waa caodow , miyay soo celiyeen Midnimadda Puntland ? Mayee wayba sii kala yaacin oo nuqsaamida ay Nuqsaantay Puntland waa mid la naawilaayo in ay sii socoto sababta oo ah Maamulku uma muuqdo mid aan dhibka dadka ka daynayn.
Mucaaradka Puntland-ta aminsan:
Mucaaradka Puntland-ta aminsani waa kuwo soo bandhiga in ay Puntland u baahan tahay badbaadin ,badbaaditaas oo ay koow ka tahay in doorashada xiligeeda la qabto oo aan lagu darsan , arintaas haddusan maamulku samayna ay noqonayso mid horay usii qaada dhibka haatan taagan ee ay ka mid yihiin in Mamaulo cusub looga dhawaaqo deeganaada Puntland .
Dooda mucaaradka ayaa ah in ay tahay arin aan meel mar noqon karin in Maamulka xiligaan ka arimiya Puntland burburtay uu dhaho waxaan ku howlanahay Dimuqraadiyaynta , Arintaas waxay mucaaradku ku macneeyeen in ay tahay mid isjeclaysiin kursiga asalkeedu yahay looguna soo dhuumanaayo Dimuqraadiyay , waxay ku doodeen xagay taal dimuqraadiyaynta la leeyahay Laasacaanood ayaa ii dastuuri ah haddana ma joogo , Siday macquul u tahay in uu qaato sanad dheeri ah oo lagu xusay Dastuur ka dambeeyay doorashadi Madaxda haatan tallada haysa.
Maamuladda Cusub .
Shacabka iyo siyaasiyiinta Maamuladda Cusub samaystay iyaggu saamayn kuma lahan xiligaan waxayna ku doodaan in ay ka soogudbeen marxaladda ah Puntlander-nimadda , Sidaas darteedna noogama fura wax aan ahayn daris wanagasanaan halagu wada noolaado , sidoo kale waxa ay sheegaan marka ay ka jawaabayaan Su,aasha ah maxaad Puntland uga tagteen , Mar aan dhagaystay Madaxwayne Axmed Karaasha waxa uu kaga jawaabay in ay u arkeen dib u dhac in ay ku tahay ku sii jirida Puntland deeganaada haatan Khaatumo la dhaho sidoo kale uu Maamulka Puntland ku talagalkiisu yahay in deeganada SSC sida ay xiligi Puntland ka ariminaysay ahaayeen ay waligood ahaadaan.
Marxaladda xiligaan ee Puntland door kuma lahan dadka iyaggu sheegay in ay Maamulo kale samaysteen ahna wax aan qarsoonayn , meeshana kaga bixi karin in loogu yeero waa argagixiso iyo waa Cadoowga Puntland in ay ku sii bulaalaan ma ahane oraadka Mamaulka Puntland waxba uma dhimaayo.
Yaa Cadoow-ga Puntland ah ?
Cadoowga Puntland waxa ah Maamulka haatan tallada haya waa Falanqaynteeyda dhanka aan eeda u jeedinaayo maxaan eeda dusha uga tuuray Maamulka Puntland haatan ka arimiya , Tusaalayaasha kore waa kuwo kala saaraaya cadoowga Puntland qof ah kan uu yahay , Akhriste Hadaad tahay Puntland-der jecel in Puntland jirto waa in aad iswaydiisaa inta aan halka sare ku soo xusay in ay tahay kuwo jira iyo kuw aan jirin , Waxaad markaas isbarbardhiga ku samaysaa , labadda aragtiyood ee Maamulka iyo Mucaaradka.
Isbrabardhigaagu ha ahaado mid ay kugu dhaliso rabitaankaaga Puntlander-nimo ,kolkaas waa in ay kuu soo baxdaa yaa cadoow ah ? Waxaad iswaydiisaa Mamulku haatan jira oo ku fashilmay isu keenidu maxuu haatan qaban doonaa ? ma in uu dhaho waa Dimuqraadiyayn Puntland wakhtigana waan kororsaday ayaa soo celinaysa deegaanada Dastirga Puntland u ah [Khaatumo iwm] , Maamulka Midnimadi lumiyay miyaa samayn kara Dumuqraadiyayn dadka Puntland-ti 1998-di ?
Qofka shacabka ah ee maanta taageersan Maamulka haatan taladda haya ee leh Sanadka halo daayo , Garowe iyo Galakacayo ayaa laba shir ka dhaceene waa qof isagu ah cadoowga Puntland sababta oo ah isaggu maba yaqaan dareenkaan Siyaasadeed ee uu la noolyahay [Puntland] waxyaabaha Burburkeeda horseedka u ah noqon kara , dabcan in hadda burbur jiro waa mid muuqata balse in aadba waydo wax Puntland la dhaho ayay u muuqataa in aad taageerayso ! Miyaadan ahayn qof rajo ka leh Puntland oo midaysan ? miyaadan ahayn qof aan ka quusan in uu Puntland-ti 1998-di la aasaasay uu arko ?
Maamulka Madaxwayne Faroole waa cadoowga Koowaad ee ay Puntland leedahay Sooyaal taariikheedka ayaa muujinaaya arintaas , Hab dhaqankiisa ayaa sababay in deegaano Puntland ah Maamulo loo sameeyo , Hab dhaqankiisa siyaasadeed ayaa sababay in ganacsato badani Puntland ka tagaan , Caburintiisu waa tan ay u xiran yihiin Siyaasiyiin yiri sidaan ma ahan sida samuhu yahay , Markaas Akhriste waxay ila tahay waxaad sugtaaba waa dhamaadka .
Dimuqraadiuyaynta yaan la fashilin , sanadka iyo qorsha maamulka yaan la carqaladayn waa aragtida keenaysa dhibaatada Puntland , waxaa eedeeda yeelanaaya oo taariikhdu ku xusaysaa Madaxda haatan Puntland joogta ee ku xadgudubtay Xeerarki u yaalay Puntland .
Mamaulka Fashilmay ee midnimadi ku fashilmay , Maamulka Fashilmay ee ku fashilmay sida uu bulshada ula dhaqmay ee ah waad hadashay waa lagu xirayaa , Sanadkaagu waa mid aan macquul ahayn ma xarig ayay mudan tahay, Waxaa cad in cadoowga Puntland yahay Maamulka haatan talada haya .
Dhamayn
Adigu Puntland ayaad danaynaysaa eeMaamulka iyo Puntland kala saar , way dhaawacan taye doonitaankaaga doorkiisa cayaar .... Haddaad Maamulka hadda Jira ee guuldaraystay danaynayso adiga Cadoow isku ah [Puntlander]!!! Ma ahan iswaydiinta soo kormaraysaa Dimuqraadiyayn iyo awood siyaasadeed ku qaybsasho Qabyaalad , balse iswaydiinta teeda koowaad waa Wakhtigaagi dhamaa ee doorashadu xiligeeda ha qabsoonto ha qabsoonto ! dabcan Maamulka haatan tallada hayaa way u cadahay in uu san soo noqonay sababta oo ah waa og yahay Fashilkiisa balse sii joogidiisa ayuu ku dabaqay Dimuqraadiyayn iyo annaga ayaa wadna dadka diidanina waa kuwo cadoow ah.

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|