|
Faallo: Warbaahinta Somalida maxay ka qortay Fadeexadii ka dhalatay heshiiski Kenya iyo Shariif Xasan iyo Cabdiweli Gaas
Warbaahinta Somalia ayaa sanadba sanadka ka sii danbeeya si hormaraysa waxaana sanadihi ugu danbeyay ay ku tilaabsanayeen hormar dhanka dabagaalada Wararka sirta ah.
30/08/2012 waxaa xili galabnimo ah ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Adan Cade Airport ee Magaalada Muqdisho diyaarad u saranyahay Madaxa Sirdoonka Wadanka Kenya waxaa una si gooni ah kulan qaas ah ula yeeshay Afhayeenki hore ee Barlamanka Kenya Shariif Xasan Sh. Adan oo asagana xiligaas ku sugna Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Mudisho.
Kulankaan oo qatay mudo kobaan ayaa waxan si rasmi ah lo ogayn waxaa rasmiga ah ee loga wada hadlay ayaado shakigaas tagan yahay ayaa waxaa diyaaradi uu la socday Taliyaha Sirdoonka Wadanka Kenya dib ula labtay Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Wadanka Kenya iyo Afhayeenka hore ee Barlamanka Somalia Shariif Xasan Sh.Adan.
Kadib marki diyaaradi siday Masuliyintaas ay so cagadhigatay Madaarka Joma Kenya Airport ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa Shariif Xasan iyo taliyihii Ciidamada Sirdoonka Wadanka Kenya ay si toos ah u abaareen Hoyga R/wasaaraha Wadanka Kenya Raila Odinga halkaas oo ay ku sugnayeen Raila Odinga iyo Siyaasiga Ilyaas Barre Shill oo ah Lataliyaha Raila Odinga ee Arimaha Somalia islamarkana qayb weyn ka ah Qorshaha Kenya ay kula waregayso Badda Somalia.
Kulanka Masuliyiinta oo ahaa mid ay Albaabadu u xiranyihiin islamarkana ay adkeyd in saxaafada fursad ay ku soo tabiyaan waxaa meshaasi ka dhacay la siiyo ayaa waxaa ino suragaashay in aan xogtaan ka helno mid ka mid ah Xoghaynada Masuliyiinti Shirkaas ka qaybgalaysay islamarkana diiday in magaciisa la soo xigto sababo u ku shegay dhanka amankisa ayaa waxaa uu ino shegay in kulankaasi Dowlada Kenya Shariif Xasan u soo jeedisay in uu taageerayaasha u ku leyahay Barlamanka Somalia ku wareejiyo Cabdiweli Gaas oo horay kenya ay kula heshiisay in ay ka dhigayso Madaxweynaha Somalia ka dib marki uu saxiix ugu jiday hadi uu noqdo Madaxweynaha Somalia in aan mardanbe laga wada hadli doonin Shidaalka ay kenya ka qodonayso Badda Somalia.
Warar kala duwaan ayaa ka sobaxaya waxa uu ku dhamaday Kullanki Shariif Xasan iyo Madaxda Kenya wararka qaar waxaay shegayaan in Shariif Xasan oo Cadaadis kala kulmaya Taageereyaashisa ku jira Barlamanka oo aan ayagu ku qanacsanayd in lagu gorgortamo badda Somalia u qabsaday in la siiyo mudo 3 casho ah si uu uga soo dhaadhiciyo taagereyaashiisa halka warar kale ay sheegayaan in shariif Xasan Ogoladay Heshiiskaas islamarkana uu qalanka ku duugay.
Caqabada ugu horeysa ee heshiiskaas oo wajihi doonta wa xubnaha Cusub ee Barlamanka Somalia oo ka duwaan kuwi hore marka laga eego dhanka dhaqaalaha dhanka aqoonta iyo waliba dhanka wadaniyada waxaayna u badan yihiin qurbajoog dibadaha ku soo dalay oo daneynaya in Wadanka Somalia mar un lugihiisa uu isku taago.
Kenya ayaa horaay ugu fashilantay labo isku day oo sidan oo kale ah waxana mida kowaad ay ahayd Heshiiska Isfahanka aha ee barlamanka Somalia u laalay 2010 ki ayado isku daygi labaad uu aha Kullan ay la qadatay R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Farmaajo inti uu ku sugna Wadanka Kenya ee uu musharaxa ahaa waxaayna u balanqaday in ay ka dhigayso Madaxweynaha Somalia hadi uu u saxiixo in marka uu noqdo Madaxweynaha Somalia usan ka hadli doonin Arinta muranka bada Somalia iyo Kenya waxaana arinkaas si cad uga biyo diiday R/wasaarihi hore ee Somalia Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo.
Damaca Kenya ay ka leedahay Badan Somalia ayaa ah mid dhaqaale waxaana ku garabtaagan inta badan wadamada ku midobay Ururka Barwaqosooranka Adunka waxaana wadamadaasi ugu firfircoon oo toos faraha arinkaan ugula jirta Dowlada Norway.
Qaybta hoose Waxaad ka dalacaan kartaan Sida ay Fadeexadaan Warbaahinta Somalia wax uga qortay
Website Name Warbaahinta http://www.jowhar.com/
Ciwaanka Warka : Shariif Xasan Shiikh Aden oo Nairobi u jooga sidii uu ugu fasixi lahaa Kenya qodida shidaalka xeebaha Soomaliya
Links http://www.jowhar.com/news.php?readmore=2185
Website Name Warbaahinta http://www.raxanreeb.com/
Ciwaanka Warka : Shariif Xasan oo Safar Deg Deg ah ku Jooga Nairobi Iyo Qorshaha Safarkiisa oo Warar Hordhac ah Ka Soo Baxayaan (Sir Culus)
Links : http://www.raxanreeb.com/2012/08/shariif-xasan-oo-safar-deg-deg-ah-ku-jooga-nairobi-iyo-qorshaha-safarkiisa-oo-warar-hordhac-ah-ka-soo-baxayaan-sir-culus
Website Name Warbaahinta http://www.somaliweyn.com
Ciwaanka Warka : Madax ka tirsan Dowladdii KMG iyo Kenya oo magaalada Nairobi uga furmay shir xasaasi ah (Maxay ka hadlayaan?)
Links : http://www.somaliweyn.com/pages/news/Aug_12/30Aug15.html
Website Name: Warbaahinta http://www.kismaayo24.com/
Ciwaanka Warka : Shir guddoonka baarlamaanka oo lagu wado in gacanta loo geliyo nuqulo ka mid ah heshiiskii dhexmaray dowladda Kenya & musharax Cabdiweli
Links: http://kismaayo24.com/?p=43009x
Website Name Warbaahinta http://www.dayniile.com/
Ciwaanka Warka: Kenya oo C/wali gaas kula heshiisay in ay Madaxweyne ka dhigto isagana uu u saxiixo Badda Soomaaliya
Links: http://www.dayniile.com/
Website Name Idaacada Kulmiye www.kulmiyenews.com (http://www.kulmiyenews.com/
Ciwaaanka Warka : War sir ah"Murankii bada Soomalia oo la soo nooleynayo.
Links : http://www.kulmiyenews.com/?nid=9294
Website Name Warbaahinta Shaaciye http://www.shaaciye.com/
Ciwaanka Warka: Kenya oo faraha la soo gashay arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (Shariifka& Gaas Maxay Nairobi u tageen).
Links: http://shaaciye.com/?nid=6989
Website Name : Warbaahinta www.wehelmedi.com/
Ciwaanka Warka : Maxaad kala socota heshiiska dhexmaray Cabdiweli gaas iyo Kenya
Links : http://wehelmedia.com/maxaad-kala-socotaa-heshiis-dhexmaray-cabdiweli-gaas-kenya-warbixin.html
Website Name Warbaahinta www.allssc.com/
Ciwaanka Warka : Sharif Sakiin oo Kenya Looga Yeeray iyo Kenya oo Ina Gaas u iibinaysa Codadkii Shariif Sakiin Barlamanka Ku Soo Darsadey
Links: http://allssc.com/2012/08/sharif-xassan-kenya-looga-yeeray-iyo-kenya-oo-cweli-gaas-u-iibinaysa-codadkii-shariif-xassan/
-------------------------------------------------
Maxamed Cabdilahi Muuse
Warbaahinta@aol.com
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|