Somali News
    Hees  

Maqaal: INTA AADAN QORIN QIIMEE

(Naqdin maqaalkii cinwaankiisu ahaa : Xasan Shire iyo xaq darada uu ka galayo suxufiyiinta soomaaliyeed).

Suxufiyiinta Soomaaliyeed 22-kii sano ee bur burka iyo dowlad la'aanta waxey noqdeen bar tilmaameed si gaar ah loo baacsado, iyadoo sanadkan 2012 uu yahay kii ugu xumaa ee abid soo mara taariikhda saxaafada soomaaliya, 9 - kii bilood ee lasoo dhaafay 16 wariye ayaa la dilay iyadoo mid kamid ah sida xoolaha oo kale loo qalay taas oo si cad u muujineysa cadaawada xooga leh ee loo hayo suxufiyiinta soomaaliyeed, 12 kalana waa la dhaawacay.

Dhibaatada heysata Suxufiyiinta Soomaaliyeed waa mid u baahan in loo wada istaago, waxaase nasiib daro in rabitaan shakhsiyadeed oo laab lakac ku dhisan si ka fiirsasho la'aan ah loogu weeraro shakhsi muhiim u ah suxufiyiinta Soomaaliyeed una sahli lahaa wax badan oo ka maqan
Maqaalkii Cinwaankiisu ahaa Xasan shir iyo Xaq darada uu ka galayo suxufiyiinta soomaaliyeed ma aha mid xambaarsan codka suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaana oran karnaa waa mid lagu hor istaagayo samata bixintooda iyo waliba u hiilintooda maadaama la doonayo in hab khaldan ee been abuur ah lagu xiro wadadii ay u mari lahaayeen gaaritaanka guushooda iyo difaacida sharaftooda.

Dr. xasan shire sheekh waa halyey mudan in loogu hambalyeeyo wax qabadkiisa muuqda ee ku aadan u doodida xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, isagoo waliba saaxiib gaar ah la'ah aadna ugu dhow suxufiyiinta Soomaaliyeed, wax badan oo uu awoodana ku caawiyay haatana u taagan sidii ay ugu bixi lahaayeen xaaladan adag ee soo wajahday.

Dr. Xasan shire laga soo bilaabo Gudoomiye nimadiisii hay'da xuquuqda aadanada ee Dr. Ismail jima'ale , hay'ada isku xirka nabada iyo xuquuqda aadanaha iyo waliba haatan oo uu madax u yahay hay'ada difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee geeska iyo bariga Africa oo ay ku mideysan yiihiin 9 dal dal wuxuu si toos ah ugu dhex milnaa suxufiyiinta soomaaliyeed taas oo u horseeday in uu la socdo xaalada suxufiyiinta isla markaana uu noqdo qofka ugu horeeya ee ka jawaaba dhibaatooyinka soo wajaha.

Marka aad qof wax ka sheegeysid waa in aad soo bandhigtaa cadeymo muujinaya in ay xaqiiq yihiin waxa aad soo sheegeysid , laakiin hadii aad tiraahdid FIIRI LINKI - gaan XASAN SHIRE OO KA HADLAYA DILALKA SUXUFIYIINTA taasi sow adiga nasiib daro kuguma aha sababtoo ah Dr. xasan shire waajib ayey ku tahay in uu ka hadlo dilalka lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed

caalamkana u gudbiyo dhibaatada xanuunka iyo murugada badan ee dul saaran suxufiyiinta soomaaliyeed. cudur daar iyo raali gelin ayaan ka bixineynaa gefkii iyo meel ka dhacii loo geystay Dr. xasan Shire waxaana leenahay sii wad dadaalkaada ku aadan u hiilinta suxufiyiinta soomaaliyeed., dhinaca kale Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa lagu gudboon in ay hurdada ka kacaan isla markaana midoobaan si ay u helaan taageero dhinacyo badan leh oo ay ugu muhiimsan tahay difaacida naftooda khaaliga ah.

Suxufiyiin fara badan oo ku kala nool Kampala ( UGANDA ), Nairobi( KENYA ) , Dalka gudihiisa iyo waliba caalamka dacaladiisa oo ayaa xushmad iyo sharaf weyn kuu haya abaalka aad u gashayna ilowsaneyn sidaa darteed eedeyn hadaaqid ku dhisan oo ka timid suxufi aan Qaangaar aheyn ma dhiiqeyn karto dadaalkaada sida dayax 15 ah u muuqda cid walbana ay ka dharegsan tahay, suxufiyiinta soomaaliyeed oo isku duuban ayaana ku leh Dr. Xasan shire taariikhda ayaa ku xusi doonta, waxaana gaba gabadii leeyahay qoraha maqaalkii dulmiga , gar darada iyo been abuurka xambaarsanaa INTA AADAN QORIN QIIMEE.
Qalinkii Qoraa sare.

muse mohamed Osman.
muusekiimiko@gmail.com

Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga  

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)