|
Maqaal: Ma dhabbaa mise dhalanteed in dhabaha dhib ka bixida Soomaalidu qabsaday?
Soomaaliya oo ah dal 22-Sanno dadkiisu baahi dawladeed qabay ayaa dhowr shir oo banaanka Soomaaliya lagu qabtay lagu soo dhisay dawlado KMG loogu magac daray , dawladahaas qaybahoodi hay,addo dawladeed ayaa ahaa kuwo hogaankooda sare lagu qaybsado hab qaybsiga 4.5 ,Dawaldahaas oo kala wakhti iyo kala wacyi ahaa ayaan midoodna wax wanaaga oo la taaban karo keenin , Haddaba qormadaydan waxaan ku eegi Maxaa wax san u diiday in ay sameeyaan ?
Dawlad:
Bini aadamku waxa uu u baahan yahay in uu yeesho hogaan Siyaasi ah oo ku suntan hab dawladeed hoggaamiyayaal kala duwan oo hay addo dawladeed yeesha si hanaankaas dawladeed uga shaqeeyo xal u helida baahi bini,aadameedka ku hareeraysan bulshada dal ku dhaqan Tusaale in dawladu ka shaqayso , barbaarinta Bulshada , u dhisida shacabka goobo Waxbarasho ,Ruggo Caafimaad , ka shaqaynta wadooyinka dadku adeegsadaan , u kaydinta biyo nadiif ah , Shaqo abuurid Iwm waa sababta keenta in dawlad la yeesho balse waxaa ka horeeya in ay jiraan dad leh hab fakar curineed ah sidi loo xalin lahaa dhibka jira ee xalka u baahan oo iyaggu dhibaatada dareemaaya Tusaale haddi Magalaada aad ku nooshahay aysan lahayn Ceel biyood mufakar dhibkaas xalkeeda keena waa in uu jiraa si baahidaas looga baxo oo biyo loo hello dhamaan dadku ka faa,iidaystaan.
Baahiyadaas dhulal kala duwan ka jira ayaa meel kasta oo Bulsho ku nooshahay ay baahidoodaas xalkeedu yahay in dadku yeeshaan hogaan siyaasi ah oo ku astaysan hanaan dawladeed oo noocyo kala duwan iyo mabaadii ku xiran Waxyi garashada fahankeeda lagu dabaqo iyo caqlaawiyad aan ku xirayn waxyi oo marka hore ah dad aan aminsanayn awooda Alle[SW] ama haysan diinta dhabta ah, waxaa jirta iyadduna dad Muslimiin ah oo haddana yeesha dawlado ku shaqeeya mabaadii aan waxyiga sal ku lahayn .
Soomaalida iyo dawladnimada:
Haddaba dadka Soomaaliyeed oo ahaa dad xoolo dhaqato ah dabankoodu lanna noolaa dareenka ah ku midoobida oday dhintay oo la isku urursado noqdana halka midnimadu ahaanayso aysana markaas dadki joogay lahayn fikir curiyayaal dhisa hab dawli ah oo leh hogaan siyaasadeed oo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed danahooda ka shaqeeya ayaa ka gadaal gumayste ka tagiddi laba dhul Soomaaliyeed oo iyaggu waa Gumaysta-hee kala haysteen ay ka kaceen waxa curtay dal Soomaaliyeed dadkiisuna ay dhisteen hanaan dawladeed oo ku astaysan Mabaadii lagu xusay in ay la jaanqaadayaan caqiidada bulshada Soomaaliyeed , Waxaa bilatay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliyeed oo leh hanaan dawli ah yeelatayna hay,addo dawladeed oo kala duwan .
Hogaanki Siyaasiga ahaa ee hayay taladda dalka ee dawlada madaxda ka noqday waxay kala saari waayeen Mabaadiidi la rabay in ay hana qaado iyo dareenki dadku la noolaayeen ee Qabyaaladda waxaa is dhex galay qabyaaladi iyo dawladnimadi , Markaas waxa meesha ka baxay waxyaabihi dawladnimada laga rabay ee ay ugu horaysay Barbaarinta bulshada oo lagu barbaariyo midnimo salkeedu yahay Qaran-nimmo iyo islaamnimo oo leh hab u dhaqaaqid tabcasho iyo horumar ka gaarid baahida jirta ee bulshadu qabto ee arimaha bulshadu kow ka yihiin .
Muddo sagaal sanno ah marki ay jirtay waxaa dhacay in dalka ay la wareegaan Askarti markaas joogtay waxaa 21-Oct-1969 dalku gacanta u galay hogaan siyaasi ah oo aminsan mabaadii ah Hantiwadaag , XKHS majara u qabashadiisi hogaaminta dadka waxaa soo muuqday yididiilo ah barbaarin bulsheed lagu barbaarinaayo mabaadii ku astaysan Qaranimo iyo qowmiyad Soomaaliyeed oo mid noqota , Tabcasho iyo isgarabsi , dhisida Ruggaha lagu xaliyo baahi bini ,aadameedka sida Caafimaadka , waxbarashada iyo goobaha Shaqaalaha dawladu ku adeegaan .
Jamhuuriyada Soomaaliya waxay noqotay dal u muuqda mid horumar dadkiisu samaynayaa , hogaanki XKHS waxa uu yeeshay himagalin leh yool cad oo dadka aan mugdi kaga jirin ayna ku dhiiranayaan in ay garab istaagaan , waana midda Soomaaliya ay u gaartay heer wanaagsan ayna muddo kooban isbadal dhab ahi uga soo muuqday .
Ciladda XKHS ka hor istaagtay sii xaqiijinta himilooyinka uu arkayay hogaanki markaas talada yahay waxay noqotay Kalitalisnimo caqlaawiyadeed ,Tusaale mabaadii diinta ka fog u gafidna samaynaaya haddu doono haddana kalitalis ah waxaa ka faa,iidaystay oo halkaas usoo maray iyagga oo qabyaaladdu u tahay dhabaha meel marinta aragtidooda Siyaasiyiin leh han ah hogaaminta dalka Soomaaliya ,Shiyuukh Shuucinimada diidan dhankooda waa jireen waloow aysan awood lahayn markaas balse guux hoose leh .
1977- Dagaalki uu XKHS ku hogaamiyay Soomaaliya inay Ethiopia la gasho dagaal si loo xaqiijiyo himilada ah Soomaalida wayn waxay keentay in awoodihi ciidan iyo middi barbaarin bulsheedba ay dhantaasho waxaa jiidaha hore ee dagaalka isuggu tagay Saraakiil hamigoodu yahay waa in aan talada la wareegno , Ilaalo xog doon oo XKHS leeyahay saraakiil badan waa eersatay oo waa la dilay wixi xiligaas ka dambeeyay XKHS waxa uu ku joogay awood ah in shacabka la cabsi galiyo halka marki hore uu kalsooni qabay Kalsoonidi waa yaraatay ahayd in uu Bulshadaan mustaqabalka dheer hogaamiyo horumarna gaarsiiyo .
Taladi fara ka baxday Jabhaddihi dalka midba gees ka soo gashay , Barbaarinti ay dhankooda wadeen Jabhadduhu miraheedi la guray ,laba qof oo Soomaali ah oo Muslimiin ahi isu dishay nin dhintay oo noocee ah ayaad ku xiran tahay ood aminsan tahay , aan usoo dhaadhaco wakhtiga la joogo iyo halka wax u socdaan sidaan qabo.
Sagaal sanno ka dib waxaa Soomaaliya dawlad KMG ah loogu soo dhisay dalka Jabuuti sanadku markuu ahaa 2,000 waxaana lagu asteeyay in awood qaybsiga dawladnimada lagu sunto 4.5 oo qabyaaladda laga doono xalka , dawladaas kMG ahayd wakhtigeedi dhamaa waxna ma qaban saa awalba lagama filayn dawlad qabyaalad ku dhisan oo 4.5 awood qaybsigeedu yahay in ay wax qabato bulshaduse miiciin moode .
Marka kale iyo Kenya 2004 waxaa Soomaaliya haddana loo soo dhisay DKMG ah tii horena ka wakhti dheer 4.5-ti Federalism ayaa markaan lagu soo daray iyanna wakhtigeedi dhamaa wax qabad iyo isbadalna warkiis daa . Jabuuti iyo kol kale DKMG ah waatan hadda xiligeedu dhamaaday Al shabaab la dagaalankeeda ayay ku dhamaysatay dhibki bulshada haystayna waa sidiisi in wax ku sii kordhaan ma ahe wax is dhimid ma leh .
Qaran-nimo :
Asalka dawladnimada marka la samaynaayo sida culimo islaam iyo kuwo caqlaawiyiin aan caqiido lahayn ah waxay isku raaceen in dawaldnimadu mabaadiida ay ku dhisantaa noqdaan kuwo laba nooc ah midkood oo ku kala astaysan Qaranimo iyo islaamnimo isla jaan qaada iyo mid ku dhisan Qaranimo iyo caqlaawiyad aan waxyi aminsanayn labaduba waxay xaqiijiyaan himilooyinka bulshadu doonayso ee ah baahi xalin bulsheed.
Qaran-nimo iyo islaam-nimo:
Qaran waa sidaan qabbo aragti bini,aadameed macnaheedu yahay shacab dhul wada dagan oo qowmiyad ah dawlada iyo dadka oo wada socda ilaaliyana danaha dadka dhulkaas dagan magaca loogu yeero wadankaas dadkiisa iyo dawladooda ayaa Qaran ah , Qaranimo iyo Islaamnimo waa hanaan dawladeed oo mabaadiida ay ku dhisan tahay ay tahay ilaalinta danaha dadka iyo dhulka iyo isku xakunka shareecada islaamka oo halka loo xakuntamaayo noqoto Kitaabka Quraanka ah iyo ku barbaarinta Bulshadaa in ay ka muuqato shacaa,irta Islaamka madaama ay dad muslimiin ah yihiin , tacbashada iyo midnimaduna tahay sida baahida looga bixi karo.
Qaran-nimo iyo caqlaawiyad :
Qaranimadu waa sidaan horay u qeexay aragtidayda Qaranimo ku dhisan mabaadii caqlaawiyad ah waa sida caalamku hadda u badan yahay , waana ilaalinta dahana dadka iyo dalkaas iyo ku barbaarinta Caqlaawiyiinta dadkaasu waxay fakareen Tusaale in dimuqraadiyada dadka lagu barbaariyo in hantiwadaag lagu barbaariyo waa aragtiyo kala duwan mufakar kastina qabo in sidaan horumarka lagu gaaro laguna xaliyo baahi bini, ,aadameedka bii,adaas ka jirta , caalamka kalena laga doono in ay ku daydaan habka mabaadiidaas oo ay qaataan.
Maxaa dhibta ma ahee dheefta u diiday dawladnimada Soomaalida xiligaan:
Haddaan kor ku sheegay in dawladnimadu ku dhisanto laba arimood markaas waxaa cad in Soomaaliya aysan hayn xiligaan dhaba dawladnimo yeelashada oo ilaalisa qaranimada jamhuuriyada Soomaaliya , DKMG ahayd iyo midan haatan la leeyahay waa mid rasmi ah waxay noqonayaan dhamaantood kuwi hore iyo tan soo socotaaba sidaan qabo kuwo aan waxba isdoorin Tusaale Xildhibaanka ku yimaada nadaamka 4.5-tu waa mid u jooga Baarlamaanka in uu u adeego danaha koox odayeedkiisa mana ahan mid qaranimo ka fakari kara sababta oo ah waxa uu ku fakaraa/Fakartaa Xubinta baarlamaaniga ahi sidi ay mar kale usoo noqon lahayd haddaba xilbidhaabka 4.5 ku jooga waa in uu qanciyaa koox odayeedka uu magacooda ku yimi meesha sidee ku qancin karaa kooxda uu magacooda matalo ? Waa in uu koox odayeedka uu ka tirsan yahay rag ka mid ah ku daraa shaqaale dawladeedka taas ayaa u noqonaysa mid uu mudnaan ku helo lana dhaho waa halyay markaas waxa ay xusul duub u galayaan sidi mid kasta oo xildhibaan ahi uu shaqaale dawladeedkaas kooxdiisa wax uga raadin lahaa meeshana waxaa ka baxaysa in uu ka fakaro arimo Qaran .
Haddi hay,addi dawladeed ee Xeer dajinta iyo ka tashiga hanaanka dawladnimo iyo meel marintiisu ay noqotay mid ku sifoowday in ay dano kala duwan oo koox odayeedsan ka shaqeeyaan ma jirayso hay ad kale oo dawladeed oo iyaddu samaanaysa , waa sababaha keenay in DKMG ahaa ee Soomaaliya loo soo dhisaayay aysan waxba qaban dhibkuna horay usii socdo.
Xiligaan oo ay jirto himagalin faaruq ah oo bulshada ay ugu baaqaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwooda xil doonka ahi ayaan oran karaa waa waxba kama jiraan halka la isu tilmaamaayo wax kasti waxay u socdaan sidi hore , Aqriste hadaad maqashay dastuur ayay Soomaaliya yeelatay , dastuurku waa heshiis ay isla qaataan dad loo igmado in ay qoraan hab dawladeedka dal ku dhaqmaayo lakiin marka hore waa in dastuurku yahay midka muujinaaya habka awood qaybsiga Siyaasiyiinta dalka tusaale waa in uu xuso Hab xisbiyo siyaasadeed oo loolama kii guulaystaana uu talada dalka qabto xiliga loo igmadayna uu hayo, Waxaan ognahay in ay dastuurkeena ku xusan tahay balse ma jirto awoodqaybsigaasu markaas waxaan oranaynaa nadaamka dawladeed ee Soomaaliya mid hore iyo midaan soo socota waa 4.5 , Dastuurkuna waa wax qoran lakiin ma dhaqan gali karo .
Maxaa dhaqan galkiisa diidaaya ? Waxaa marka horeba is diidasan oo aan isu soo dhowaan karin siyaasiyiinta meel marinaaya dareenka qabyaaladaysan Tusaale waxaa la yiri Soomaaliya waa Federal waxaan ognahay in Madaxwayne Shariif uu tigreetooyin ku magacaabay gudoomiyayaal Gobol ,Federal iyo tigreeto gudoomiye gobol ma ahan wax is qaata taasu waxay cadaynaysaa in waxa qoran iyo hab dhaqanku uusan is lahayn , Siyaasi Federal doon ah iyo mid diide ahi isqabqabsigooda waxaa keenay xalki oo qabyaaladda laga dayay.
Waxaynu arintaas ku xaqiijinaynaa marka horese aan xuso bulshada waala hagaa waxaa lagu hagaa siyaasada oo salkeedu yahay hanaanka dawliga ah , Bulsho kasti waxay noqon sida ay tahay siyaasada dalkooda lagu jihaynaayo Tusaale Soomaalidu in ay xumaato oo dad is dila oo is neceb noqdaan waxaa dhaliyay siyaasada guracan oo qabyaalad ku dhisan , in dalal horumaraan waxaa dhaliyay siyaasad samaan leh oo bulshada barbaarin wanaagsan ku hagta , In 4.5-ta iyo Federal madaxa laysu galiyay ay is-haysashada keenayaan waxaan ku xaqiijin aragtidayda siyaasiga leh hanka siyaasadeed waxa uu adeegsan qabyaalad sababta oo ah dalki ayaa nadaamkiisa awood qaybsi yahay 4.5 marki Federal ayaynu noqonay ay inna dhaheen waxaynu aragnay in siyaasi kasti xaafadiisa tagay oo calan u tagay maxuu ninkaanu calanka u taagan weeyay hadda ka hor weeye iswaydiintu , Hadda nadaamka ayaa sidaas ah oo Federal qabyaaladaysan ayaynu qaadanay , Maxuu calanka u taaganayaa aynu raacino ? Calanka waxa uu u taagan waa halka uu u maraayo saaxada siyaasada dastuurka ama axdi qarameedka ayaa qaba Federal siyaasigana Federal-ku waa u xaafadiisa sababta oo ah waa arkaa in dhamaan siyaasiyiintu qaabkaas u socdaan ceeb kaligiis kuma lahe lakiin dhamaan jihadaas wada aade dalkuna burburkiisi horay usii qaad bulshada been loo sheeg .
In xiligaan Isbadal soo muuqdo waa mid sidaan qabo aan jirin sababta oo ah ma jirto dawald Soomaaliyeed oo ku dhismaysa mabaadii , dawladnimadu in ay mabaadii ka bilaabato haddi aan taasu jirina aysan macquul ahayn in horumar la sameeyo dhibna laga baxo waxaa Tusaale ah oo iswaydiin mudan Sagaal sanno 1960-1969 oo Soomaaliya ku jirtay dawlad isdoorasho oo shacabku wax doortaan lakiin aan mabaadii ku dhisnayn waa tan sababtay in aan wax isbadal ah Soomaalidu samayn sagaalkaas sanno , toddoba Sanno oo mabaadii dawlad ku dhisan ay jirtay 1970-1977 dalka Soomaaliya dadkiisu waxay xaqiijiyeen himilooyin badan oo la xiriira dhanka arimo bulsheedka iyo dhisida dawlad adag iyo barbaarin bulsheed , Haddabe Aqriste kuwo hore [1960-1969 ] ee siyaasiyiinta ah iyo kuwa dambe [1970-1977] waxay ku kala duwan yihiin kuwo hore waa kuwo kala saari waayay qabyaaladi iyo dawladdi halkaas waxaa ku dhumay dawladnimo mabda ku socota nooca uu doono ha ahaadee , halka Kacaanku uu ahaa mabadii markaasn uu la yimi himagalin iyo hagid bareer ah oo leh tusaalayn dhibka jira taas ayay ku kala duwanaadeen.
Dhowaan waxaynu sugaynaa doorasho madaxwayne waxaa imanaayaa Madaxwayne & R/wasaaare waxay kala noqon laba kala aminsan Nadaam dawlad Federal qabyaaladeed & nadaam dawlad midaysan , isqabqabsigoodu waa mid mar kasta taaganaanaaya sababta oo ah ma ahan koox leh hogaan siyaasadeed iyo howl ay qabtaan oo ay ku midaysan yihiin wixi ugu sareeyay ee ahaa nadaamka la qaadanaayo ayayba ku kala aragti duwan yihiin waa halka wax laga bilaabo lagama soo boodi kara halkaas waan ku kala duwanahay ee aan wax kale qabanona ma dhici karto , in Madaxwayne iyo R/wasaare kala aragti ahi yimaadaan waxaa keenaaya 4.5-ta waa in uu taas tixgaliyo madaxwaynuhu oo uu keeno R/wasaare aan fikirkiisa qabin ilayn waala dheeli tirayaa sidaysan u dhicine , 4.5 ayaa anniga qalinka haysta ii sahashay in aan ogaado inaysan imaanayn Madaxwayne iyo R/wasaare isku dhinac ahi oo laba is-haystaa soo socdaan inta sidaan lagu jirana uu xaalku sidaas ahaanayo.
Dadka Soomaaliyeed:
Siyaasadu marka ay noqoto mid aan mabaadii ku dhisnay dadku waxay ay noqonayaan maalinba maalinta ka dambaysa kuwo damiirkoodu sii dhinto , damiirka marka aan leyahay waa u damqashada danahooda , danaheenu waa dalnimadeena iyo ka feejignaanta cadowga siyaasiga ah ee banaanka ka imaanaaya ,arintaasu inay dhacday oo damiirka dadka Soomaaliyeed uu sii dhimanaayo siyaasadaas qabyaaladaysanina ay dilayso aan tusaaleeyo. Soomaalidu 2006-di intooda badan waxaa ay ka qaylinayeen ciidmaada Ethiopian-ka ah ee iska soo galay dalka Soomaaliya oo ay dadku u arkeen ciidamo dal Soomaaliya cadoowgiisa ah oo dhul horay uga qaatay dagaalo soo jireenana dhex mareen , arintaas ah ka xasaasiyadoodka Ethiopianka qalbiyadda dadka Soomaaliyeed waa ka baxday maanta waxaan ognahay in ciidamada Ethiopia iyo Kenya ay iska soo galeen maxaa maanta loo qaylin wayaay damqashadaasu waa dhimatay waxaad mar dhibsato mar labaad ma dhibsato ama ka gaashaamatay ama ku caadayste oo ka hadalkeeda daysay waa shacabkee .
Tusaale kale oo isna qatar badan oo la xiriira wax aad u damqan jirtay balse maanta lagaa suuliyay adna aminayn waa Sheekh tukubka kor u qaada oo dhaha xalku dhinac kale ma jiri karo Kitaabkan ayaan tijaabo ku jirin shacabkana ku himagaliya Shariif ayaa kaaga tusaale ah miyaad yeelaysaa jawaabtaadu waa Shariifba arkay iyo yuu qaldaaya ama war diinta hanoogu soo gaban , shacabka in ay iswaydiiyaan lagama filaayo kaasu waa xumaan karaa ee xumaanta qofkaas saamaynteedu yaysan noqon waxaad shalay rabtay mid kaa qaada sababta oo ah shacabka waala hagaa haddi dareen qabyaaladeed bulsho la nool ay tahayna hagayaashu waa tiro beel siyaasiyiintu waa kuwo aan xisaab lahayn darajada ugu saraysaana waa in uu yahay nin xariif ku ah kasbashada Ganacsatada iyo hogaan dhaqameedka koox odayeedkiisa waa laacib siyaasadeed wayn ninka sifahaas leh dal Soomaaliya oo kale ah .
Damaca Kenya ee ah shidaal ka baarashada Badda Soomaaliya miyaad aragtay shacabka Sooomaaliyeed oo ka gilgishay waa arin dhab ah in Kenya ay leedahay damaca noocaas ah oo ay shirkado shidaal baarayaal ah heshiisyo la gashay Siyaasiyiinta aysan dhibayn Soomaalinimaduna dan kama leh qaybtood iyagaaba u saxiixay haddana rabba in ay u dhamastiraan heshiisyadaas kana shaqaynaaya taabagal-nimada heshiiskaas meeyay shacabka Soomaaliyeed damqashadaasu dhimatay Siyaasada qabyaaladaysan ee qalalashaha joogtaysan leh ayaa halkaas salkeedu yahay haddana way sii socotaa .
Waxaan dhowraa waa haddi sidaan wax u socdaan shacabka soomaaliyeed oo leh maxaa dhib ah haddaan Adis Abbaba iyo Nairobi hoos tagno oo aad nayaayiro bido waa shacabkee asalkeenaba Ethiopian ayaynu ahayn, haddii la waayay shacab ay dhibto soo galida Ciidmaada dariska ee cadowga ah , la waayay shacab ay dhibto damaca Kenya ee dalkeena ku aadan u malayn maayo mustaqbalka dhow iyo kan fogba in shacabka Soomalaiyeed gaaraan inaysan dhibin Adis Abbaba oo Boosaaso, Barbara iyo Baydhabo la hoos geeyo.
Dhamayn:
Waxaan ku soo idlayn inta 4.5 ay nadaamkeena awood qaybsi tahay Federalka qabyaaladeedna la innogu daray haba ka filan wanaag iyo isfahan siyaasadeed , koox hogaamineed isku aragti ah oo masraxa siyaasada yimaada waa lama dhowraan , burburkuna horay waa usii socon damaca darisku waa mid isa soo tarayaa maalinba maalinta ka dambaysa , halkaan ku jahaysanahay waa halkaas sidaan qabo dhamaadkeeduna waa dhuminta dal Soomaaliyeed oo caalamka calankiisu ka dul heehaabo, jawaabta cinwaanka qormadu waa, waa dhalanteed in aan dhabaha dhib ka bixida qaadnay ka sii darid ma ahane ka soo raanay ha saadaashan in ta sidan wax u socdaan .

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|