|
Aragti: Maamulka Puntland iyo Saxaafadda yaa u Garniqi doona!!!!
Maamulka Puntland iyo Saxaafadda yaa u Garniqi doona!!!!
Allah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Warfaafinta Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu khatarta badan ee ay ka howl galaan wariyeyaal marka loo eego dal burbursan oo aysan ka jirin dowladda awood badan leh.
Markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Maxamed Siyaad 1991dii Allaah u naxariistee, waxaa la bilaabay in la hirgeliyo warbaahin xor ah, Warbaahinta goboladda Waqooyi Bari ee haatan la magaca baxay Puntland waxa ay nasiib u yeesheen in laga furo Idaacadii saddexaad ee ka hirgashay gudaha dalka Soomaaliya.
taasi oo laga hirgeliyey Magaaladda Galkacyo, furitaankeediina ay iska kaashadeen Aqoonyahano u dhashay gobolka Mudug iyo rag dhalinyaro markaas Saxaafadda ku soo biiray.
Radio Galkacyo ayaa nasiib u yeeshay in uu noqdo Idaacadii Saddexaad ee ka hirgashay Soomaaliya, marka laga reebo Radio Mogadishu iyo Radio Hargeysia.
Intaas ka dib wakhtiba wakhtiga ka dambeeyay waxaa soo badanayey warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ka hirgalyey degaanadii la oran jiray Waqooyi Bari, balse 1998dii dhistay Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Wargeyska Kaaha Bari ee ka soo baxa Bosaso,ayaa noqday wargeyskii ugu horeyay, wax yar ka dib burburkii dowladii Siyaad Barre la hirgeliyey, iyadda oo ragii asaasay qaar ka mid ah ay ii sheegeen in ay asaaska wargeyskaasi ay ka mareen dhib badan.
C/rashiid Gelle oo ah Suxufi rug cadaada ah oo in badan ku soo jiray Warbaahinta Soomaalida balse hadda ku nool dalka Mareykanka ayaa mar aanu dhawaan ku kulmay Bosaso ii sheegay in saan qaadka warbaahinta Puntland uu yahay mid ay aad u soo dhaweynayaan mudo dhowr sanno ah ka dib.
Horumarka Saxaafadda
Waxaa laga hirgeliyey Magaalooyinka waa weyn ee Puntland Idaacaddo,Tvyo iyo weliba Wargeyso madax banaan iyo kuwa dowladda u shaqeeya ah oo intooda badan ay leeyihiin Qurba joog reer Puntland ah, kuwaas oo u furan siyaabo kala duwan qaar waxaa loo furay qaab ganacsi halka kuwa kalena ay u furan yihiin dhiiro gelinta arimaha bulshadda.
C/fitaax Jaamac Mire oo ka tirsan Wariyeyaashii ugu horeyay ee ka howl galay Puntland ayaa ii sheegay in ay haatan dareemayaan in Saxaafadda Puntland sameyeysay horumar balse uu jiro cabsi iyo cadaadis dheeraad ah oo ay la kulmayeen Saxaafadda saddexdii sanno ee ugu dambeeysay.
Dilalka iyo Xariga Saxaafadda Puntland
Tan iyo intii uu madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Sheikh Maxamed Faroole uu la wareegay xukunka Madaxweynaha sanadkii 2009kii waxaa soo badnayey dhibaatooyinka loo geysto Saxaafadda, qaar waa la dilay,qaarna xariga iyo hanjabaado soo laab laabtay darteed ayeey Puntland uga tageen.
Madaxweynaha ma helin rag kala taliya Saxaafadda waayo mar walba waxaa soo baxayey in Madaxweyne Faroole loo tusay in saxaafadu tahay cadow, taasina waxa ay muujisay hadaladda inta badan uu jeediyo madaxweynaha,marna lagama maqlin isaga oo sheegaya in uu ka shaqeynayo dhiiro gelinta Saxaafadda, balse waxa uu mar walba ku cel celiyaa in Saxaafadda tahay mid mudan in la xiro. Video halkan ka daawo.
Waxaa sanadkaan gudihiisa 2012, mar keliya lagu dilay Magaaladda Galkacyo Allaah u naxariistee Wariyeyaal magac iyo sharaf ku dhex lahaa shacabka Puntland Cali Axmed Cabdi, iyo weliba Farxaan Jeemis Cabdule kuwaas oo dadkii dilay aan illa iyo hadda dowladda aysan soo qaban.
Waxaa sido kale dhaawacyo lagu geystay Magaalooyinka Bosaso iyo galkacyo wariyeyaal halkaas ka howlgalyey, Bosaso waxaa lagu dhaawacay Xasan Fantastik oo ka tirsanaa Idaacadda Codka Nabadda, iyadda oo Galkacyo dhaawac loogu geystay Wariye Xoriyo Cabduqaadir.
dhaawaca iyo dilka loo geystay suxufiyiintaas dowladda Puntland marna iskuma dayin in ay sharciga keento dadkii ka dambeeyay dhibaateynta Saxaafadda, in ay soo qabto iska dhaafe waxa ay xarig, caga jugleyn iyo weliba Masaafurin ugu hanjabeen wariyaal badan.
Wariyaashii lagu xiray Puntland
30-March 2009 waxaa maxkamadda ku taal Bosaso ay xabsi laba sanno ah si deg deg ah ku jiro ku riday Wariye Jaamac Ayaanle Feyte, balse markii dambe waxaa lagu sii daayey cafis Madaxweyne, Jaamac waxa uu isaga tagay Gudaha Puntland isaga oo markii dambe u wareegay dalka Kenya.
21.12.2009 saqdii dhexe waxaa gurigiisa lagu dhacay Wariye Maxamed Yaasiin Isxaaq wakiilkii VOAda ee Galkacyo, isaga oo qoyskiisa la hurda, mudo badan ka dib waxaa dhowr jeer la geeyay isaga oo maxbuus ah Galkacyo,Bosaso iyo weliba Garowe halkaas oo markii la hayey ka dib la sii daayey.
31.Dec.2010 waxaa isaga xabsi laga sii daayey Wariye Yusuf Cali Aadan oo ka tirsanaa bahda Saxaafadda gobolka Bari, ka dib markii mudo dhowr bilood ah uu ku xirnaa xabsiga Bosaso, taasina waxa ay timi ka dib markii loo arkay in Yusuf ku xiran yahay qaab sharci daro ah.
Sabti, September 04, 2010 waxaa xabsigii ugu dheera lagu xukumay C/fitaax Jaamac Mire oo ahaa Agaasimihii Idaacadda Horseed Media, balse dhowr bilood ka dib ayaa xabsiga laga sii daayey,iyadda oo lagu xiray Bosaso ayaa xilligaas waxaa si weyn xarigiisa uga hadlay dhammaan saxaafadda caalamka,ururadda saxaafadda iyo weliba Dowladda federalka oo ka soo saartay warsaxaafadeed.
July 2, 2011, waxaa isagana xabsi mudo dheer ah lagu riday Wariye Faysal Maxamed Xasan oo ka tirsanaa Bahda websiteka Hiiraan, balse isagiina mudo dheer markii uu xirnaa ayaa lagu sii daayey cafis Madaxweyne.
Nov 16 2011 waxaa sidoo kale Garowe lagu xiray Wakiilkii Tvga Somalichannel Mahad Cabdi Cali, lama sheegin sababta loo xiray balse markii mudo xabsiga lagu hayey ayaa isagana la sii daayey, taasina waxa ay shaki badan sii gelisay bahda Saxaafadda.
13 November 2011, Maamulka Puntland waxa uu si rasmi ah u caadyey in xayiraad ay saareen qaar ka mid ah tvyadda aadka looga daawado gudaha Puntland, inkastoo markii dambe mid ka mid ah laga qaaday xayiradii haddana weli waxaa adag in wariyeyaal ay warar ugu soo diraan gudaha puntland Tvga Somalichannel oo ka mid ah kuwa aadka loo daawado
March 4, 2012 inkastoo xariga Saxaafadda halkaas ku sii istaagin ayaa haddana waxaa lagu xiray Bosaso Agaasimihii Idaacadda Codka Nabadda Cawke Cabdulaahi iyadda oo sidoo kalena qalab yaal idaacadda ay horey u qaateen Ciidamadda Puntland, Cawke mudo dhowr bilood ka dib isaga oo aan loo sheegin waxa lagu haystay ayaa la sii daayey.
13, April,2012, Maamulka Madaxweyne Faroole ciidamo ka amar qaata ay gurigiisa ugu dhaceen Xiriiiryaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Puntland Cabduweli Xasan Gooni, oo ka tirsan Bahda Saxaafadda Puntland, isaga oo aan loo sheegin sababtii lagu xiray ayaa ciidanka amniga saddex cisho ka dib ay ka sii daayeen xabsi ku yaal Dekekadda Bosaso.
17 Apr 2012 waxaa sidoo kale Bosaso lagu xiray Bille Maxamuud Qabowsadde oo ka tirsanaa Wariyeyaashii ugu horeyay Puntland, weli bille waxa uu ku xiran yahay Bosaso oo ma uusan helin sharci u hiiliya, waxaase dadka ay isla dhex marayaan in uu u xiran yahay la taliyaha Saxaafadda ee Madaxweynaha Puntland.
13 Jul 2012, waxaa weerar dil ah sidoo kale ka badbaaday Wariye Axmed Muuse Jookar oo ka tirsan Tvga Royal Tv, kaas oo ilaaladda gudoomiyaha gobolka Bari ay damceen in ay dilaan, kuwaas oo xataa ka qaatay telephonkii gacanta, taasina ay sii kicisay dareenkii ahaa in saxaafadda ay la kulmi karto shirqool.
03, August,2012 C/fitaax Cumar Geeddi, oo ka tirsan Madaxda sare ee radio daljir ayaa waxaa weerar loogu geystay , Irida hore ee Idaacadda daljir Garowe, halka lagu weerar ma ahan meel laga baxansa karo waayo waxaa ku yaal wadooyinka ugu waa weyn Caasimadda.
Wariyaal ku sugan Garowe oo aan la xiriiray ii sheegay in uu hadda Cabdifitaax caafimaad qabo balse Alle ka badbaadiyey shirqool dil oo la doonayey in lagu dilo.
22 Feb 2012, Dhacdo la mid ah midii uu ka badbaaday Wariye Axmed Jookar waxa ay ku dhacday Maareeyaha Wakaalada Filimada Soomaaliya C/salaam Caato ahna saxafi caan ah iyo filimqaade, xilli uu ka qeybgalyey shirweyne ururadda bulshada rayidka ee kaasi oo ay marti gelisay hay'adda UNPOS.
Aragti ahaan shacabka
Waxaa dadka qaarkiis in badan ku wareereen maxay tahay sababta inta badan ay isaga cawdaan Saxaafadda iyo Maamulka Puntland ee Faroole hogaamiyo, taasina runtii waxa ay noqtay mid soo noq noqtay.
Qofkii aan joogin gudaha Puntland, isla markaana aan xog badan ka hayn saxaafadda waxa u soo baxeysa arimo badan oo is khilaafsan, laakiin waxaa xaqiiqdu tahay in dowladda ay dooneyso in ay Saxaafadda u adeegsato sida Warbaahinta Dowladda oo kale iyo weliba Saxaafadda oo iyaggana arintas diidan.
Arinta kalena ee shakiga iyo kalsooni daradda dhex dhigtay Saxaafadda iyo maamulka Puntland ayaa ah Markii Madaxweynaha loo doortay Faroole 29/11/2009 u magacaabay la taliyaha Saxaafadda Maxamed Cabdiraxman Faroole oo ah wiil uu dhalay, taasina ay keentay in Wiilku adeegsado Awooda Maamul ee Aabihii lahaa.
Maxamed waxaa dhowr jeer lagu eedeyay in uu hanjabaad iyo caqjogleyn u geystay Wariyeyaal badan, kuwaas oo intii ka baqday in la dilo isaga baxday Puntland, kuwa kalena ay bilaabeen in ay isaga wada shaqeyn la yeeshaan.
06-03-2012, kulan saxaafadda Gobolka Bari ay soo ay isugu yimaadeen kaga hadleen Dhacdooyin la xiriiray saxaafadda oo qaarkood saameyn ku yeeshay Hanaanka shaqo ee saxaafadda Gobolka Bari,waxa ayna ugu dambeyntii ka soo saareen qoraal.
Puntland marka laga hadlayo gobolka Bari waa halka keliya ee Puntland u ah saldhiga keliya ee dhaqaale ka jirto, waxaa la joojiyey Mashaariic ka soctay Airporka,Dekadda iyo weliba howlo badan oo horumarinta ku saabsanaa, warbaahinta dalka ka jirta way ku adag tahay in ay ka hadlaan.
Shacabka waxa ay aad ugu xiran yihiin Warbaahinta gaar ah oo ay u arkaan in ay ka helayaan warar dhex dhexaad ah, balse Saxaafadda ka jirta gobolka ayaa waxaa haysta cadaadis iyo hanjabaad mar walba uga imaaneysa laamaha amniga iyo Madaxtooyadda Puntland.
Maxaa la gudboon Saxaafadda
Waxaa cad oo ah in la xuso in Saxaafadda Puntland aysan marna tixgelin iyo taageero ka helin guud ahaan Maamulka Puntland, taasina ay tahay in xataa la doonayo in lagu maamulo shaqooyinkii gaar ahaa.
Wariyeyaashasha Puntland ma helaan tababaro,dhiiro gelin, waxaa ku adag in ay helaan warar marka ay ka doontaan dowladda, balse waxaa dhiiro gelin mudan dadaalka inta badan ay sameyso wasaaradda warfaafinta Puntland oo ah in ay ka shaqeeyaan sidii saxaafadda ay u noqon laheyd mid isku xiran, balse waxaa arintaasi mar walba ay cadaadis kala kulmaan madaxtooyadda.
Saxaafadda Puntland waa cidna uma maqna, ceelna uma qodna.waxa ay mar walba la kulmi karaan Xarig ,cabsi gelin, iyo weliba dil , Welise lama oga cida u garniqi doonta Maamulka Madaxweyne Faroole iyo Saxaafadda madaxbanaan , balse waxaa ay saxaafaddu dhowreysaa isbedel ka hirgala Puntland.
Dhammaad
Abdiwali Gooni
Activist Journalist
E-mail. gooni@hotmail.co.uk
Facebook: Abdiwali Gooni
Tell: +256-79333-6268
Kampala,Uganda
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|