Somali News
    Hees  

Aragti: Codsi ku socoto Madaxwene Sheekh Shariif

CODSI KU SOCDA MADAXWEYNE, XURMO BADANE, XAQA HOOS U EEGE MUDANE SH. SHARIIF SH. AXMED EE KA YIMID BAHDA REER AXNED MAXAMUUD CADDE (QOORWEYNE)

Marka ugu horreysa waxaan bogaadiheynaa Madaxweynaha Dowladda Somaaliyeed tallaabadii quruxda badnayd oow dhawaantaan qaaday, taasoo eheed in loo celiyo hantidoodii xaq-darrada loogala wareegay kaddib markii gardarro barer ah nafta looga qaaday Gabeyre, Caynaanshe iyo Dheel, Allaha u wada naxariistee.

Tan xigta waxey tahay, haddii aan nahay qoyska kor ku xusan ee reer Axmed Maxamuu Cadde, waxaa jirta in toddobaatameeyadii horraanteedii, kaddib markii abbeheen xabsi lagu ogaaday , ay dwladdii kacaankii baraka la’aanta ahaay eey nagala wareegtay dhul aan ab ka ab dhaxal u leheen ee loo wada yiqiinnay “GOOFKI MAXAMUUD CADDE”, kaasoo laga dhigay qeyb oriyenteeshinkii Yaaqshiid, qeyb xannaanada xoolaha, qeyb munishiibiyo iyo meel lagu cayaaro kubbadda cagta.

Waxaa nagu maqal eh in ilaa hadda ow wato magacaas, inkastoo wakhtigii nagala qaatay, la xiri jiray qofkii ugu yeera “Goofka Maxamuud Cadde”, xataa haddoow ahaay cunug, si looga tirtiro magacaas.

Waxaan waddanka moognahay labaatan ilaa soddon sano. waxaa nooga dambeysay curaddeyna Faduma Axmed, Allaha u naxariistee, oo nooga sheekeysay iney isku dayday iney soo ceshato, laakin ow meeshii boob iyo buuq badan ka dhacay, dhulkiina ow faraheeda saas uga baxay.

Waxaa jira dad ku andacoohaaya iney iyada siisay iyo qaar leh waa ka gadannay. Haddaba, dhulkaas woxow ka dhexeeyaa dad aa u badan eey arrimahaas u cuntameyn, oo xaqoodii u doodaaya.

Waxaan ka codsaheynaa, toosna ula xariiri doonnaa madaxda Dowladda xaqsoorka eh si arrintaas wax looga qabto, loona saxo.

Iidoo la soo gaaray in xaqa iyo xaqdarrada la kala saaro, aan ku rajo weynahay in dadkii qabsaday ama dhistay (dadkaasoo na loo sheegay in ey kuwo sokeeye eh xataa ku jiraan) ey gartaan waajibaadkooda, walaatinnimada, Islaannimmada, sharafta iyo xurmada la kala mudan yahay, muddadii ay ka macaasheen dhulkaas dib u fiiriyaan, si xilkasnimo lehna uga wada guuraan.

Qof oggol ma jiro in xoolihiisa layska haysto, waa in Soomaali oo dhan ku kala baxdaa arrimaha noocaas eh, Dowladdana gacan laga siiyaa si ey ugu fududaato xaajadaas iyada eh.

XAQU GORGORTAN MA GALO

WA BILLAAHI TOWFIIQ

REER AXMED MAXAMUUD CADDE


madina mohamud
mdnmohamud@yahoo.ca

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)