Somali News
    Hees  

Maqaal: Kumu ahaa abwaan Salaan Carrabey ?

Salaan qaaliya iga gudooma dhamaan warbaahinta jamhuuriyada Sl ee madaxabanaan oo idil meel kastoo aad dunida ka joogtaanba waxaan dhallinyarta reer Sl ugu baaqayaa inaay afka hoyo siiba suugaanta iyo hidaha iyo dhaqanka ilaaliyaan umadda waliba waxay wax ku tahay dhaqankeeda suubaan ee u gaar ka ah anigu nasiib darro ma aqaano gabayada laakiin suugaanta aad baan u xiiseeya una jecelahay gabaygan Salaan waxaan kasoo xigtay buuga taariikh nooleedka abwaan Salaan Carabey u ka qoray aqoon yahan murti yahanka da' yar ee abwaan (Shaacir)

Alle ha u naxariistee Salaan Caraabey wuxuu ku dhashay tuulada Beer oo ka mid ah gobolka Togdheer qiyaastii qarnigii 1850's Salaan Caraabey wuxuu ka mid yahay gabayaga caan ah ee Soomaaliyeeed, Taariikh nooleedka Salaan Carraabey laga qoray waxay sheegeysa inuu ahaa niin aad u ilbaax ah oo yaqaanay luuqadood faro badan oo ajenibi ah (foreign languages) maadaama u ahaa bad_mareen (seamen) Isla markaasna Salaan Carraabey wuxuu nasiib u yeeshay in malcaamuuda loogu daray yarantiisi halkaas oo qu'raanka si wanaagsan ugu dhammaaystay,

Anigu runtii gabayada Salaan Carraabey ee aan aadka u jeclahay una'se qimeeyo waxaay u badan kuwan ka hadlaya diinta una badan waano iyo hogo tusaaleyn leh sida beydkan gabaygan ee hoos ku xusan oo kale,

Kibiir xoogsheegad, bursi iyo gumeysi wana waxaa qarnigan aynu ku jirno ka socodta ee siiba gaaladdu adeegsanayo xoog mililatari dhaqaale wadamo aan waxba galabsan loo duminayo ciidna ka doodeyn marwalba iyaagu toodu sax tahay denbi maxkamaddeedi aanay qabanayn ilayn iyaaga isku xaakiin iyo garsoor ah meel kastaba'e laakiin tii alle wey sugeysa oo sidaa Eebbe ha unaxariistee abwaan Salaan gabaygiisa ku sheegay ummaddo horree oo sidaas oo kale u kibiiray baa ilaahay adduunka ka tiirtiray oo qaarba wax ku salliday.

Carshigga namruud lagaga ridey,
Col aanu dhaadayne
Caad iyo samuud iyo kacaan'
Cadwayadii diinta,
Caatar binu- shadaad iyo kuwii coofka kor u taagey,
Callaqa ka-sudhay reer cimaad,
Cadho darraaddeed'e
Cisho keliya baa reer fircoon
Wiish la cararidaye,
Cirka lagaga soo degay markay, caamileen kibire,
Raggii dunida curiye gudhsaday laga carrowsiiye ''



Waxyi looma soo rogin jibriil' waagi dabadeede,
Ninkii weliba boqortooyo sugi , waanu helahayne'

Hal la-wariyey shiikh iyo wadaad waracyadii diinta
Culimadu warkay sheegaysayo waanada dhabahe'
Wacdi nooma laanee naftaa weleftey shaydaane,
Dadku laba waddu raacayaa oo wadaahiyahe
Oo aan midina mid u weecanayn' oo wadaagtamine


By: Cali C/laahi Ismacil Dheeg
Newport___SouthWales /UK

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)