Somali News
    Hees  

Maqaal: Ma tahay sanad-guuro ka farxad badan kuwii hore?

Waxaan u socdaaley Rooma, si aan uga qaybgalo shirka 22aad ee Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya, halkaan oo anniga iyo saaxiibbo aan wada shaqeyno oo ka socda London iyo Xafiiska Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya waxaa aan ku biiri doonnaa wefdiga dowladda UK ee uu hoggaaminayo Wasiirkeenna Arrimmaha Afrika, Henry Bellingham MP.

Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya waa tii ugu dambeysey ee ka shirta– shirkuna waa kii ugu dambeeyey –  shirar is-dabajoog ah oo caalami ah oo sanadkaan dhexdiisa la qabto ka hor inta aysan dhammaan muddada Ku-meelgaarka ah bisha Agoosto. Waa fursad muhiim u ah xubnaha bulshada caalamka in ay ku biiraan dhiggooda ka socda Soomaaliya oo ay kala qaybgalaan dib-u-eegista horumarka laga gaarey geeddi-socodka siyaasadda. Sidoo kale waa fursad muhiim inoo ah oo aan mar kale ku sheegno go’aanka aan wada-qabno iyo sida ay innooga go’an tahay hubinta in xilliga ku-meelgaarnimada uu ku dhammaato toddoba toddobaad gudahooda taas oo waafaqsan go’aamadii lagu gaarey shirarkii London iyo Istanbul labadaba.

Ka sii muhiimsane, waa fursad lagu hubinayo in Ku-meelgaarnimadu ay u dhammaato si waafaqsan go’aamadii lagu gaarey Roadmap-ka iyo Geeddi-socodkii Garoowe. Waana fursad ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay mar kale ku sheegaan sida ay uga go’an tahay in ay Ku-meelgaarnimada u soo gebogebeeyaan: si daahfuran, xisaabtan ku dheehan yahay oo sharciyad leh.

Waa muhiim in ay sidaas yeelaan. Muddo hal toddobaad oo keliya laga joogo, ayaa magaalada Nayroobi, ay Saxiixayaasha kala duwan ee Roadmap-ka ay ku heshiiyeen qabyo-qoraal dastuur ku-meelgaar ah, oo loo gudbinayo Golaha Ansaxinta Dastuurka goor dambe oo bishaan ka mid ah. Iyada oo barnaamijkan uu mudan yahay in la soo dhoweeyo, sida aan ka sheegey shirkii Nayroobi: haddana wax badan ayaa weli harsan. Saxiixayaasha waxaa looga baahan yahay in ay ku dhegganaadaan jadwalkii ugu dambeeyey ee ay ku heshiyeen ee ku saabsanaa ka soo dhalaalidda hawlaha laga sugayo, oo ay ka mid tahay in Golaha Ansaxinta Dastuurka la sameeyo wixii loo gaaro 12ka Luuliyo, soo xulidda Xubnaha Baarlamaanka wixii loo gaaro 15ka Luuliyo iyo Doorashada Af-hayeenka iyo ku-xigennadiisa wixii loo gaaro 4ta Agoosto, ka hor inta aan madaxweyne cusub la dooran 20ka Agoosto.

Aragti ahaan, waddada dhammaadka Ku-meelgaarnimada hadda waa ay caddahay. Aragti ahaan, waa in ay ahaataa wax iska fudud. In kasta oo marka ay timaaddo fulinteeda ay xoogaa adag tahay. Laakiin haddii hal-adeyg/dadaal la helo, waa mid suuragal ah. Dowladda UK, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah, si buuxda ayaa ay diyaar ugu tahay in ay bixiso taageero joogto ah – oo maaliyadeed, mid siyaasadeed, iyo mid farsamo. Laakiin waa keliya haddii la helo rabitaan siyaasadeed oo u dhigma taageeradaas.

Sidaa daraaddeed waxaa lagamamaarmaan ah in saxiixayaasha ay muujiyaan hoggaankooda iyo dadaalka aan dhammaanteen ka wada sugeyno. Haddii la wada shaqeeyo, haddii la aqoonsado in fursaddan ay tahay tii ugu wanaagsaneyd ee Soomaaliya soo marta in ka badan labaatan sano taas oo ah waddo lagu gaari karo degganaansho ballaaran –waa laga faa’iideysan karaa fursaddan.

Waxaa hadda muhiim ah in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya laga helo dadaal, xisaabtan siyaasadeed iyo daahfurnaan maaliyadeed. Kuwani waa dadaallada aan dooneyno; ugu sii muhiimsane, waa dadaallada ay ka filayaan dadka Soomaaliyeed. Si fudud haddii loo dhigo, waxaa la joogaa waqtigii dadka Soomaaliyeed lagala tashan lahaa qabyo-qoraalka Dastuurka; waa waqtigii malaayiinta doolar ee ay helayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya lagu bixin lahaa danta dadka Soomaaliyeed – taas oo ah in lagu bixiyo ammaanka iyo soo kabashada Soomaaliya.

Horumar ayaa socda – bal u fiirso waxa ka dhacaya – Afgooye, Baladweyne, iyo Baydhabo. Ammaanka ayaa tartiib-tartiib ugu soo noqonaya degaanno ay waqti ku xooggagaan jireen Al Shabaab. Ciidamada TFG-da, oo si dhow ula shaqeynaya AMISOM, ayaa si tartiir-tartiib ah ugu guuleysanaya dagaalka ka dhanka ah cadowga Soomaaliya. Laakiin dagaal lagu guuleyso lama mid ahan nabad lagu guuleysto. Taasina waa sababta ay aad muhiim ugu tahay in gacan la siiyo bulshooyinka maamulkooda uu dib ugu soo noqdey gacanta dowladda sharciga ah: dhisidda nabadda, hirgelinta ammaanka iyo bedqabka dadka, taageeridda bixinta adeegyada aasaasiga ah. Tani waa sababta ay dowladda UK iyo kuwo kale ay uga go’an tahay hubinta in bulshooyinkaasi ay helaan gacanta iyo taageerada ay mudan yihiin, waase haddii laga helo in ay la shaqeeyaan dowladda sharciga ah. Waa sababta ay inooga go’an tahay in la helo daahfurnaan maaliyadeed oo ka weyn tan hadda jirta.

In halkaan la soo gaaro waxaa ay ku timid dadaal. In horey loo sii socdo – in Ku-meelgaarnimada si macquul ah oo sharci ah loo soo gebo-gebeeyo – waxaa ay u baahan tahay hoggaamin, rabitaan iyo dadaal.

Maanta oo aan qorayo qoraalkan, waa Maalintii Madax-bannaanida Soomaaliya. Waqtigaan oo aan ku shireyno Rooma, waa waqtigii hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay ku ballanqaadi lahaayeen dadaadkooda ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya iyo waxa ay dadka Soomaalida ah doonayaan. Waxaa jirta fursad lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan. Fursaddii lagu bilaabi lahaa geeddi-socodka dheer ee soo-kabashada waxba inooma jirto. Waana in ay ka faa’iideystaan fursaddaas.

Sidii weligeyba aan sameyn jirey, waxaan aad u qiimeeyaa fikirkiinna. Maxaad marxaladdan ka dooneysaan Saxiixayaasha? Sidee ayaa geeddi-socodka looga dhigi karaa sida ugu daahfuran ee ugu xisaabtan badan ee suuragalka ah? Dhammeynta Ku-meelgaarnimada waa wax. Su’aasha ku saabsan waxa ka dambeynayana, waa wax kale. Sidii weligeedba ay ahayd waxaan soo dhoweynayaa faalladiina iyo fikirkiina.

ENDS.

A happier anniversary?

July 2, 2012

And so off to Rome, for the 22nd meeting of the International Contact Group (ICG) on Somalia, where together with colleagues from London and the British Office for Somalia, we will join the UK delegation headed by our Minister for Africa, Henry Bellingham MP.

The ICG is the latest – and last – in a series of international meetings this year before the end of the Transition in August. It’s an important opportunity for the members of the international community to join their Somali counterparts in reviewing progress on the political process.  It is also an important opportunity for us to reiterate our collective determination and commitment to ensure that the Transition ends in seven weeks’ time in accordance with the conclusions reached at both the London and Istanbul Conferences.

More importantly, it’s an opportunity to ensure that the Transition ends in accordance with the agreements reached through the Roadmap and the Garowe process. And it’s an opportunity for Somalia’s leaders to restate their commitment to end the Transition: transparently, accountably and legitimately.

It’s vital they do. Just over a week ago in Nairobi, the various Roadmap Signatories agreed on a final draft of a provisional constitution, which will go the National Constituent Assembly (NCA) later this month.  While this progress is welcome, as I said at the meeting in Nairobi: there is still much to do. The Signatories need to stick to their latest – and agreed – timetable for delivery, including opening the NCA on 12 July, selection of new MPs on 15 July and election of the Speaker and Deputies on 4 August, before the election of a new President on 20 August.

In theory, the path to the end of the Transition is now clear. In theory, it should be pretty straightforward.

The practice, though, may be a little harder. But with the right resolve, it is still possible. The UK, together with our international partners, is fully prepared to provide ongoing support – financial, political, technical.  But only if that support is matched by political will.

So it is necessary that the Signatories now show the leadership and commitment that we all expect of them. By working together, by recognising that this is the best chance Somalia has had in over two decades to begin the path to greater stability – that chance can be seized.

Commitments from Somalia’s leaders to greater consultation, to political accountability and to financial transparency are now essential. They are commitments we want; most importantly, they are commitments the Somali people expect. Put simply, it’s time the Somali public were consulted on the draft Constitution; it’s time that the millions of dollars that Somalia’s leaders have access to we’re used for Somalia’s benefit – to help pay for Somalia’s security and its recovery.

Progress is being made – just look at what is happening – in Afgooye, in Beletweyne, in Baidoa. Security is slowing beginning to return to areas once dominated by Al Shabaab. TFG forces, in close co-operation with AMISOM, are slowly winning the battle against Somalia’s enemies. But winning the battle is one thing; winning the peace is another. That’s why helping those communities that have come under legitimate government authority is so important: peace-building, establishing safety and security, supporting the delivery of basic services. It’s why the UK and others are committed to ensuring those communities get the help and support they deserve, provided they are prepared to work with legitimate authorities. It’s why we are committed to securing greater financial transparency.

Getting this far has taken commitment. Going further – ending the Transition credibly and legitimately – will take leadership, will and commitment.

As I write this, it is Somalia’s Independence Day. As we start to gather in Rome, it’s time for Somalia’s leaders to commit to Somalia’s future and to the sort of Somalia its people wants. The opportunity for a brighter future is there. The opportunity to begin the long process of recovery is within grasp. They should take it.

As ever, I’d value your thoughts. What do you want from the Signatories at this stage? How can the process be made as transparent and accountable as possible? Ending the Transition is one thing. What succeeds it, is another.  As ever, your comments are welcome.

ENDS.

Abdilatif Maalim| Communications Officer- British Office for Somalia|British High Commission |Upper Hill Road, Nairobi |

Tel: +254 20 2844292  Fax:+254 20 2844088 | Mob: +254 723040125

125 | FTN: + 8300 3292 
Email:Abdilatif.Maalim@fco.gov.uk
www.ukinsomalia.fco.gov.uk

Visit our blogs on: http://blogs.fco.gov.uk

Follow us on Twitter @UKinsomalia

 


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)