|
Aragti: Musharaxa EBERLAND oo ka qaybgalay shirkii LIXDA iyo qodobadda la isku raacay
Musharaxa EBERLAND oo ka qaybgalay shirkii LIXDA iyo qodobadda la isku raacay:
1-Horta waxaa aad nalookugu amaanay dastuurkii UNDP ee aan ansixinay iyo KUMEEL GAARKA aan ka baxnay si aan dalka u gaarsiinno KU DANGAAR rasmi ah.
2-Waxaa la is
ku raacay in la idoorto xitaa hadii aan la i dooran maadaama aan dalka wax badan ka QABSADAY.!
3-In shahaadadii DUGSIGA SARE ee aniga la igu xujeeynayay loo bedelo inuu qofku leeyahay KHIBRAD UU MAGACIIISA ku qori karo SUULKANA uu wax ku saxiixi karo, (Wixii kale oo LUGOOYO ah oo uu yaqaanana waa la qiimayn doonaa).
4-In wixii ku saabsan qaabka loo sameeynayo doorashada aan ka sugno MAHIGA oo haya waraaqo ay u dhiibtay HILLERY CLINTON oo 20 daqiiqo nala joogtey.
5-In la baabi'iyo labada gudoomiye baarlamaan ee kala ah: Gudoomiyaha BAARLAMANKA XILDHIBAANADA (Ileen gole shacab majiree) iyo Gudoomiyaha baarlamanka MAHIGA.
6- 7- In dabeeto ‘‘la doorto’’ (Beesha caalamku soo qorto) Gudoomiyaha baarlamanka MAHIGA ee midaysan.
7- In lixdeena saxiixe aan u madax banaanaano soo xulista xubnaha baarlambanka oo uu ninba qaybtiisa soo qoranayo ahna dad khibrad leh oo wax cuni kara, reerohooda biilan kara, guryo cusub dhisan kara, magacoodana QORI kara.
8- (Ciil badanaa) Waxaa iga xumaatay khiyaano aan ku doonayay in doorashada MADAXWEYNAHA lasoo hormariyo inta aan la dhisin baarlamanka si aan iskugu sharoxo oo hadii aan waayo aan hadana tan BAARLAMANKA iskaga iimaansado lkn siyaasad xumadeeyda kama fikirin iyadoo uusan baarlamaanba jirin yaa dooranaya madaxweynaha?.
9-In aan isku khilaafi karno danaha SOOMAALIYEED lkn aan la isku khilaafi karin danaha KALUUMAYSIGA beesha caalamka oo xaq u leh inay na duqeeyaan markii ay doonaan..!!
10- In la hormariyo oo la dedejiyo hanaanka loo marayo sida look ala xulanayo xubnaha baarlamanka cusub oo hadba ku xiraan doonta lacagta uu haysto inta ay la la egtahay iyo midda uu cuni doono iyadoo la qiimeeynayo dadka daymaha badan looga leeyahay hoteelada ay degan yihiin ama markii horaba AUTO kusoo aruuriyay lacagta ay haystaan.
Mahadsanidiin:
Khilaaf, Dib u socod, Danaysi, Maxaa iga galay, Xisaabtan la’aan, Qaataye qaado, Qaybaalad, Sinaan la’aan, iyo Ninkii doonaa ha qaato anba qaataye.!!
HALKU DHEGEENNII CAAN AHAA: Dal waliba dadkiisaa DUMIYA…!!
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage.
Boosto-Koronto:-maxaaji@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|