|
Maqaal: Waa siddee Saammaynta Cilmaaniyaddu (Secularism) ay Soomaaliya ku leedahay?
WQ Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
Alle (SW) ayaa mahad leh Allaha Aduun iyo Akhiro iyo inta dhextaalba leh , Mudnaan Bini ,aadam Nabi Muxamed ayaa leh (NNKH) ,Qormadaydaan ah Waa siddee saammaynta Cilmaaniyaddu (Secularism) ay Soomaaliya ku leedahay? Waxaan ku eegi doorka Cilmaaniyaddu ku yeelatay dalkeena ,Waxaa jirta in Cilmaaniyaddu ku xoogaysatay Soomaaliya aanna ka dheehan karo waaqiciga jira siday bulshadda Soomaaliyeed ugu hogaansan yihiin aragtidaas ah in aan diintu saamayn ku yeelan dadka Soomaaliyeed hanaanka dawladnimmadooda , Waxaa arintaan meel mariya oo dadka ku haya una dagaalamaaya kuwo hogaamiyayaal sheeganaaya , Bulshadda badankeedanna rabba inay ku qanciyaan Cilmaaniyadda iyagga oo u maraaya Qabyaalladda oo qofka ka fogaysa in uu xor u ahaaddo aragtidiisa.
Qeexid: Cilmaanniyad (Secularism) Waa (Separation of Church and State) kala madax banayn kaniisadda iyo Dawladda , dunidda islaamka waxay u noqonaysaa kala Saaridda Diinta iyo Nolosha haday qaataan aragtidaas , maadaama dawladnimmadu tahay maaraynta arimmaha bulshada , diinta iyo noloshuna aysan kala maarmi karin Markaas Cilmaani-nimmadu waa mid qatar ku ah dadka Muslimiinta ah.
Cilmaaniyaddu waa aragti ay fakareen Philosophers Reer Galbeed ah waliba Reer Yurub Gaar ahaan ka timi cariyadda Greek-ga iyo Roman-ki , waxaa dhaliyay baahideeda ama inay soo shaac baxdo marki aragti curuyayaashaas ka fakaray hab nololeedka halka ay ku nool yihiin iyo dhibaatooyinka noloshaas ku hareeraysan ee dadka dhibaysa , siddo kale sidi horusocod nolosha loogu samayn lahaa oo waxyaabo markaas aan jirin la fakari lahaa isla markaana dadka u ah wax wanaagsan , waa waxyaabaha la taaban karo dabcan waxyaabahha dhamaan bini,aadamka u wanaagsan, bini ,aadamkuna dhamaan waa soo dhowaynayaa arinta ah in waxyaabo Cusub nolosha lagu soo siyaadiyo ee la arki karo ma ahan in sheegida waxaas cusubi ay cusub tahay balse gaaridooda in si taabasho ah loo xaqiijiyo ayaa cusbayd ilayn waxyaabo badan oo Saynisyahanaddu ogaadeen (Quraanka kariimka ah ayay ku xusan yihiin) Tusaalle annigu diidmo ayaan ka keenayaa aragti Philosophy ah Qorshaynta hab noolaanshaha bini ,aadamka oo isaggu markaas ah mid aragtidiisu tahay mid alle jaahil ka ah qofkaas aragtidiisa ku aadan dhisme dawladeed qof muslim ahi hab dawladeedka qofkaas ma qaadan karo ... Balse Philosophy fakaray Computer iwm waan qaadanayaa aragtidiisa oo waa wax la taaban karo isticmaalkoodana dhamaan dadku soo dhowaynaayo oo ah mid wax sahlaysa ama ah wax cusub oo la gaaray saammayna kuma lahan arimmaha Nolosha qofka ku hareeraysan ee ku xiran aminaadda Alle iyo qaadashadda awaamiirtiisa.
Waxaa jiray oo markaas dunidda Mucatablayda ka talinaayay Kaniisaddo iyaggu caburis baddan ku haya dadka hoos yimaadda ee ay maamulayeen , Siddaas darteed aragti curiyayaashi ka fakaraayay arimmaha Siyaasadda ee ku dhisan hogaaminta bulsho yeelata hanaan dawladeed ee dadka ku barbaarisa aragtidoodu siday qabto marka ay meel marinayso arimmaha, Dhaqanka , Waxbarashada , Dhaqaalaha Iwm , waxay ogaadeen in Kaniisaddu ku tahay caqabad hab fakarkooda ku dhisan Baahi Bini ,aadammeedka siday u arkeen , Waxay markaas aragti curuiyayaashi ka fakaraayay sidday u meel marin lahaayeen hab dawladdeedkooda Kaniisadda ka madax banaan ay soo saareen oo dadkooda ku faafiyen in kaniisadda iyo dawladda lakala saaro , Waxay si aan gabasho lahayn ugu qeexeen Cilmaaniyadda (Secularims) (Separation of Church and State) kala madax banayn kaniisadda iyo Dawladda oo ah kanniisaddu marna kama arimmin karto arimahha Bulshadda sidda , Dhaqanka , Waxbarashada , Dhaqaalahha iwm.
Arintaasu waa meel martay waxaa qawaaniinti ugu horaysay soo saaray ee kaniisadda lagaga saaraayo arimmaha siyaasadda dawladdi ka dhalatay Dalka faransiiska kacdoonki faransiiska ka dib , siddoo kale waxaay dhamaan ku baahday isla xiliyadaas oo ay ku awood satay dunnida Galbeedka waa markay si dhaba u heshay awooda balse bilaabitaankeedu qarnigi 17-aad ayuu soo bilowday.
Marki arinkaasu dhacay ayay hab fakarkooda la aadeen caalamka islaamka ee ay markaas qabsadeen waxay meel mariyeen aragtidi ahayd Cilmaaniyadda , waxaa dadka xoogga lagu qabsaday loo furay Iskuullo laggu baro afafka gumaystaha ee Cilmaaniyadda dunnida ku faafinaaya ,si ay dadkaasu u fahmaan aragtidda cilmaaniyadda ayna u fal galiyaan noloshoodana ay u saammayso, siddo kale waxay dhulalki ay qabsadeed ee caalamka Islaamka hoos geeyeen qawaaniinti Cilmaani-nimmadda ee oranaysa Diinta iyo nolosha hala kala saaro , Tusaale Soomaaliya waxaa lagu dhaqaayay qawaaniinti dalalki gumaysanaayay Sidda Talyaaniga Ingiriiska , Faransiiska.
Marki ay dalka ka baxeen waxay kaga tageen dad ay barbaariyeen oo u diyaarsan inay meel mariyaan aragtidaan lagu shubay ee looggu sheegay waa sidda saxan ee loo noolaaddo ,Tusaale waxaa isla markiiba si caaddi ah ay dadka ku dhaqan Soomaaliya intoodi Muqaal ahaan xor u noqotay ee awoodooda la kala dhantaalay ee xaafad xaafadda loo qaybiyay ay ku haddaaqeen (Demo- Kratia) dalkayagu waa dal xakun dadeed ah , Dabcan Cilmaani-nimmadda ayay hoos imaanaysaa Demo- Kraria-du madaamma ay qabtay Cilmaanniyaddu in Kaniisadda iyo dawladda la kala Fogeeyo Soomaaliya waxay noqonaysaa Diinta islaamka iyo Dowlad-nimmada hala kala fogeeyo , Demo Kratia-yadda dadku ku haddaaqayaan ee aysan iswaydiinayna waxay noqonaysaa marka Diinta iyo Nolosha lakala Fogeeyo ilayn dawlad-nimmaddu waa halka laga maaraynaayo ku dhaqanka shareecadda , Kala xakumidda dadka , Dhaqaalaha iyo warbarashada iwm, Markaas Demo- kratia waxaa ogolaanshaheeda keenay marki Cilmaaniyaddu bulshadda ku faahtay hogaankina noqday mid cilmaanni ah , markaas haddi xakunki iyo diinti la kala saraay , waa in ay timaaddaa awoodda dadka ayaa leh , dadka ayaa xakunka iska leh. meeshana ay ka baxdaa xakunka Alle ayaa leh , Tusaalle Qofki ku dhaca dabmi diintu xakun ku ridayso oo la rabo in la mariyo xakunkaas si Aayaadkaas loo dhaqangaliyo oo ay nolosha u saammeeyaan aayaad-ku loona hogaansamo maddaama ay awaamiirta Alle ka mid yihiin ,Waxay Cilmaaniyaddu Ku badalaysaa in Xeer ama qaynuun caqlaawi ah la sameeyo oo la dhaho waxa dambigaas xakunkiisu yahay in qofkaas siddaas lagu sameeyo qodobka noocaas ah ayaanna qabba , Halkaas waxaa ku cad in awoodi Alle ay Cilmaaniyaddu Qadanayso qof Muslim ahna aysan u cuntami karin in uu Alle Xakunkiisa mid kale ku badallo.
Qaababka ay Soomaaliya uggu meel martay Cilmaaniyaddu waxaa ka mid ah Gumaytayaasha baahinaayay Cilmaaniyaddaas waxay u Fiirsadeen diinta Islaamka waxay sidda sharafta baddan ee ay u dhowrtahay Haweenka Muslimaadka ah ka keeneen dhaliil iyaggu ma ahan kuwo aminsan lakiin qofka muslimka ah ayaa loo sheegayaa dhaliisha si uu cilmaani-nimmadda ugu hogaansammo , waxay dhaheen Diintu waa midda xakunka idiin diidan haweenoow , haddaad Haweenka muslimaadka ah tihiin , oo awood uma lihidin in aad hogaanka dalka noqotaan , Waxaa halkaas ka dhacay in Haweenka qaar ay ku kadsoomaan Cilmaani-nimmada , ,Tusaalle waxaad arkaysaa haween Soomaaliyeed oo u dabaal dagaaya Maalinta haweenka aduunka xagay ka timi Haween aduun maalin la dhahaa maxaase ku jira? , Waxaad kaloo arkaysaa haweenka Soomaaliyeed oo muslimaad ah oo haddana ku hadaaqaaya inay Noqdaan Iimaanka/Amiirka Bulsho islaam ah ogaamiya , Iyadda oo walaashaasu og in Nabbi Muxamed (NNKH) yiri " Waxaa hoogay qoomki Haweenay Hogaamiso" Haddaba markaan aragno taas cadaynta ah in dastuurka waxa laggu sheegay uu leeyahay qof kasta oo Soomaali ah ayaa Hogaanka dalkaan noqon karra saw markaas cilmaanniyaddu innama haysatto oo gabdhaheeni muslimaadka ahaa qaarkood umma hogaansamin.
Cilmaaniyaddu Soomaaliya saamayn wayn ayay ku leedahay waxaana taas sahlaaya oo socod siinaaya cilmaaniyaddu waxay leedahay hay,addo faafiya cilmaani-nimmadda ,Hay,adda looggu yeero Human Rights Watch oo ah mid ku dhisan (humanism) waa mid hoos imaanaysa Cilmaaniyadda oo sheegaysa in xaquuqda Bini,aadamka uu caqligu sameeyo sidda caqliga aan caqiiddada lahayni qabbona ay tahay mid saxan , dabcan iyaggu waa kuwo Jaahil ka ah Alle , balse qofka Soomaaliga ah ee Muslimka ahi marka uu ku dhawaaqo HRW Ayaa ka soo horjeeda arinkaas saw ma ahan mid Cilmaaniyadda u hogaansamay, Siddo kale waxaa jirra hay,addo tirro badan oo meel marinaaya Cilmaaniyadda , Tusaalle Cilmaanniyadda waxaa u taagan waxaan looggu yeero Gollaha amaanka balse aan ahayn golle amaan waxay u tahay qofka cilmaanniyadda ogol , waxay Soomaaliya iyo caalamal islaam-ba QM oo dhamaan hay,aaddaha aragtidaan faafiyaa hoostagaan ku haysaa dhibaato aad u qatar badan.
Cilmaanniyaddu si ay u mel marto qofka waxaa lagu oranayaa aduunku waa mid isku xiran oo saammayn isku wadda leh siddaas darteed waxaa loo baahan yahay in si wadda jir ah loo wadda qaado horumarka , la iska kaashaddo arimmaha bulshadda dadknuna lahaadaan kala doorasho aan diin loo eegin , waxaana masuuliyadda Duniidda leh Qaramadda midoobay oo ay ka bixiyaan sawwir ah waa Gollaha amaanka yay u yihiin Golle amaan weeye iswaydiintu? haddayse Qm baahinayaan cilmaanniyad ku dhisan dadka ayaa awooda leh diintuna nolosha waxba kuma yeelanayso saammayn ah siddaan ugga mid ahaan karaa ?
La soco qaybta labaad ,oo aan ku eeggi doono
Sidday dawladnimmadda iyo hogaanka Soomaaliyeed u saamaysay .
Siday shacabkeenu u dugsanayaan oo ay u meel marinayaan Cilmaaniyadda sawirro badan oo waaqica ahna looga dheehan karro.
Iyo dhinacyo baddan oo aan ka eeggi doono qatarteeda iyo samaynta ay innagu leedahay .

WQ Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
Dooxajog5@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|