Somali News
    Hees  

Maqaal: Jaaliyadaha beesha Hawiye ee Yurub iyo Ameerika oo bayaan digiin ah si wadajir ah uga soo saarey xaaladda dalka Soomaaliya kuna baaqay in la badalo ambassador Mahiga

Jaaliyadaha beesha Hawiye ee Yurub iyo Ameerika oo bayaan digiin ah si wadajir ah uga soo saarey xaaladda dalka Soomaaliya kuna baaqay in la badalo ambassador Mahiga

London, Boqortooyada Ingiriiska,

Shirar isdaba joog ahaa oo usbuucayadii lasoo dhaafey ay qadka telefoonka ku yeelanayeen masuuliyiinta jaaliyadaha beesha Hawiye ee waqooyiga Amerika iyo wadamada Yurub waxaa ay ka soo saareen bayaan ku aadan xaalada dalka Soomaaliya ka taagan hadda sida dastuurka, shirkii Rooma iyo shirkii Nairobi iyo arimo kale oo farabadan

Jaaliyadaha beesha Hawiye ee waqooyiga ameerika iyo qaaradda Yurub, kadib markii ay arkeen xaalada qatarta ee uu marayo dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada beesha Hawiye waxa ay soo jeedinayaan bayaan digniin ah oo ka kooban 20 qodob oo u qoran sida soo socota:

1- Jaaliyadaha beesha Hawiye ee waqooyiga ameerika iyo qaarada Yurub waxa ay si kulul u cambaareynayaan dastuurka la wado oo ah dastuur aad uga fog diinta islaamka ee ay soo sameeyeen nimanka saxiixayaasha oo ah damiirlaawayaal ay madax martey madaxtinimo jaceel isla markaana diintii, dalkii iyo sharaftii dadnimo ka hormarinaayo in la helo awood madaxtinimo si loo boobo hantida ummadda Soomaaliyeed

2- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay cambeereynayaan, kuna baaqayaan in la badalo ambassador Mahiga oo ku tuntey oo baabi’iyey dhamaan hay’addihii sharciga ee dalka Soomaaliya awooddii dalkana u geliyey niman saxiixayaal oo asagu uu gudoomiye u yahay kuwaasoo oo aan diin, dal, iyo dad toona dan ka laheyn wax walbana siisanaya helida kursi lagu boobo hantida ummadda isagoo Mahiga ugu danbeyn baab’iyey guddigii madaxa banaanaaa ee dastuurka taasoo talaabadii ugu danbeysey ee baabi’inta jiritaanka, qaranimada iyo madaxbanaanidda ummadda Soomaaliyeed.

3- Jaaliyaddaha beesha Hawiye waxa ay cambaareynayaan shirkii kooxda xiriirka caalamiga ee contact groupka ay ku yeesheen Roma ee lagu sheegay in dastuurka Soomaaliya lagu daro xaquuqda dadka masiixiyiinya isla markaana jaaliyaddaha beesha Hawiye waxa ay u sheegeyaan beesha caalamka iyo dowladda Talyaanigaba inaan qodobkaas loo baahneen waqtigaan xaadirka ah maadaama aysan Soomaaliya daganeen dad kala diimo duwan ummadda Soomaaliyeedna ay tahay ummad muslim ah 100% isla markaana marka la helo dad aqaliyad masixiyiin ah oo ku nool Soomaaliya laga hadli doono qodobka diimaha.

4- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay uga digayaan odayaal dhaqameedyada ku shirsan magaalada Muqdisho inay ansixiyaan dastuurka hadda la wado waxayna u sheegaysaa in dhibkii ka yimaado ansixintooda ay iyaga qaadi doonaan aakhiro iyo adduun labadaba.

5- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay u arkaan dhibaatada Soomaaliya ma ah qabiilooyin is neceb ummadda Soomaaliyeed waa ummad walaalo ah oo isku af, isku dhaqan iyo isku diin ah laakiin cadowga ugu weyn ee Ummadda Soomaaliyeed ee baabi’iyey jiritaankii iyo dowladnimadii ummadda Soomaaliyeed waa MUSUQMAASUQ, LAALUUSH, CADAALAD DARO, SIYAASAD QABYAALADEYSAN IYO TALADA DALKA OO NOQOTA GOOB GANACSI OO SI FUDUD LOOGU TAAJIRO. Qof wlba oo soomaali ahna waa waajib wadani oo saaran inuu wado walba ula diriro shantaas cadow ee dilaaga ah ee ku habsadey dalka Soomaaliya.

6- Jaaliyaddaha beesha Hawiye waxa ay cambaareynaynaa wareerkii loo geystey kaniisadihii ku yaalay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ee lagu laayey dad rayad ah oo shaqo ku laheyn dagaalka ka jira dalka Soomaaliya maadaama weeraradaas ay kasoo horjeedaan diinta islaamka isla markaana waxa ay ugu baaqayaan dowladda Kenya iyo madaxda Kenya in dulqaad la isticmaalo oo aan loo dhibaateyn weeraradaas waxashnimida ee ka fog bani’aadinimada dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo waliba Soomaalida keenyaanka ah ee degan dalka Kenya.

6- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay si buuxda u taageersan yihiin wadahadalada labada xukumadood ee Soomaaliya iyo Soomaaliland ee looga hadlaayo dib u yegleelida Soomaali weyn waxayna ka codsanayaan walaalaha Soomaaliland in maantey ay Soomaaliya badbaadiyaan sidii waligoodba ay horseed ugu ahaayeen wadinayadda iyo soomaalinimadda isla markaana ay fursad labaad siiyaan riyaddii qof walba oo soomaali ah ee aheyd in la helo jamhuuriyad Soomaaliyeed oo ay wadaagaan dadka soomaaliyeed ee ku nool geeska Afrika. Waxaana rajeyneynaa inuu madaxweynaha Soomaaliland mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo uu noqdo aasaasihii iyo aabihii soomaaliyada cusub oo isu keeno labada ummaddood ee cadowgu kala irdheeyey isagoona taariikhda ummadda Soomaaliyeed ee geeska Afrika uu ka geli doono baal dahab ah oo waligii aan la iloobi doonin.

7- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ku baaqayaan in odayaasha beesha Hawiye wada hadalo la furaan ururka Alshabaab isla markaana si fiican loo dhageysto lana tixgaliyo dooda Alshabaab ee ku saabsan isku xirnaanshaha wadida dagaalka hubeysan iyo ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya iyo dhaqangelinta shareecada islaamka ee dalka Soomaaliya taasoo ah aasaaska iyo gundhiga dagaalka ay wadaan Alshabaab.

8- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ku baaqayaan in la joojiyo dulmiga iyo sadbursiga lagu haayo dadka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Haddaan nahay jaaliyaddaha beesha Hawiye ma jirto cid aan ka yeelayno in mugdi la galiyo maqaamka magaalada Muqdisho lalana simo tuulooyin iyadoo masuuliyada arintaas ay qaadayaan cidda saxiixda qoraalo lagu duudsinaayo xaqa caasimadda iyo bulshada 5 malyuun ee ku noolba. Qeyb walba oo la sameynaayo Muqdisho waxa ay xaq u leedahay ugu yaraan sadax laab iyadoo loo eegaayo tirada dadka ku nool iyo meesha uga taalo qof walba oo soomaali nadiif ah meel walba dunida haka joogee.

9- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ugu baaqayaan beesha caalamka in si degdeg loo xoojiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lana siiyo hub casri ah oo ay ku hanan karaan sugida ammaanka dalkooda si looga maarmo ciidan shisheeye oo ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan dib u heshiisiin dhexmarta soomaalida iyo nabad ka dhalata Soomaliya isla markaana la muddeeyo waqtiga ugu danbeeyo ee askariga shisheeye uu ka baxaayo dalka Soomaaliya.Waxaan u sheegeynaa caalamka in ay lagama maarmaan tahay in la sheego waqtiga ay Amisom ay naga tagayaan mise waa nala qabsadey oo waligeen waa nala heysanayaa ilaa aan xoog iskaga saarno ciidamadda shisheeye ileen cid sheegaysa ka bixitaankooda ka maqalno ilaa iyo hadda.

11- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ku baaqayaan in marnaba aan la dheereyn karin lana kordhin karin muddada xiliga kala guurka ee dowladda ku meelgaarka isla markaana waxa ay ka digayaan in hogaanka ay horkacayaan labada shariif iyo cabdiwali ay muddada sii dheereystaan inta ay qabtaan doorashooyin been abuur ah iyagoo isticmaalaaya laaluush iyo lacag xaaraan ah oo ummadda laga xaday. Haddii sadaxdaas nin ama midkood uu sii joogo hogaanka dalka bisha Agoosto wixii ka danbeeya waxaan u aqoonsaneynaa inqilaab ku saleysan laaluush iyo musuqmaasuq oo u baahnaan doono in laga hortago si awoodda gacanta shacabka loogu soo celiyo.

12- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ugu baaqayaan odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho inay diidaan dastuurka Mahiga iyo lixda lugooyo ay saxiixeen oo ay qaataan dastuurkii 1960kii, isla markaana dastuurkii 1960ka lagu kordhiyo qodobo kooban oo tixgalin siinaaya labada maamulgoboleed ee hadda dhisan ee Galmudug iyo Puntland si loo raali galiyo labada maamul ee hadda caqabada ugu weyn ku ah midnimadda iyo jritaanka iyo wada joogidda Soomaaliya ayna wadaan labadaas maamul anaga ayaa Soomaaliya xukumeyno haddii la diidana waan baabi’ineynaa Soomaaliya oo dhan iyo jiritaankeedaba.

13- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay uga digayaan odayaal dhaqameedyada inay laaluush qaataan oo ay masiirka dalka iyo dadka iibiyaan oo ay talada dalkana u gacan galiyaan dad aan aqoon iyo khibrad siyaasadeed laheen kuwaasoo halaagga ummadu ku jirto sii labanlaaba.

14- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ku celinayaan inaysan wax walba oo la sheego inaysan marnaba suurta gal noqon karin in tirada xubnaha dumarka baarlamaanka aan laga kordhiyo 10% maadaama dhaqanka soomaalida uu ka duwan yahay dhaqamo badan oo dunida ka jira isla markaana way adkaan doontaa in ummadda Soomaaliyeed lagu sanduleeyo diimo iyo dhaqamo ay ummaddo kale leeyihiin, mida kaleaad bay u adag tahay in la helo dumar sidaas u tiro badan oo naftooda halis u gelinaayo kursi xildhibaanimo waqtigaan xaadirka oo amaanka Soomaaliya aanan la isku haleyn karin.

15- Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay beesha caalamka u sheegayaan in marnaba in xalka Soomaaliya uusan ku jirin ciidamo shisheeye sidaas darteed ay qasab tahay in la dadajiyo tababarida iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyagoo lagu tababaraayo gudaha dalka Soomaaliya ama wadamada aan colaadda soo jireenka kala dhaxeynin dalka Soomaaliya. Diidmada beesha caalamka iyo xoojinta iyo qalabeynta ciidamadda qalabka sida waxa ay soomaalida u aragtaa in gumeysi lala damacsan yahay oo aan la ogoleen in soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto. Muddo walba oo ay sii dheeraato joogitaanka ciidamadda shisheeye waxa ay badinaysaa naceebka soomaalida ay u qabaan ciidamadaas waxana loo arkayaa gumeysi waxaana badaneyso taageeraada kooxaha diidan ciidamadaas marka hala dadajiyo diyaarinta ciidamo qaran oo hanan kara ammaanka dalka.

16. Jaaliyaddaha beesha Hawiye waxa ay ka codsanayaan amiirka ururka Alshabaab sheekh Abu Zubeyr iyo madaxda sare ee Alshabaab inay ka tanasulaan ka mid ahaanshaha ururka Alqaacida oo ay ku soo noqdaan ajendahooda siyaasadeed ee wadaniga ah ee dalka Soomaaliya looga dhigaayo wadan looga dhaqmo shareecada islaamka taasoo ay taageero xoog leh ay uga heli karaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto gudaha iyo dibaddaba.Waxaana soo dhaweyneynaa hadaladii ugu danbeeyey ee SHeekh Yuusuf Kabakutukade iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys ee ka hadlaayey doorka qurba joogta iyo dib u xoreynta iyo xasilinta dalka Soomaaliya laakiin waa in marka hore ay Alshabaab cadeeyaan inay u shaqeynayaan danta Ummadda Soomaaliyeed oo aysan u shaqeynin Alqaacida oo ah urur yar oo ka mid ah ururada islaamka ee caalamka ka jiro isla markaana doodo weyn ay ka jiraan in habdhaqankodu uu waafaqsan yahay diinta islaamka iyo in kale.

17. Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay cambaareynayaan mowqifka dowladda mareykanka ee ay ku dhiirigalineyso dilka sharci darada ah ee madaxda Alshabaab waxa ayna jaaliyadaha beesha hawiye u arkaan dhiirigalinta noocaas ee ka imaaneysa dowladda Mareykanka inay tahay nasiib daro weyn oo ay faraha ka bixineyso rajada laga qabo wada hadalo lala galo ururka Alshabaab isla markaana ay xoojineyso awoodda ururka Alshabaab maadaama bulshada muslimiinta ee adduunka ay neceb yihiin siyaasada mareykanka ee arimaha dibadda guud ahaan,gaar ahaan qadiyadda reer Falastiin oo ah astaanta ummada muslimiinta ay ku qiyaasaan miisaanka siyaasada Mareykanka.

18. Jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ugu baaqayaan madaxda Alshabaab haddii amiirka iyo ragga ku dhow dhow ay ku madax adeegaan ka mid ahaanshaha ururka Alqaacida oo ay ka tanasuli waayaan inay hogaamiyaasha kale ee Alshabaab ay sameystaan urur islaami ah oo wadani ah kaasoo ujeedadiisa tahay soo celinta sharaftii ummadda Soomaaliyeed iyo hirgalinta shareecadda islaamka taasna waxa ay keeni doontaa taageero xoog leh oo ka timaada qurba joogta sidii awalba loo taageeray ururkii burburey ee dib u xoreynta Soomaaliya.

19. Jaaliyaddaha beelaha Hawiye waxa ay ka codsanayaan Ambassador Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cade) inuu isku soo taago jagada doorashada madaxweynanimadda dalka Soomaaliya maadaama uu khibrad hogaamineed iyo mid siyaasadeed oo la soo tijaabiyey uu leeyahay uuna wada hadalo la gali karo kooxaha hubeysan ee dowladda ka soo horjeeda, wax weyna uu ka badali karo xaalada dalka Soomaaliya, haddii Nuur Cade uusan isa soo sharaxin jaaliyadda beesha Hawiye wax ay soo dhaweyneysaa cid walba oo doorashada ku guuleysta waxaana ay aad uga digeysaa in nidaamka labada Shariiif iyo CabdiWali laga dhigo mid joogto ah taasna waxa ay horseedi doontaa rabshado iyo caqabado hor leh iyo ummada Soomaaliyed oo kalsooni baxda beesha caalamka gebi ahaanba.

20. Ugu danbeyn jaaliyadaha beesha Hawiye waxa ay ugu sheegayaan caalamka cod dheer in haddii laga madax adeygo baaqyada iyo dhawaaqyada kasoo baxaya hogaamiyashaasha beelwaynta Hawiye guddo iyo dibadba, culumaa’udiinka iyo waliba ummadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwanba in beelwaynta Hawiye iyadoo sidii lagu yaqaanay waligeedba kaashanayso ummadda Soomaaliyeed ee samaha jecel inteeda badan ay xaq u leedahay inay is abaabusho oo ay sameyso kacdoono aan hubeysneen oo lagu muujinaayo mowqifkooda ku aadan xaalada dalka.

Jaaliyadaha beelaha Hawiye ee Yurub iyo Ameerika iyo golaha badbaadinta beelwaynta Hawiye.

Nagala soo xiriir emailkaan : uschawiye@hotmail.com

Hawiye Irir Samaale
uschawiye@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)