Somali News
    Hees  

Maqaal:XILKAS LA’AAN + XASAANAD: XAQDARRO XAL U BAAHAN (Maxamed Xaaji)

Isniin 7 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


XILKAS LA’AAN + XASAANAD: XAQDARRO XAL U BAAHAN (Maxamed Xaaji)
QAYBTII 2-AAD

Waxaannu kusoo jirney dhibaatooyinka cadaaladeed ee ay caalamka ku hayso waxa ay siyaasiyiintu u baxsadeen XASAANAD SIYAASADEED (Political immunity) oo ah xaq ay iyagu isu siiyeen si ay dantooda u fushadaan iyagoon ciqaab iyo sharciba midna cabsi ka qabin iyo sida ay aragtidaasi islaamka uga fogtahay,  aan hadaba inyar dul istaagno hab dhaqanka qofka qura ee ay tahay in aanu ku dayanno si aan u  fulinno awaamiirta ALLE kaasoo ah nabigeenii suubanaa ee MUXAMAD (NNKH).

Xaqiiqdii waxay ahayd oogista iyo ka dhabeeynta cadaalada nabigeenna Muxamad (NNKH) oo ahaa hogaanka ruuxiga ah iyo midka caadiga ah ee islaamka ugu sareeya mid aad ka dheehan karto sida uu xitaa naftiisa iyo gurigiisa miiska u saaray marka ay timaado oogista sharciga ALLE.

Sida ay werineeyso CAA’ISHA ALLE haka raalli noqdee waxay tiri ‘’Dadka reer QUREEYSH ayaa ka werwersanaa xaalka gabar reer BANII MAKHZUUM ah Oo dabcan ahayd ‘LAFTA GEELA BADHA’ sida aan u niraahnee khaldan oo dabcan xatooyo ku kacday.

Meelihii bay eegeen reereheedii oo waxay is waydiiyeen ‘’TOLOOW YAA NOOGA ERGEEYA (naga xigsada) RASUULKII ALLE (NNKH)?’’ Deeto qaar baa yiri ‘’Qofina kuma dhoco aan ka ahayn USAAMA BIN ZAYD oo uu rasuulkuu aad u jeclaa’’.
Markii uu Usaama arintii nabiga ula tegey wuxuu yiri RASUULKU (NNKH) ’’Ma waxaad ka ergeyneysaa qof galay dembi sababaya ciqaabta ALLE?’’ Kadib NABIGU wuu istaagey oo wuu khudbadeeyey isagoo leh:

‘’Wixii baabi’iyay qaramadii idinka horreeyey, waxay ahaayeen hadii uu wax xado qof sharaf leh oo ka tirsani way cafin jireen, balse hadii uu kan liitaa wax xado way ku qaadi jireen dembigiisa oo way ka bili jireen xadka’’.  ALLAH baan ku dhaartee hadii ay gabadheeyda FAADMA wax xadi lahayd waan jari lahaa GACMEHEEDA’’ ayuu ku dhaartay Nabigii suubanaa (NNKH)(Saxiix Bukhaari, Cutubka 4-aad, Kitaabka 56-aad, tirsiga 681).

DAGAALKII BEDER
Iyadoo loo taagan yahay dagaalkii BEDER oo ahaa kii ugu horeeyey ee abid dhexmara kufaartii Qureeysheed iyo islaamka oo markaa curdan ahaa ayaa nabiga (NNKH) oo toostoosinaya safka asxaabtii dagaalka u taagneyd wuxuu caloosha ul yar kaga dhuftay mid ka mid ahaa asxaabta oo ahaa Cukaashah (RC).

Askarigii baa deeto nabiga u cowdey ‘’Nabigii Alloow ushaad igu xanuujisay’’ ayuu yiri. Rasuulkii ALLE (NNKH) wuxuu si halhaleel ah u faydey calooshiisa isagoo ka cudur daaranaya cabashada saxaabiga wuxuuna yiri ‘’Waan ka xumahay, laakiin waad iga gudan (Aarsan) kartaa adigoo sidii oo kale sameeynaya’’ deeto saxaabigii baa horay usoo joogsadey isagoo dhunkaday/shumiyay caloosha nabiga isagoo leh ‘’Intaa unban rabey RASUULKII ALLOOW’’.

Sidoo kale khaliifadii islaamka, barasaabyadii, qaar ka tirsan taabiciintii iyo kaaliyayaashoodii oo dhami waxay dabaqayeen isla shucuurtii cadaaladeed ee uu nabigu kaga tegey inagoo tusaale usoo qaadan karna qaar ka mid ah sida CUMAR iyo CALI oo labaduba ka tirsanaa khilaafadii toosneyd.

Aanu soo qaadano sheekadii caanka ahayd ee dhex martay CUMAR BINU KHADAAB (RC) iyo barasaabkii MASAR CAMAR IBNUL CAAS oo la sheegay inuu wiilkiisa Muxamad Bin Camar uu mar jeedlay (Karbaashey) qof ka mid ah Khibdiyiinta reer MASAR oo deeto inta MADINA u safray arintii uga cowday AMIIRUL MU’MINIINKA Cumar Binu Khadaab oo markiiba u yeerey CAMAR iyo wiilkiisa.

Deeto Goortii ay MADIINA yimaadeen ayuu Cumar Binu Khadaab wuxuu jeedalkii u dhiibey KHIBDIGII isagoo waydiisanaya inuu jeedlo wiilka barasaabka weliba aabihii oo jooga.
Markii uu ka aargutey ayuu Masrigii jeedalkii u celiyay CUMAR oo mar kale MASRIGII ku yiri ‘’Sidoo kale hal jeedal u geli barasaabka sharafta leh, waayo wiilkiisu kuma garaaceen hadii aysan ahaateen QABKA BEENTA ah ee uu ka dhaxlay xafiiska sare ee uu aabihii fadhiyo’’.

Deeto dacwa qabihii ayaa yiri ‘’Qofkii i garaacay waan ka aarsaday’’ Cumar ayaa isna wacad ku maray ‘’ALLAAN ku dhaartaye hadii aad barasaabka (Camar Binu Caas) garaaci lahayd inaanan kaa qabteen, laakiin hada iskaa baad u daysay’’.

Bal eeg aayadan sharafta leh:
5:8
 
‘’ALLAH wuxuu qur’aankiisa ku leeyahay ‘’War hooy kuwaa ALLE rumeeyoow si adag ugu istaaga qiritaanka SINAANTA oo yuusan cadaaladda idinka hor istaagin naceybka aad dad (Qoom) u qabtaane cadaalad fala……..’’ Surah Ma’idah……. Aayadda 8-aad.
Sidoo kale waxaa jirtey isla qisadii Camar Binu CAAS oo hantidiisii xalaasha ahayd ee uu Masar ka tabcaday uu Cumar Bin Khadaab uu ku yiri ‘’MIN AYNA LAKA HAADAA’’ (Halkee waxaan ka keentay).       

Maxaad u malayneysaa maanta oo siyaasadda oo dhanba loo galo WAX KA QABSO oo umadda jali, in hantida shacabka la dhoco iyo in xoolaha umadda la cuno oo qura xilli ay baahi iyo cudurro la ciirciirayaana coodkoodii caloosha laga buuxsado.

Gunaanadkii marka aad eegto cadaaladda aan laalaabka lahayn ee ISLAAMKA waxaad ogaaneeysaa in ay dadka oo dhami u siman yihiin mansab kastoo ay leeyihiinba, halka sharciga Ingiriiska ee ‘’LAMA CANAANTANIMADA’’ ku dhisani uu asaas ahaan iyo garsoor ahaanba yahay mid MARIN HABOOW iyo IS BURRIN  u bandhigan.

Laakiin marka ay timaado XASAANADDA DIBLOMAASIYADDA (Diplomatic immunity) yaan lagu khaldin aragtida reer galbeedku ka qabaan xasaanadda siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed sida tan uu dejiyay RAYMOND DAVIES.

Islaamku wuu ogolyahay xasaanadda diblomaasiyadeed ee ah in la dhoowro oo la karaameeyo ERGADA SIYAASADEED  iyadoo la siinayo fursad iyo jawi uu ku gudan karo shaqadiisa siyaasadeed iyadoo aan la xanibin iyo iyadoo aan amaankiisa, noloshiisa, hantidiisa, kaaliyayaashiisa iyo degaankiisa wax halis ah la gelinin.

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto; maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)