Somali News
    Hees  

Maqaal: LA YAABKA CASRIGA: SAMSUNG oo soo saartay TV aad la hadli kartid...!

Isniin 7 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


LA YAABKA CASRIGA: SAMSUNG oo soo saartay TV aad la hadli kartid...!
(TV adiga ku daawanaya)

''ADUUN HADII JOOGTID GEEL DHALAAYANA WAA ARKEEYSAA'' Waa tibaax caan ah waloow ay farsamo ahaan khaldan tahayna micno wayn ayay sameeyneysaa murti ahaan.

Waxaan maqalnaa jiritaanka PLANET X, Suxuunta duusha, ama farsamada NANO technology , ROBOT cuntada kariya, ku dukaamada iibiyana waa la arkay laakiin intaasi kuma qanacsana dunidan wejiyada badan ee maalinba is bedeleysa.

Sharikada SAMSUNG oo ah sharikad KOOFUR KUURIYAAN ah ayaa soo saartay jiil cusub oo ah TV-yada nooca loo yaqaano SMART TV oo ah nooc u dhigma telefoonada ama kumbiyuutarada taabashada ku shaqeeya ee TOUCH SCREENS-ka ku caan baxay.

TV-gan ayaad u gacan haatin kartaa waloow ay waali u muuqan karto misna waa wax jira, waxaad bedeli kartaa HILINKA (Channel-ka) aad markaa joogto adigoo aan u baahanin adeegsiga gacantaada ama remote-ka, waxaad kaloo dheereeyn kartaa ama gaabin kartaa mugga codka (Volume) adigoo afka uun ka hadlaya balse waa inaad wax waliba u martaa hanaanka saxda ah waayo waxaa laga yaabaa inuu TV-gu garan karo luuqado gaar ah marka ha isku xabeejin xarfo uusan aqoonin.

TV-gan oo ah dufcaddii u dambeeysey ayaa waxaa sidoo kale ku rakiban HD Camera sawir qurxoon, qalab codka garanaya iyo laba cod baahiye oo mataano ah taasoo adigoo kaashanaya adeega khadka internet-ka kuu sahlaysa inaad ku hadasho SKYPE-ka iyo adeegyada la midka ah oo aad arkayso qofka aad la hadlayso oo waadax ah sida adiga oo qof ku waraysanaya ISTUUDIYE TV caalami ah.

Si kastabaseTV-gan ayaan iimihiisa leh iyadoo la sheegay inay ku rakiban yihiin muuqaallo sahlaya inuu duubo ama kaydiyo xog ku saabsan qofka daawaday, waxa uu daawaday, inta jeer oo uu daawaday iyo awaamiirta uu siiyay TV-ga taasoo keeni karta inay dad badani gadaal uga joogsadaan maadaama ay arintaasi ka horjeedo gaarnimada qofka (Personal privacy) isla markaana aysan cadeeyn inay SAMSUNG xogtaasi la wadaageyso qaybo 3-aad (Third parties) iyo in kale.

Sharikadan SAMSUNG oo la dhidbey sanadii 1938-kii isla markaana degan isla xaafadda SAMSUNG ee magaalada SEOUL ayaa sanadihii ugu dambeeyey u muuqatay mid faani karta oo feceed fara dheer iyadoo ay dadka u dhuun daloola tartamada suuqyada elektroonigu ay qabaan inay xitaa suuqa kala bixi karto sharikadda APPLE oo rajoowdey tan iyo markii uu ka xijaabtey STEVE JOBS waloow uusan bandhigeedii is bedelin.

Balse sharikadda LG oo lafteedu ah SOUTH KOREAN ayaa bandhig carwo oo lagu qabtay magaalada LAS VEGAS ee gobolka NEVADA ee dalkaasi Maraykanka kusoo bandhigtay SMART TV aad cod ku duubi karto, TWITTER-ka aad ka isticmaali karto, webabkana aad ka geli karto balse maaha mid aad ku qaylin karto oo qowlkaaga wax kasoo qaadaya sida midka ay haatan soo bandhigtay SAMSUNG.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto: maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)