|
Maqaal: Saxiixayaashu Seey rabaan ?

Saxiixayaashu Seey rabaan ?
•Saxiixayaasha aan sharcigu qaban. Marba magac ayaa soo bixi jiray, sannadakan waxaa soo baxay magaca saxiixayaasha oo ka kooban xubna mushakal ah oo ka soo kala jeeda dhicya aan leheeyn miisaan siman waqiguna wax isagu daray,ayagu isma rabin laakin waxaa is rabsiiyay qola dan leh. Shirkii lagu magacaabay markii eey tagayeen ma ogeeyn in xilkaa loo magacaabi doono iyo howsha loo igma doono midna. Waxa eeysa dareemeen in la sii doono awood u gaar ah, kamafekerin muddada eey dhamaan doonto iyo saameeynta eey yeelan doonto midna.
•Xubnahaa koktaylka ama mushakalka ah markii hore kama fekerin qodobka 58-shuruudda Xildhibaannimada: (a) in uu yahay Muwaadin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya,Dhimirkiisu dhan yahay. Laba saxiixayaasha ka mid ah ayaa hore u qabay cudurka waalidaa, ( dhimirtagay dhamaan sooma noqdo) welina lama hayo cadeeyn dhaqtar in eey ka bogsoodeen,taasi ayaga waxeey u tahay nasiib wanaagsan marka dhinac laga eego,sababta oo ah dambi haddii eey galaan ama kan hadda eey galeen maxkamad laguma soo taagi karo ,waxa ku filan ayagoo qareen wanaagsan qabsada ,soona qaata cadeeyn dhaqtar in weli daaweeyntu u socoto,markaa haddii aad tiraa hanti qaran ayeey xadeen waxaa kugu filan in lagu yiraa adigaa qof waalan wax u dhiibtay .taa oo ah go’aanka makamadda .
•Tan kale waxaa jiray qodob hore in kastoo hadda laga noqday , qofka xildhibaan noqonaya waa in uu heeystaa shahaado dugsi sare,waxaa soo baxday in laba ka mid ah saxiixayaashu eeyna heeysan shahaado dugsi sare iyo mid ka hooseeysaba,qodobkaana waxaa loo celiyay sidiisii IMPAGAATI,oo la yiri: shahaado dugsi sare ama waaya aragnimo u dhiganta,waaya aragnima u dhiganta markii aan weeydiiyayna waxaa la iigu sheegay DA’ in uu gaaray da’da dugsi sare xattaa haduuna wax baran.
•Shuruud kale ayaa ah in uuna noqon hogaamiye kooxeed dambi ka galay dalka ,qodobkan ayaa mar kale saameeyay saxiixayaashii qaar, hogaamiye kooxeed. Waa laba eray, koox iyo hogaamin intooda badani waxaa eey hogaami jireen kooxo dagaalamay ASMARA kadib iyo ka horba, somaalidiinaa badanaa, waxa eey wada noqdeen: gacan ku dhiigle, Af ku dhiigle,jeeb ku dhiigle,tusbax ku dhiigle, qalin ku dhiigle,cimaamad ku dhiigle ,mana jirto maxkamad ku cadeeyn karta hadda, ilaa taa la helana qofka lama dhihi karo eedeeysane wax ka badan.waxaa la yiri qodobkan ha iska qornaadu ee yaan lagu dhaqmin.
•Qodob kale ayaa leh: Yaan dambi ka galin Qaranka,taa inta aad ka ogtahay adaan kuu dhaafay!!!. Qodob kale ayaa leh waa in uu yahay Muslim ku fiican muslimnimadiisa, kawaran mulinnimada xildhibaan Hebel, taana adaan kuu dhaafay!!!!!.
•Duqda Clinton safarkeeda waxaa ugu muhimsanaa koofurta suudan in la qaato ga’aan Mareykanka iyo shiinaha u wada daneeynaya oo ku saabsan shidaal qeeybsiga labada suudaan. La kulanka soomaalidu ma aheeyn muhimadda kowaad ee wuxuu ahaa qaraaba salaam bacdamaa eey aaga soo gaartay ,Weey u hambalyeeysay waxaa eey ka baqeeysay in wax ka daran soo baxaan August kadib,kuwan ayaaba fara laga hayaa oo maalintii la doono feeylkooda la soo bixi karaa hadii eey dhaga adeeygaan.
•Xildhibaanada cusub ,60-70% waa la hubaa in aan rabitaanka cidda eey matalayaan aan lagu soo dooran.
•Dastuurka waa la gudbiyay( passed) ee lama ansixin ,qof kastana duuduub iyo isku duub ayuu u taageray asagoo ka baqaya in dib u dhacu uu keeno ka daran ,si kastaba indha damuuq ayaa lagu wada ogalaaday dantaa tiri, haba dhacdee sidiisa ma loogu dhaqmayaa –MAYA,dhibka soomaalidu waa yaraa lahaa haddi wixii lagu heshiiyo ,sidii loogu heshiiyay loogu dhaqmayo,markii la ogoolaaday dastuurka maalma yar kadib saxiixayaashii ayaa Nairobi ku shiray waxa eey soo saareen go’aamo ka soo hor jeeda dastuurkii raadkiisa asnsixintu qoynaa iyo odayaashii wax xulayay oo markoodii horeba dhibanaa ayaa la yiri: saxiixayaasha qaar ayaa leh awooda eey dhaqanka wax la soo xulaan, haddii habka xuliddo saa ku sii socdo,Waa la hubaa in xildhibaana badan eey sababsan doonaan dad eey qaraaba yihiin. Kuwabadan in dhiig kar eey sabab san doonaa. Sababta oo ah Wixii eey saxiixayaashu rabaan ayaa sax ah ,waxaa nasiib wanaag ah in eeyna wax isku raaceeyn dhaxdooda.
•Markii odayaasha dhaqanlu Muqdisha yimaadeen waxaa sare u kacay sicirka cimaamadaha, markii eey ka baxayeena waxaa sare u kacay sicirka shahaadooyinka- shahaadooyinkaa oo u badan jaamacada wadanka Lubnaan-1980-1990. oo kala ah shahaadada heerarka kala duwan ee jaamacadaha.
•Markii hore cabdulla shidaay qeeybta Bakaaraha iyo Xamar weeyne ayaa jiray hadda BRANCH –yaal ayaa laga furay magaalada weliba K-4 iyo meela u dhaw xarunta odayaashu degan yihiin si howlaha loogu fududeeyo xildhibaanada cusub.
•Qaar ayaa usbuucii hore sameeystay shahaado dugsi sare,laakin tolkii dhaxdiisa ayaa waxaa kula tartamay kuwa heeysta shahaada jaamacadeed, dib ayeey u noqdeen waxeeyna soo laabteen saddax saacadood kadib ayagoo wata shahaado jaamacadeed, wuxuu ku dhaaranayaa in uu jaamacadaa ka soo baxay,dhaartu micna lama leha hadiiba uu helayo xildhibaannimo, mar ayuu boqoradda ingiriiska magaceeda ku dhaartay, markale calanka mareeykanka,…markale…..markale…..kibrad ayuu u leeyahay sida loo dhaarto.
•Magaaladu waa wada xeeydan tahay,mashaa’ikhdii koofidii iyo cimaamadii ayeey wada tureen, khaliif kutubihii ayuu tuuray, odaygii macawistii ayuu tuuray,diyaasbora dacas na ma reeban, siyaasi waa iswada qaawiyay,kuwa qarsho u jabantahaa wada eryanaya,iyana kuwa kalaa sii eryanaya,muqadishana waa wada yaacday,xaggee loo yaacay? Lama yaqaan. Dadka wada yaacayo markaad aragto waxaad soo xasuusanee Fillimkii Meykal jakson,ee Cabsida dadkii iyagoo heesaya qubuuraha ka soo baxayay,mid bari hore dhintay, mid cusub oo karfantii garabka u saarantahay waa wax wada qaabdaran. Muqdishana meeytaa xil raadinee.
•Waxaa hore loo fashiliyay siyaasiyiin , hogaamiye kooxeedyo, ururo bulsho,culumaa’udiin,diyaasbora,haddana waxaa la karaama tirayaa odayaasha dhaqanka,yaa soomali u haray oo leh karaamo in fadhiga looga kaco.
•Waa nala sidaahe meel khayr leh salka ALLA ha noo dhigo
Prof. Yaxya sh. Caamir. E-mail: yahyamw4@gmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|