Somali News
    Hees  

Maqaal: Dustuurka duminta soomaaliya


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dustuurka qofki diida waa la xiraa qofka yeelana waa la dilaa
Meesha arrimuhu ay marayaan waxaa hubaal ah inaan galnay marxalad lagu magacaabi karo MAALIN MADOW..Labaatanki sano ee la soo dhaafay weli arrimaheynu ma gaarin meesha mugdiga ah ay maanta marayaan, waana marxalad ay aad u adkaan doonto si looga baxo ama looga badbaadiyo dadka iyo dalka. Xilligi burburka taladeenu waxay ku jirtay gacan dad wax-ma-garato ah oo wax walba iib geeyay, dalki xaalufiyay, dadkina barna baraciyay, barna laayay, barka soo harayna ka tirtiray qiyamki iyo qiiradi wadannimo ( nationalism value), caqiidadi Islaamka, wax walbana xalaashaday si ay u noolaadaan.. waxaana la waayay wax Soomaali xaaraan ka ah, kaddib markii ay xalaashadeen dhigga dadka oo ay qaarkood maanta ku faanaayan inay dad dileen iyagoo diinta ku gambanaya....

Intaa aan soo marnay iyo inta maanta nagu dheceysa oo ay ugu xun tahay kuwa dadki sidi xoolihi u qalaaya waxaa ka liita in ummadda lagu qasbo dustuur aan wax dan ah ugu jirin, sababta kalliftay in la isku qasbana aan weli la garan..dadka qaar waxay aaminsan yihiin in waxa loola jeedo ay tahay in MUQDISHO laga xayuubiyo wadciga qaanuuniga ah(legal status) lagana dhigo meel aan cidina lahayn oo dadka oo dhan ka dhxeysa ...cadawga Muqdisho aad ayuu u fara badan yahay, waxaana weligeed ku socday olole aan kala go’ lahayn oo gees walba ah.

Dhanka kale, waxaa si dhab iyo dhaqso leh loogu baahan yahay in la dhuuxo xaaladda uu maanta maraayo dalka iyo mawaaqifta la kala taagan yahay, siiba dadka dalka hogaanka u haaya sida (Madaxweynaha, R/Wasaaraha & wixi soo raaca) oo laga filaayay inay ka hortagaan makriga Mr.MAHIGA oo guluf dheer mar hore soo billabay waxaana la sugaayay in laga takhaluso intey goori goor tahay uusan nala soo gaarin xilligaan.

Waxaa nasiib darro ah in MAHIGA uu handado Soomaali oo dhan oo qofkii ka soo horjeesta qorshaha loo soo dhiibay oo ah burburinta Somaliya uu tallaabo ka qaadaayo isagoo isku halleynaya ciidamada Ugandha...wuxuu joogaa heer uu isago noqdo UN, AU iyo IGAD inkastoo AU iyo IGAD uu go’aankooda leeyahay MELES ZENAWI magacoodana lagu handado Soomaali intooda dareenka leh ee garatay waxa socda iyo cidda dabada ka wada.

Dadka maanta lagu adeganayo oo dowladda TFG sheeganaya waa dad runtii aad u liita oo isu xilsaaray inay Soomaaliya iyagu geeyaan meesha ay rabaan...waxaa la yaab leh in R/Wasaaraha maanta jooga uu isagu soo xulaayo oda-dhaqameedka Soomaalida oo loo igamaday soo xulidda kuwa ansixin doona dustuurka kaddibna soo xuli doona xildhibaannada...

Waa wax aan la qaadan karin in Cabdiweli maanta uu tixraaco magacyo uu keenay MAHIGA oo ah QASWADAYAAL ...qaska waxa wada waa la yaqaannaa oo ah (real spoilers) kuwasoo uu horjooge u yahay MAHIGA oo loo soo dhiibay gaas si uu demiyo debka ka holcaaya Soomaaliya...haddaba waxaa nala gudboon inaan aduunka u sheegno oo aan tusinno in ninkaan uu yahay nin raba inuu Soomaaliya sii dumiyo, isagoo fulinaya barnaajimka wejiya badan leh oo ku saleysan in aan dib dambe loo arag dowlad dalkaanu leeyahay oo cagaheeda ku taagan oo xur u ah inay ka tashato aayaheeda.

- 2 -
-
Danta qotada dheer ee laga leyahay inaysan degin Soomaaliya waxaa kamida in caasimadda Muqdisho aysan marna hagaagin, waana tan loo xilsaaray fulinteeda MAHIGA &CADIWELI....kan hore wuxuu qaabilsan yahay qaska laga wado dalka oo dhan..midka dambana waa kan fulinaaya qorshaha in dalka laga eryo TURKIGA taasoo C/weli si toos ah oon xishood lahayn weydiiyay inay mashaariicda ay ka wadaan Xamar u wareejiyaan Puntland....waana arrinta ka fajacisay TURKIGA in dalkaanu uusan dowlad daacad ah lahayn.

Maxaa qasab ka dhigay in waqtiga hadda la joogo la ansixiyo DUSTUUR ay dood badani ka taagan tahay ?...yaase loo sameynaa dustuur....Sheikh Shariif haddow u maleeyay in handadaad dal lagu dhaqi karo wuxuu illaabay in kuwa isaga ka xoog iyo xeelo badan laga raacdeeyay dalka iyagoo caga cad..Ogaaw dadka Soomaaliyeed waa iska diideen gebigiisaba, cid xoog ku marsiin kartana ma jirto.

Waxyaabaha lala yaabo oon la qaadan karin waxaa ka mid ah in la yiri baarlamaan ma jiro, laakin Guddoomiyihi xilka laga qaaday ow awood buuxda leeyahay, kana mid yahay madaxda” dalka hogaamioneysa”..sababta ow ku helayna waxay tahay isagoo daacad u ah MAHIGA.

Ummadda Somaaliyeed waxaa manta la gudboon inay shucuurtooda ku muujiyaan dib-baxyo ka dhaca dalalka adduunka oo dhan siiba USA, UK Sweden, Denmark, Holland, Ugandha, Kenya, Italiya iyo meel kasta oo ay Soomaali ka joogto adduunka si loomuujiyo in aanan raalli ka ahayn waxa dhacaya, lagana yaabo inay burbur ka weyn midkii hore noo horseedo haddii aan laga hortegin intey goori goor tahay.

DUSTUURKU HADDUU DAN U YAHAY UMMADDA MAXAA LOOGU BIXINAA LAALUUSH LA SIINAYO INTA DIIDAN ?

Ahmed Cadde
ahmedalasso@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)