|
Maqaal: Ma oran karnaa Muqudisho waa magaalo matali karta caasimadii qaranka Soomaaliyeed
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa oo fursadan I siiyay in aan qoraalkaan soo gudbiyo, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadibna dhammaan bulsho weynta Soomaaliyeed meel walboo aad joogtaan waxaan idiin leeyahay asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.
Dunidan aynu ku noolnahay meel walboo aad ka tagto iyo waddan walboo aad booqato waxa aad ku arkeysaa magaalo u ah caasimada ama halkii looga talinayey waddankaas. Magaalo madax walbaa waxaa ay leedahay shuruuc u gaar ah oo lagu dhaqo iyadoo lagu maamulo xeerar u gaar ah oo ay u siman yihiin dhammaan shucuubta waddankaas ku abtirsada. Caasimada waa in ay noqotaa had iyo jeer magaalo loo siman yahay fursadaha ka jirana si isku mid ah loo wada qeybsado haddii ay noqoto fursadda shaqada, ganacsiga, waxbarashada iyo waliba in qof walbaa meel walbuu ka yimaado uu xaq u leeyahay in uu maalgashan karo, hanti ku yeelan karo iyo waliba dhulkeedana oo uusan cidina marti uga aheyn. Iska daa muwadiniinta waddankaas waliba waxaa fursadahaas mid la mid ah la siiyaa ajnaaniibta kale ee waddankaas ku nool ee sharciyada ku leh.
Magaalada Muqudisho bur burkii ka hor waxa ay aheyd magaalo ay ummadda Soomaaliyeed ay wada degan yihiin oo Soomaali hanti wixii ay laheyd la galiyey, waxaa si gaar ah loogu xasuustaa hantidii aadka u balllareyd ee ay ku lahaayeen Labadii maalqabeen Allaha u xariistee Jirde Xuseen oo asal ahaan kasoo jeeday deegaanada Somaliland iyo Ibraahim Uunlaaye oo isagana kasoo jeeday deegaanada Puntland ahaana muwaadin ku dhashay Kismaayo, hantidii ay galiyeen caasimadii waddanka. Waxaa marag madoonto aheyd guryihii ugu quruxda badnaa uguna waaweynaa ay ku lahaayeen wadnihii waddanka: - { Sabboyo Centre, kafee nasunaale, daartii Kulmis, Daartii Jirde Xuseen, Guryo baddan ay safaaradaha deganaayeen} hantidaas maanta waa meelo lama degaan ah ama ay dad aan laheyn degan yihiin bilaa shuruud. Waxaa intaas dheeraa in hantida la galiyey magaaladii Xamar ay boqolkiiba 80 dadkii lahaa ay maanta ka qaxeen ama xoog looga heysto.
Dadkaasi wey jirtaa in afka laga yiraahdo hantidiin soo doonta ama la leeyahay waa leydiin hayaa xoolihiina, laakiin ayan aheyn arin camali ah.
Muqudisho maanta waxaa ka ah Mayor ama duqa magaalada nin muwaadin Soomaaliyeed ah oo waliba waayo arag ah kana yimid qurbaha Mudane Maxamuud Tarsan. Haddaba Tarsan wuu la socdaa qaabka iyo nidaamka looga nool yahay adduunka wuuse soo arkay sida umadaha fursadaha loogu siman yahay. Tarsan hoos ma u eegtay golahaaga deegaanka iyo waliba gudoomiyayaasha magaalada Xamar, hoos ma u eegtay shaqaalaha ka howlgala hay’adaha dowladda iyo deegaanada ay kasoo jeedaan, hoos ma u eegtay fursadaha deeqaha waxbarasho ee ardeydeena lagu siiyo magaca qaranka iyo inta qeybsata, hoos ma u eegtay fursadaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool gobolada dalka iyo xaquuqda kaga maqan caasimadii.
Tarsanoow markaad intaas dib u eegto ma isweydiisay halkee ayeey ku maqan yihiin ummaddii Soomaaliyeed. Caasimadii Soomaaliya wey ka weyn tahay meel ay beel qura siday doonto ka yeesho. Sidoo kale madaxweyne Shariif ma isweydiiyay xuquudii umadaha kale.
Muqdisho waa magaalo deegaan ahaan aad u qurux baddan Soomaali oo dhan ku filan caasimad ahaan, leh xeeb qurux baddan, leh hawo wanaagsan, lehna tansiilaadkii loo baahnaa oo dhan. Laakiin waxaa isweydiin leh Muqudisho muwaadiniintii Soomaaliyeed ma u siman yihiin fursdaha ka jira. Caasimada maaha in aan ku imaado dalxiis ee waa in ay tahay meel aan xaq u leeyahay in aan dego ama aan hanti gashan karo. Waxaa kaloo iyadana xusid mudan in maanta ay magaalooyin fara baddan aad u horamareen oo qaadi kara magacii iyo sharaftii caasimadeed oo aan cidna cid ka xigin haddii la siiyo fursadaas caasimadeed sida Hargeysa, Boosaaso, Garoowe, Burco, Baydhabo, Gaalkacayo, Baladweyne, Jowhar iyo waliba Ceerigaabo.
Haddaba waxaan hadlkeyga ku soo afjari lahaa Muqudisho haddii la doonayo in ay sii ahaato caasimadii dalka waa in fursdaha ka jiraa loogu qeybiyaa Beelaha Soomaaliyeed minqiyaaskii ay ku qoratay dastuurkeeda ee ahaa (4.5) Afar dhibic Shan. Runtii minqiyaaskaas waa wax dulmi ah oo ka muwaadin ahaan ma ictiraafsani laakiin waxaa la yiri waa xal xilligan la joogo. Haddaba fursdaha Xamar ka jiraa waa in mastaradaas la saaraa oo golaheeda deegaanka loo qeybsadaa 4.5, gudoomiyayaasha degmooyinka loo qeybiyaa 4.5, fursdaha shaqooyinka ee hay’adaha loo qeybiyaa 4.5, Ciidamad 4.5, wax walboo ummadda ka dhaxeeya oo ku taxaluqay waa in looqeybiyaa minqiyaaskaas, haddii kale la siiyo magaalooyinka diyaarka u ah in ay Soomaali wax u qeybiyaan kana run sheegaya. Arintaas haddii laga run sheego waxaan qabaa in horumar wanaagsan la gaarayo, laakiin afka baarkiisa wax la ogolaan karaa ma jiraan. Waa in loo sameeyaa gudii ka kooban Soomaali oo dhan oo ku yimaada nidaamka 4.5ka oo ka taliya xuquuqda iyo fursdaha caasimada. Haddii kale waa shimbiryahoow heesa, cid ogolaan kartaana ma jirto.
Hadalkeygu maaha fidno kicin ee waa in Soomaali ay isku laab xaarnaato oo si isku mid ah wax loo qeybsdaaa. Waxaa dhacda dad isweydiiya magaalo heblaba looma sinnee ee maxaa Muqudisho kaliya looga hadlaa, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa nin durbaan qaatay cilaaq dalbay, Muqudisho iyadaa tiri Soomaali ayaan u dhaxeynayaa oo caasimad baan u noqnayaa marka waa in fursad isku mid ah ay u helaan muwaadiniinta ku nool min Raas Caseyr illaa iyo raas kambiyooni. Haddii kale hala raadiyo magaalo kale oo arintaas diyaar u ah wax walboo loogu taliyo.
Sidoo kale caasimad la yiri waa lama taabtaan ma jirto adduunka, xilli walbaa iyo marxalado walbaa haddii loo baahdo waa laga guuri karaa oo meel la isku raacay ayaa laga dhigi karaa. Tusaale waxaa kugu filan India waxaa caasimad u ahaan jirtay Bombay maantana waxaa u ah New Delhi, Nayjeeriya oo ay u aheyd Laagoos maantan Abuuja, Pakistaan oo ay u ahaan jirtay Karachi maantana Islamabad iyo kuwoo kaloo la mid ah. Soomaaliyeey haddii xal la rabo waa in loo xisaabtamaa si daacadnimo ah ee in dad si gaar ah loo qanciyo oo ummad kale xuquuqdeeda lagu tunto wax wanaagsan maaha. Caasimadu waa caasimadeenii Muqudisho waa halkii aan ku dhalanay, wax ku soo baranaya oo Allaah waxaan ka baryayaa in muqdisho ay noqoto mid loo wada siman yahay oo aan cid gaar ah lagu dulmin. Muqudisho waa in ay noqotaa muraayada ay cid walbaa iska arki karto.
Wabilaahi Toowfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser – Leicester UK
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|