Somali News
    Hees  

Aragti: Qofka raba inuu noqdo madaxweeynaha Soomaaliya, ma ogyahay shaqada sugeysa, masse arintu waa CV-ga ii gu dar

Waxaan maqaalkaan qorayyaa aniga oo maanka ku hayya, arintu halka eey mareyso iyo wadooyinka la soo maray. Ma rabo inaan ku sii dheeraado waxii dhacay oo taasi waxeey noqotay mid lawada og yahay, mana suurta geleeyso inaan wax soo socda ka sheekeeyo oo awood uma lihi.

Laakiin waxaan xaq u leenahay inaan wax ku dhisno waxa aan heeysano annaka oo kafaa'iideeys neeyno waxii na soo maray. Mowduuca aan kor ku xusnay anaka oon ka bexeeynin waxaan ognahay maanta halka xaalka Somaliya marayyo iyo arinu sida eey tahay, Somaliya waxeey yeelandoontaa madaxweeyne cusub 20 bisha sideedaad. Madaxweeyne cusub waxuu noqonkaraa kii hore oo mar cusub la doortay, madaxda kalena waa sidaa si la mid ah.

Su'aashii aan kor isku weydiinay jawaabteeda marka aan u dhaadhacno ma ogyahay ninka raba madaxtinimo shaqada su geeysa ayaan liifka saari donaa.

Ayada oo fursadda jirta laga faa'iideeysanaayo muwaadinkastaana xaq u leeyaahy inuu ka faa'iideesto hadduusan denbiyo cayyiman ka gelin dalka iyo dadka uu doonaayo inuu u shaqeeyo, taas oo u diidi karta, haddii maxkamad caadil ah ku caddeeyso denbigaas inuusan qaba karin, waxuu xaq u leeyahay inuu noqdo qof u taagan xilqabasho.

Shuruudahaas markii uu soo gudbo qofku óo eey timaaddo in ummad iyo dal la hugaaamiyo, arintaas ma ahan mid qofkasta ka suura geli karto sababo badan awgoodd, sababaha qofkasta wuu dareemi karaa waxa eey noqokaraan, sida : tacliim, heybad, geesinnimo, xilkasnimo , waayo aragnimo, dulqaad, wadanjaceel, isku ´kalsoonaan, waxmaqal, la tashi IWM.

Arintaas ilaaha umadda abuuray ma wada siin, haddana ma wada tirin oo qeeb ka mid ah ayuu siiyey, taas oo eey isla qiraan ummadda dhexdeeda in qofkaanu yahay dhab ahaan qofkii ugu haboonaa inuu shaqadaan qabto ayada oo lagu kaalmeeynaayo, taasina maanta waxeey noqotey mid qof walbo u cad.

Qofka doonayya inuu ka noqdo Somaliya madax ma ahan shaqada sugeeysaa mid sahlan, oo taasi uma baahna ka sheekeen, laakiin waxaa umadda Somaliyeed la yaab ku noqotay, in dad badan oo la ogyahay waxa eey yihiin iyo sumcadda eey ummadda ku dhexleeyihiin eey tahay mid cad, haddana ku soo dhiiradey inuu yiraahdo waxan ahay qof u taagan xilkaan, waxeey dhalisay ma waxuu rabaa wax qabad masse boorsa u faaruq ah oo uu rabaa inuu buuxiyo,masse beeshiisa ayuu sed bursi u rabaa,? asaga oo laga yaabo inuu ciil hore qabo? Somaliya maanta waxeey ku jirtaa waqtigii eey ugu baahida badneed ineey hesho hugaamiye dulqaadbadan oo og khattar-ta ku hareereysan oo eey al-shabaab ugu weeynyihiin, oo la ogyahay maanta fursadda eey sugayyaan ineey tahay inuu kursiga ku fariisto madaxweeyne aan waxbadan diinta ka aqoon, si eey ummadda khaladaadka uu geli doono ugu marin habaabiyaan, oo eey yiraahdaan maanta ayuuba waxii hore wax ka daran sheegay.

Maanta xaalku meesha uu marayyo marna waa rajo marna waa cabsi, haddii eey dhacdo in laga faa'iideeyso waayo khaladkii dhacay, waxaa imaaneeyso cabsi , haddii laga faa'iidesto waxaa jirto rajo. Intaa waxaa ka daran arin eeysan Somalidu ku baraarugin oo ah dhaliil qofka , laakin qir waxa uu qabtay. Maanta Somaliya waxeey leedahay madaxweeyne waxaa la ogyahay halka uu wax ka bilaabay , inta uu xaalad soo maray iyo sida uu u shaqeeyey ayada oo dakhliga dowladdiisa yahay wax ka yar 2 milyan oo doolar, duruuftaas adag iyo dad jufo iyo qabiil isku heesta oo doonayya gurigii uu xoogga ku heestey 20 sano in lacag lagu siiyo lana yiraahdo mahadsanid ka soo dhexshaqeeyey waxuu mudanyahay in il gaar ah lagu eego.

QORE: CABDULAHI ABDI
Eimail-. fareey095@hotmail.com
fiifii3@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)