|
Maqaal: Kaligey aan Sheego waa kalitalisnimo !!

Wasiir warfaafineedka cusub ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir waxa uu ina yiri Horseedmedia waxay sheegtaa wax caloosha ugu jira!!! waxay iswaydiintu noqonaysaa Radio Garoowe waxa uu sheegaa xagay ugu jiraan ? Jawaabta wasiirka ayaynu ka sugaynaa dabcan Horseedmedia in ay shaqayso ma mudna ayuu yiri maddaama ay sheegto waxal calooleedkeeda markaas Radio Garowe in uu baahiyo mudnaanta wax uu ku mutaystay halka ay ugu jiraan waa jawaab shacabku dhowarayaan !!!
Hordhac
Isbadalka ay bini aadamku samaynayaan marba marka ka dambaysa waxaa horay loogu talaabsanayaa fududayn baahiyeed bulshada Caalamka guud ahaan u baahnayd Tusaale in qof fariin u gudbiyo qof kale xili ayay adkayd , In la ogaado dhacdo ka dhacday dhul fog mar ayay maqlideedu mudooyin ka dib dadka soo gaari jirtay..... , Waxaa fududayn baahiyeedkaas ka mid ah aaladaha casriga ah ee ay qaybta ka tahay Warbaahintu oo looga faa,iidaystay in Bulshada calaamku ku kala qaataan aaraahda iyo sidoo kale in Mufakariintu ku gudbiyaan aragtiyadooda ay la doonayaan Guud ahaan Bulöshada caalamku in ay ku noolaato , Iyo sidoo kale aragtiyo qaybtood oo qaba in ay barbaarsadaan Bulsho Gaar ah, Fidinta diimaha , Hantigoosadka iyo Hantiwadaaga , Nadaam Cilmaaniyeedka iyo Nadaam u noqda Waxyiga . Urur kala duwan oo mabaadi-yo kala gadisan aminsan Iwm waxay ka faa,iidaystaan Warbaahinta .
Bini aadamku waxa uu soo joogay xili aysan si fudud isu gaarin fariimahoodu , waxaase la xaqiijiyay in xiligaan la joogo ay baahidaasu meesha ka baxday si fududna aad fariintaada ugu gudbin karto halka aad u baahan tahay in ay Gaarto, Aragtiyadda is haya ee Caalamiga ah waxay qaybtood ku meel mareen oo kuwa ka soo horjeeda uga shacbiyad bateen waa iyagga oo Meel mariyayaasha aragtidaasu ay adeegsadaan Warbaahinta , Hoggaamiye dal taladiisa qabtay waxa uu Himilooyinkiisa iyo halka uu u hayaaminaayo dadka dalkaas ku dhaqan ee horumanineed ugu baahiyay Warbaahinta kolkaas ayay ku duxday yeeridiisu dadka oo ay codkooda siiyeen uuna Hoggaamiye dal hebel noqday .
Warbaahintu waa mid aan lahayn xad ka joojin kara in ay sheegto dhacdo kasta oo ka dhacda goobta ay ka howl galayso wariyahana shaqadiisa ayaa ah in uu Bulshada usoo gudbiyo dhacdooyinka kala gadisan ee ka dhacaaya cariyadda kala duwan ee ay ka howl galaan waxaa reeban in war been ah la faafiyo iyadda oo dan Gaar ah lagga leeyahay ama koox gaari ku meel marinayso aragtidooda in ay Been sameeyaan.
Warbaahintu waxay soo bandhigaysaa oraahyo aragtiyeedka kala duwan ee Siyaasyintiinta leh han hogaamineedka dal , Urur ,Gobol Iwm ay qabaan , haddi aan bulshada loo soo gudbin aragti labba dhinacle ah oo is diidan oo ay helaan xogta hal dhinac iyo aragtida koox gaar ah arintaasu waxay noqonaysaa Kalitalisnimo marka laga hadlaayo hoggaan maamuleed caburiya aragtiyadda ka soo horjeeda , aragti kastina qabto in iyaddu tahay dhabaha dhib ka bixida iyo u hayaaminta Bulshada baraaraha .
Kaligey aan Sheego waa kalitalisnimo !!
Kaligey aan Sheego waa kalitalisnimo !! qormo kasti sababteed leh , tan maanta waa xiritaanka warbaahinta Horseedmedia xafiiskeedi Boosaaso ee ay xirtay Xukuumadda Puntland , Su,aasha Akhristaha Horseed iswaydiiyay ayaa noqotay Maxaa loo xiray ? Falka dhaca sababta uu u dhacay jawaabteeda waxa leh cidda samaysay falkaas Maamulka Puntland wasiir warfaafineedkiisa Cusub Maxamuud Caydiid Dirir mar la waydiiyay sababta xariga Horseedmedia Boosaaso ka dambaysay maxay tahay waxa uu ku jawaabay "Horseedmedia wixi caloosha ugu jiray ayay banaanka keentay" Waxay u muuqataa jawaabtu mid ka soo maaxatay aragti kalitalisnimo Tusaale haddi fal sameeyuhu uusan sheegin sababta waxay noqonaysaa aragtidayda iyo rabitaankayga wax dhiba ayay sheegtay , Aargidaada mid ka soo horjeeda in ay jirto marka aad diido waxaad ka tagtay Bini aadamka sidda quman u fakaraaya in aad ka mid noqoto Tusaale Dabiici waxa ah in Bini aadamku kala aragti duwanaadaan Balse kuwooda u bislaaday Nolol wanaagsan dunida korkeeda kaaga noolaanshuhu waxay haystaan "Kala aragti duwanaanshahu Colnimo saamayn dhibaateed yeelata ma samayn karto "
Fashilka Maamul leh hoggaamiye iyo hay,addo dowladeed waxaa lagu gartaa marka uu diido in dadku maqlaan aragtida ka duwan tiisa , Horseedmedia xafiiskeeda Boosaaso oo la xiraa waxay cadayn u tahay in Maamulka Madaxayne Faroole hab socodkiisa siyaasadeed ee uu Mustaqbalka Naawilayo yahay mid aan meel mar ahayn .
Arintaas waxaan ku xaqiijin Maamulka haatan ka jira Puntland waxa uu sameeyay Muddo kororsi , Wakhti dherersigaasu ma ahan mid munaasib ah garasha kasti waxay iswaydiinaysaa Dimuqraadiyaynta uu Maamulka haatan Puntland taladeeda hayaa sheeganaayo ma mid Sanadkaas hadaysan ku darsan aan meel mar mustaqbalka noqon karinbaa ? Mase mudan tahay in aad Musuqmaasuq u marto sii joogidaada Kursiga ? Maxaa ka dhalan kara ? midka leh hanka siyaasadeed ee kaa soo horjeedaa maku qanci karaa muddo kororsigaaga ? Maxaad samaysay muddadi aad joogtay ? Shacabka badankiis siday kuu arkaan ?
Su,aallahaan iyo kuwo kale jawabahooda in aad maqasho warbaahinta ayaad marti uga tahay waa akhristaha , Mucaaradku in ay ku kasbadaan halkaan ayay kuu soo marinayaan aragtidooda iyagga oo xaq u leh in ay jeediyaan Siyaasadooda si adagna u weeraraan Maamulka markaas jooga , Mamaulku waa in uu iska difaacaan weerarada uga imaanaaya Mucaaradka isagga oo adeegsanaaya halka Mucaaradku ka hadlaan , si Bulshadu u dheehato aragti laba dhinacle ah , Haddi hal dhinac la dhagaysto markaas qaldanaan iyo saxnaaniba ma jirayso , haddi Maamulka talladda hayaa uu jeclaysto in isagga kaliyi wax sheego waxay muujinaysaa Fashil , Kalitalisnimo , Curin la,aanta aragti kasbasho Bulsho waxayna ka cabsanayaan oo u arkaan in ay ka aragti wanaagsan yihiin saxnaantana uga dhow yihiin Mucaaradka .
Madaxda Maamul taladiisa haysaa haddi ay xadkooda gudbaan oo xeer ka talaabsasho iyo ku tumasho ay timaado waxa xiiso badnaanaaya Mucaaradka warkooda Tusaale Maamulka taladda hayaa Dambiile ayuuba noqonayaa warkiisuna xiiso badan ma yeelanaay , Markaas Maamulku waxa uu samaynayaa sidda haatan dhacday ee ah hala xiro Horseedmedia , Shacabkana Radio Garowe dhagahoodu ha maqleen .
Dhacdadaas cad ee Kalitalisnimadda ah ee asalkeedu yahay is jeclaysiinta Kursigu waxay sababtaa in dhibaatooyin dhacaan , waxay cadaynaysaa in kooxda Markaas tallada haysaa ay yihiin kuwo fashilmay , in aad fashilanto oo aad faaruq ka noqoto filashadi shacabka marna cudur daar uma helayso , mudnaantaaduna waxay noqonaysaa in aad meesha dhaafto , haddi ay is jeclaysiiyaan , rabitaan aan lahayn aragti uu ku meel maro dhamaad ma yeelanaayo balse dhibaato ayuu samaynayaa inta uu dhib samayn karo waxaa taas Tusaale u ah Cabdirinta saxaafadda .
Hoggaamiya aan lahayn aragti Siyaasadeed meel mar ah waxaa uu la noolaadaa dareen caro baddan isagga oo u caroonaaya maxay meel mar u noqon wayday aragtidaadu , dabcan kaasu ma ahan hoggaamiye mudan in uu Bulsho hoggaamiyo sidaas oo ay tahayna waa imaan karaa Siyaasi aan saadilin wanaagsan lahayn himigalin Bulsheedkana ka maran .
Saxaafaddu Caburin ma mudna Mucaarad iyo muxaafidka waxay Mudan yihiin in ay aragtiyadooda ku meel marsadaan , Warbaahiyaha iyo barnaamij warbaahineed sameeyuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu curiyo Faallooyin iyo Qormooyin shacabku xiisaynayaan saamayna ku yeelanaaya taasina waa shaqadiisa , Maamulka taladda hayaa in uu u arko dhibaato Falanqayta la falanqaynaayo siyaasadiisa iyo dhacdooyinka uu sameeyo waxay muujinaysaa in uu ka cabsanaayo xaqiiqda in la sheego , xaqiiqda oo laga cabsadaa waa in Been la sheego in aad rabto , Been sheegiduna waa mid ku reeban Diinteena iyo damiir bini aadameedka sidda saxda ah u shaqaynaaya ee iswaydiinaaya maxaa kala ah Wanaagsanaan iyo Xumaan ay dhibsato garashada bIni aadamka badankiisu Tusaale hebel waa hadlay in aad dhibsato oo aad u dhibsato in uu kaa aragti duwan yahay waa mid banaan oo dabiici ah balse doorkaagu waa in aad meel marinta middaada ka fakarto haday macquul tahay balse haddaad ku fakarto qof kale yuusan han siyaasadeed lahaan , warbaahintu yaysan war kaa dhan ah Faafin , markaas waxaad u muuqaysaa qof dabiiciyada jiritaanka Caalamka la colaysan !! Marka aad heerka dabiiciyad la colaansho nimadda aad gaarto waxaad noqonaysaa qof ku farkara in uu Nolosha dhaafiyo midka ka aragti duwan , Tusaaalahaas waxaa maanta leh Maamulka haatan Puntland ka jira ee macangagnimadda iyo muquninta ku haya Bulshadda Puntland sababna ay u tahay in uu ogyahay hoggaamiyaha talladda hayaa in uu qaldan yahay balse qaladkiisa kursi jeclaantu uga soo kormarsan tahay .
Idlaayn:
Wasiir warfaafineedka cusub ee Puntland Wasiir warfaafineedka cusub ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir waxa uu ina yiri Horseedmedia waxay sheegtaa wax caloosha ugu jira!!! waxay iswaydiintu noqonaysaa Radio Garoowe waxa uu sheegaa xagay ugu jiraan ? Jawaabta wasiirka ayaynu ka sugaynaa dabcan Horseedmedia in ay shaqayso ma mudna ayuu yiri maddaama ay sheegto waxal calooleedkeeda markaas Radio Garowe in uu baahiyo mudnaanta wax uu ku mutaystay halka ay ugu jiraan waa jawaab shacabku dhowarayaan !!!
Kalitalisnimadda kursi jacaylka ah ee Maamulka Puntland warbaahintiisa Bulshada ugu sheegaayo ayaa mudan marka aad shacabka ku tiraahdaan malaha isma waydiin wasiirka iyo madaxdiisuba waxa ka soo noqonaaya arintaas , Mucaaradku ma hadli karaan saamaynta ay yelayso dabcan ma ahan mid la eegay ee waxay is tuseen in la xirxiro qofki aragti ka dhan ah qaba ! Imisa ayaad xiri kartaan ? mase iswaydiiyeen Madaxda Maamulka Puntland talaabooyinka Mucaaradku qaadi karaan ?
Kaligarte-nimaddu ma ahan mid door ku leh caalamka taaba galna ma noqon karto aragti aminsan in ay ay caburiso cid kasta oo aan ahayn la hoggaamiye iyo warbaahin xoreedka Barbaarin Bulsheedka ka qayb qaadanaysa ee soo gudbinaysa aragtiyadda kala duwan iyo dhacdooyinka caalamka ka dhaca , siddaad u fakartaa in ay sax tahay oo ay mustaqabal meel marineed leedahay halka lagu gartaa waa marka la hello aragti ka soo horjeeda taada . Hadaad taas diido Meel mar ma ahan mabaadiidaadu, waxaadna tahay kaligi sheege doone !

W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
E-Mail: Dooxajog5@hotmail.com
Facebook: Halkaan Riix
Xasuusin: Aragtida dadweynaha waxay khaas u tahay qofka soo qoray qormada, webka Somaliweyn lama qabaan aragtidiisa qoraaga
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|