Somali News
    Hees  

QM oo digniin u dirtay dad ay ku tilmaantay cadawga nabadda Soomaaliya . (Warbxin ka soo baxday Golaha Ammaanka)

Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




QM oo digniin u dirtay dad ay ku tilmaantay cadawga nabadda Soomaaliya . (Warbxin ka soo baxday Golaha Ammaanka)


Golaha amaanka ee QM oo kulan xalay ku yeeshay magaalada Newyork ee xarunta QM ayaa digniin culus u jeediyay siyaasiyiinta soomaalida ee ku nool gudaha dalka somalia iyo dibaddiisa kuwaas oo carqalad ku haya marxaladda bishan August somalia ay ku jirto.

War saxaafadeed si wada jir ah ay u soo saareen 15ka dal ee golaha amaanka ee QM ayaa lagu sheegay in goluhu uu ka warhayo Actarada ama dadka ka soo horjeeda in somalia ay ka baxdo xilliga KMG ah ayna u gudubto dowlad dhexe oo 21 sano kadib ay yeelato waa sida lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha amaanka ee QM.

"Waxaan mar kale ku celineynaa digniintii ku wajahneyd dadka qaswadayaasha , haddii ay ina maqlayaan oo ay ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia ama dibaddiisa , waxaan u sheegeynaa inaan loogu dulqaadan doonin talaabooyinka ay kaga soo horjeedaan tubta nabadda Somalia , waxa ay wajihi doonaan cunaqabateyn hadii aysan ka waantoobin" ayaa lagu yiri sida ku qoran warsaxaafadeedka ka soo baxay 15-ka dal ee golaha ammaanka.

Goluhu waxa uu baaq u jeediyay xubnaha barlamaanka cusub ee Somalia , waxana uu ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyada badan ay u soo doortaan qof howlkar ah oo wax badan ka badali kara dhibaatada Somalia ka jirta , waqtigii loogu talagalayna aysan dhaafin.

Golaha ammaanka ee QM ayaa sidoo kale ka digay qatarta ka dhalan karta Al qaacidada xiriirka la leh al shabab ee somalia ku sugan , waxana uu goluhu uu si aad ah u cambaareeyay weerarada argigixisinimo ee ka dhacaya dalka somalia sida ku xusan warsafaafadeedka golaha amaanka.

Somalia ayaa bishan August waxa ay mareysaa marxalad xasaasi ah , waxana lagu wadaa in dalka somalia uu 20 august kadib lagu wadaa inuu yeesho madaxweyne cusub , waxana xilkaasi madaxtinimada ku hardamaya musharixiin 20 ku dhow

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)