|
QM oo digniin u dirtay dad ay ku tilmaantay cadawga nabadda Soomaaliya . (Warbxin ka soo baxday Golaha Ammaanka)
Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca oo soo dhoweeyay is-bedelada ka jira Muqdisho
Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay is bedelada ka jira magaalada Muqdisho Hal sano kadib, markii Al-Shabaab ka baxday, iyadoo bogaadisay dadaalada nabadeed iyo horumarinta ka jirta magaalada
Bayaan ka soo baxay Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyed ay iska kaashadeen nabadooda iyo amniga, isla markaana ciidamada ku gacan siiyaan sidii lagu soo qaban lahaa kooxaha nabad diidka ah.
"Waxaan taagerynaa is bedelka ka jira magaalada sanad kadib, markii kooxihii nabad diidka laga saaray, waxaa soo dhoweynaynaa nabada magaalada ka jirta, dib u dhiska iyo horumarka"ayaa lagu yiri Bayaanka Culimada.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in sanad ka hor magaalada ay aheyd mid aad bur bursaneyd, waxaana la bur buriyay masaajidadii, goobihii malcamdaha ee dugsi quraanka iyo dhismayaashii dadweynaha.
Waxaa ay sheegeen in masaajidada dadka ay ku cibaadeysanayaan, dibna loo dhisya, duruustii diiniga laga aqrin jirayna ku soo laabatay, waxaana ay ugu baaqdeen shacabka inay xajiyaan nabada iyo ifafaalaha muuqda.
Waxaa kaloo bayaanka lagu sheegay in 10-ka bisha Ramadaan ay tahay 10-ka ugu qeyrka-badan, isla markaana ku jirto habeen ka qeyr badan kun habeen, ayna ka faa'ideystaan habeenkaas qeyrka badan in Alle dalka dowladnimo iyo nabadgelyo Soomaaliya u keeno.
Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen dadka wax heysta inay u kaalmeeyaan dadka masaakiinta ee aan waxba heysan, fadliga busha barakeysan ee Ramadaan.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|