Somali News
    Hees  

Gabdhaha USA oo Difaacday Biladii Dahabka Olombikada iyo Jabaan oo si weyn loogu Jilib dhigay Ciyaartii Finalka Olombikada London 2012....

Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gabdhaha USA oo Difaacday Biladii Dahabka Olombikada iyo Jabaan oo si weyn loogu Jilib dhigay Ciyaartii Finalka Olombikada London 2012....

Gabadhaha  Kubada Cagta Mareykanka ayaa ku Guuleystay Bilada Dahabka Tartanka Olombikada London 2012 ka dib Markii ay 2-1 Ku dhufteen Gabdhaha Jabaab oo ay isagu soo Hareen Ciyaarta Kama dambeysta ee Finalka oo ka dhacday Garoonkii Wambelly ee London.

Ciyaartaan oo ay 2 xul soo Bandhigeen Ciyaar adkeysi ku dhisan ayaa waxaa Gacans areeyay Gabdha Mareykanka oo u Muuqday kuwa ka aarsanayay 1 sano ka dib kuwa Jabaan oo 2011ki ka qaaday Koobkii Kubada Cagat Gabdha Caalamka ka dib markii ay Rigoorayaal uga Badiyeen.

10ka US Lloyd oo xalay wacdaro ka muujisay Garoonka ayaa Gacanta u galisay Xulkeeda gabdhaha Mareykanka in ay ku Guuleystaan Bilada Dahabka Tartanka Olombikada 2012ka ka dib Markii ay dhalisay 2 gool ee lagu legday gabdhaha jabaan 2 qeybood ee ciyaarta.

Goolka Madiga ah ee Jabaan waxa qalinka ku duugtay 17-ka Jabaan Ciyaaryahanada lagu MagacaaboNagasato oo aheyd Xidigad ay si weyn ugu dhaaranayeen Jabaan .

Gabdhaha Jabaan waxa qeybtii Danbe ka qasaariyay Gool ay ku Barnareyn lahaayeen Xulka Gabdha Jabaan Nambarka 16 oo ay kubada ka saartay Goolhayaha Mareykanka.

Kaalinta 3 waxaa Cariirsatay Canada oo garaacday Franca ugana badisay 1-0,Kaalinta 4,5 iyo 6 waxaa kala galay Gabdha Franca,Great Britain iyo Brazil.




Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
uurdoox2011@hotmail.com 

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)