Somali News
    Hees  

Md Farmaajo: "Aad ayaan uga xumahay wixii shalay dhacay, waxaana ka codsanayaa dowlada inay maxkamad soo taagto"

Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Md Farmaajo: "Aad ayaan uga xumahay wixii shalay dhacay, waxaana ka codsanayaa dowlada inay maxkamad soo taagto",

Ra’isul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed "Farmaajo" ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dhacadadii shalay ka dhacay Taalada Sayidka kadib markii ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay rasaas ku fureen dad diabdbax dhigayay.
"Aad ayaan uga xumahay wixii shalay dhacay, waxaana ka codsanayaa dowlada inay maxkamad soo taagto", ayuu yiri Maxamed C/laahi Farmaajo oo dhunaca kale ugu baaqay dowlada uu hada hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed ay baaritaano ku sameyso dhcadii shalay.

Farmaajo waxaa uu Tacsi tiiraanya leh u diray Farmaajo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii ay ka geeriyoodeen labadii ruux ee shalay naftooda ku waayay rasaastii lagu furay iyagoo banaanbaxayay.

Dowlada KMG ah ayaa kulan degdeg ah ka yeelatay dhacdadaas, waxaana ay musharaxiinta uga digeen in qalqal ay geliyaan amaanka magaalada Muqdisho isla markaana ay ciidamada qaranka siyaasada u adeegsadaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)