|
Xafiis ay leedahay Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo laga furay furay degmada Balcad
Mogadishu Jimco 10 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xafiis ay leedahay Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo laga furay furay degmada Balcad
Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay xafiis ka furatay degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo isla shalay maxkamada lagu wareejiyay rag ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.
Gudoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida Gen. Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab" ayaa ku dhawaaqay isagoo ku sugan degmada Balcad in xafiis ay ka furteen degmadaasi kaasoo uu tilmaamay in loogu adeegi doono si cadaaalad ah shacabka Soomaaliyeed.
"Laga bilaabo maanta Maxkamada Xafiiskeeda waa ka furan yahay halkaan, waxaa uga digeynaa Askarta in aan la arki karin cid Hub isaga dhex sidata degmada"ayuu yiri Muungaab.
Gudoomiyaha maxkamada Ciidamada ayaa uga digay ciidamada lacagaha aan sharciga aheyn ka qaata Gawaarida isticmaasha wadada iyo kuwa sida sharci darada ah hubka ugu dhaxsita magaalada.
Maamulka degmada Balcad ayaa soo dhoweeyay tallaabada Maxkamada Ciidamada qalabka sida ay Xafiiska uga furatay degmada Balcad, waxaana ay sheegeen inay kaalin ka qaadaneyso ammaanka degmada.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|