|
Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay gudoomiyaha jaaliyada Digil & Mirifle ee dalka Norwey
Doha Jimco 10 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Waxaa xaf lad Casha Sharaf ah oo lagu soo dhaweynayay gudoomiya jaaliyada Digil & Mirifle ee dalka Norwey ka dhacday Dalka Qatar caasimadiisa Doha casha sharaftaas oo ay ka soo qeyb galeen masuulinyiin sare sare, siyaasiyiin, culimaa'u diin, aqoon yahano iyo waxgaradka qowmiyada Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan dalka Qatar xafladaas oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa aayadaha quraan kariin ah ku furay Sheekh C/hi Xaaji Cali (Sanka)
Intaa kadib waxaa qudbado kala duwan ka jeediyay Siyaasiyiin uu ka dhex muuqday Mudane/ Xilibaan Cabdala Bar- Baar Amar, qud badiisa oo ku wajahnayd isku duubnida iyo horumarinta qowmiyada Digil & Mirifle, sidoo kale waxaa uu mahad balaran u jeediyay gudoomiya Jaaliya Digil & Mirif le ee dalka Norwey booqashadiisa uu ku yimid dalka Qatar isagoona ugu baaqay in laga shaqeeyo isku xirka labada jaaliyadood ee dalka Norwey iyo Qatar.
Waxaa sidoo kale qudbad aad u qiima badnayd halkaasi ka jeediyay Gudoomiya Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee dalka Norwey mudane Mohamed Hassan Ali (Maamow) isagoo ka faalooday aas aas kii dhismaha Jaaliyada Digil & Mirifle ee dalka Norwey isla markana u mahadceliyay Jaaliyada Digil & Mirifle ee dalaka Qatar sida diiran ay u soo dhaweeyeen ugu danbaytiina waxaa uu xusay in ay tahay wax lagu farxo isku duubnida jaaliyada Digil & Mirifle ee dalka Qatar uguna baaqay in la hiigsado horumarinta dalka iyo dadkaba, waxa kaloo qudbad ka jeediyay Sheekh Cabdisalaan oo kamid ah golaha Shuurada Jaaliyda Digil iyo Mirifle qudbadaasoo dhinacya badan taabaneysay.
Sidoo kale masuuliyiintii meesha ka hadlay waxaa kamid ahaa Mudane Cabdi Muqtaar oo ah xubin kamid ah Golaha Shuurada Jaaliyada Digil & Mirifle qudbadiisa oo isugu jirtay soo dhaweyn iyo wax wada qabsi, guntii iyo gaba gabadii waxaa si farxad leh isku gacan qaaday kasoo qeyb galaayaashii casha sharafta isla markaana guda galay cashadii waxayna xafladii casha sharafta ahayd ay ku soo idlaatay jawi farxadeed waxaana sidii caadada ahaydba aayadaha quraanka ka riimka qowlkii eebe ku soo af jaray Sheekh C/hi Xaaji Cali (Sanka)






Cabud Madridista.
Doha Qadar
dearabdalla@hotmail.co.uk
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|